Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo dib ugu laabtay Muqdisho

Khamiis, April 10, 2008(HOL): Waxaa dib ugu laabtay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) kadib markii uu socdaallo ku soo kala bixiyay Dalalka Sacuudiga, Kenya iyo Jabuuti.

Ra’iisal Wasaaraha oo intii uusan dib ugu laaban caasimadda Muqdisho u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa wuxuu sheegay in uu dalalkaas u tegay arrimo ku saabsan wanaajinta Xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya Dalalkaas iyo weliba Arrimo ku saabsan Dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in uu wada hadal dhexmaro dhinacyada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda, wuxuuna sheegay in marka ay labada dhinac wada hadlaan xal la gaari doono.

Dhawaanna Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa wuxuu isna rajo wanaagsan ka muujiyay in wada hadallo lagu xaliyo mushkiladda Soomaaliya, isagoo weliba xusay in uu jiri doono wada hadal labada dhinac dhexmari doona, inkastoo uusan waqti rasmi ah sheegin.

Dib ugu noqoshada Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo uu socdo dadaal ay wadaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub, kaasi oo la doonayo in lagu wada hadalsiiyo dhinacyada isku haya Soomaaliya ee kala ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia