Khamiis, April 17, 2008(HOL): Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuley oo qadka Taleefoonka Shir jaraa’id ku qabtay ayaa wuxuu ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin sicir bararka jira, dilalka ka dhaca Magaalada Muqdisho, Dib u heshiisiinta socota, bambooyinka Shineemooyinka lagu tuuro, Ciidamo u soo goostay dhinaca Maxkamadaha iyo weliba dadka bililiqada ka geysta meelaha ay qabsadaanCiidamada Maxkamadaha Islaamka.
Shiikh Maxamuud waxaa uu sheegay in sicir bararka ka jira Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ay ka dambeeyaan sida uu u yiri dad u adeegaya Itoobiya oo lacag been abuur ah soo daabaca, dabadeedna ku bedesha lacag Doollar ah, “Waxaan leenahay haddii aad dooneysaan in aad inta Madfaca Itoobiya ka soo hartay aad si qabow u dishaan, taasi idiin suurtageli meyso shacabka Soomaaliyeedna arrintaas waa ka soo jeedaa”ayuu yiri Shiikh Maxamuud.
Mar uu Shiikha ka hadlayay Dib u heshiisiinta la doonayo in laga dhex furo Dowladda Federaalka iyo Dhinacooda waxaa uu sheegay in ay soo dhaweynayaan wada hadalladaas, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay in ay ka tanaasuleen shuruud ay wada hadallada ku xirayeen oo ahayd in marka hore laga saaro Soomaaliya Ciidamada Itoobiya, “Annaga Mowqifkeenii waxba iskama bedelin, wada hadallada aan geleynana waxay yihiin kuwo aan ku dooneyno in ay dadka la yimid Ciidamada Itoobiya ay Dalka uga saaraan”ayuu mar kale yiri Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuley.
Waxaa uu ka hadlay Shiikh Maxamuud Bambo dhawaan lagu weeraray Shineemo ku taala Degmada Marka, taasi oo sababtay dhimasho iyo dhaawac, wuxuuna sheegay Shiikha in ay falkaas cambaareynayaan, “Marka aan sidaas leenahay ma ahan in aan raali ka nahay Shineemooyinka ee waxaan ka soo hor-jeenaa in iyadoo Munkar la suulinayo dad la dilo, kaliya waxaa ku filan in qofka Shineemada leh lala hadlo”ayuuna yiri Shiikha.
Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuleey waxaa uu sheegay in aaney Diinta Islaamka meelna uga oolin in la daadiyo dhiigga qof Muslim ah, wuxuuna sheegay in qofka la dili karo marka uu ku sifoobo seddex arimood midood, kuwaasi oo kala ah in uu qof dilo, in uu diinta ka baxo iyo in uu zineysto isagoo guur soo maray, wixii intaas ka soo hara diinta islaamka ma baneyneyso in qof la dilo”ayuu yiri Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuley.
Waxaa kale oo uu ka hadlay Shiikh Maxamuud Kooxo uu sheegay in ay bililiqo ka geystaan meelaha ay ka baxaan Ciidamada Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna u digay dadka bililiqada geysta, isagoo shacabkana ugu baaqay in ay Kooxahaas iska qabtaan.
Ugu dambeyntiina Shiikh Maxamuud waxaa uu ka hadlay Ciidamo ka soo goostay maamulka Gobolka Hiiraan oo u soo galay maxkamnadaha Islaamka, wuxuuna sheegay in uu shalay u soo galay Gaari Cabdi Bile ah oo uu saarnaa Qori Dhashiike iyo Ciidamadii saarnaa oo iyana hubeysnaa, “Ciidamada noo yimid waxay ahaayeen dhalinyaro gartay in ay ka qeybqaataan halkan lagu xoreynayo dalka Soomaaliya, kuwa kale ee la qaldayna waxaan leenahay ku soo biira walaalihiin”ayuuna yiri Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuley.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia