Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka guuray Fariisin ay ku lahaayeen Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

Cabirka Farta

Khamiis, April 17, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo maalmahan fariisin ku lahaa Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa halkaas isaga guuray maanta gelkinkii dambe.

Ciidamadan oo watay dhowr iyo toban gaari oo isugu jiray kuwa dagaalka iyo kuwa Ciidamada iyo Saadkooda xambaara ayaa waxay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe  uga baxeen dhinaca Wadada u kacda Degmada Afgooye  ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka naga soo gaaraya Degmada Balcad ayaa waxay sheegayaan in Ciidamadan intii ay ku sugnaayeen Degmadaas ay deganaayeen Garoonka Kubadda Cagta iyo Buundada laga galo Degmada marka dhinaca Magaalada Muqdisho laga tago.

Qaar ka mid ah Dadka ku dhaqan Degmada Balcad ayay galabta u suurtagashay in ay guryahooda dib ugu soo noqdaan kadib markii ay guryahooda uga carareen sabab la xiriirta Ciidamada Itoobiyaanka ah ee soo dul-degay, kuwaasi oo ay ka baqeen in ay soo weerareen Xoogagga ka soo horjeeda joogitaankooda Soomaaliya.

Dadkaas waxay soo dhaweeyay ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Degmada Balcad, waxaana la arkayay markii ay Ciidamada baxeen dad badan oo isugu soo baxay Waddooyinka Degmada, kuwaasi oo hadal hayay bixitaanka Ciidamada Itoobiya.

Ugu dambeyntiina, Ciidamadan Itoobiyaanka ah ayaa markoodii hore waxay ka yimaadeen dhinaca Degmada Jowhar oo ay aadeen kadib markii ay Degmadaas gacan ku heynteeda labo jeer la wareegeen  Ciidamada Maxkamadaha Islaamka, dabadeedna uu Maamulkii Dowladda Federaalka ee Degmadaas ka talinayay uu halkaas isaga baxay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia