
Khamiis, April 10, 2008(HOL): Munaasabad loogu baroor-diiqayay labo fannaan oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu qabtay Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha, iyadoo munaasabaddaasna ay ka soo qeybgaleen dad badan oo isugu jiray Fannaaniin, Aqoonyahanno iyo wakiillo ka socday Bahda Saxaafadda.
Munaasabaddan oo uu soo qaban qaabiyay Naadiga Hal-Abuurka iyo Qalin-maalka Soomaaliyeed PEN ayaa waxaa maalgeliyay Ururka Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SOWJA, waxaana ujeedada munaasabaddan loo soo qaban qaabiyay ay ahayd sidii loo xusi lahaa kaalintii ay Fannaaniintaas kaga jireen Fanka Soomaaliyeed, iyagoo weliba ahaa kuwo aan marna dalka dibadda uga bixin.

Abwaan Siciid M. Harawo
Munaasabaddan waxaa ka hadlay Fannaaniin ay ka mid ahaayeen Saciid Maxamed Cali (Saciid Harawo), Axmedey Cabdi Gaashaan, Maki Xaaji Banaadir, Cabdi Maxamed Ilka-case, Yusuuf Cabdi Xaaji (Yuusuf Aleive), Barre Shiikh C/llaahi Bangaladhesh iyo kuwo kale, kuwaasi oo dhamaantood ku dheeraaday ka hadalka taariikhdii ay lahaayeen Fannaaniintaas geeriyootay iyo sidii dan-darrada ahayd ee ay u dhinteen.
Abwaan Siciid Harawo oo ugu horeeyay fanaaniintii hadashay ayaa sheegay in fannaaniinta geeriyootay ay dan-darro u dhinteen, qaarkoodna markii ay dhimanayeen lagu lahaa lacago deyman ah oo isugu jiray kuwo lagu yeeshay intii ay xanuunsanaayeen iyo kadib-ba, wuxuuna Saciid Harawo carrabka ku dhuftay in Marxuum Aw-kuu kuu markii uu geeriyoonayay lagu lahaa lacag dhan 300$.
Kadib waxaa hadalkii qaatay Abwaan Axmedey Cabdi Gaashaan oo sheegay in xiligan Fannaaniinta Soomaaliyeed ee gudaha ku sugan ay la soo gudboonaatay dhibaato nololeed oo aad u adag, “C/llaahi Amiir Rooble Aw-kuu kuu iyo Axmed Nuur Iidow Jaangow waxay ahaayeen labo Jaaq oo ka jabay Fannaaniinta Soomaaliyeed..Nin Geedo tiriyay oo aan Yaaq sheegin waxba ma tirin, marka waxaan leenahay labadaas fannaan Alle ha u naxariisto”ayuu yiri Laashin Axmedey Cabdi Gaashaan.

Abwaan Axmadey Cabdi Gaashaan
Axmedey Cabdi Gaashaan oo sii hadlayay waxa uu sheegay in xiligii ay jirtay Dowladdii hore ay fannaaniinta lahaayeen is-garabsi iyo is-taageerid, wuxuuna carrabka ku dhuftay in markii fannaan ka xanuunsado ama uu geeriyoodo ay sameyn jireen Bandhig Faneedyo ay dhaqaalaha ka soo xarooda isugu gurman jireen, haatanse uu xaalka Fannaaniinta gudaha ku sugan uu marayo Awood baan jirin xageygoo Afkii baa juuqda gabay.
Abwaan Maki Xaaji Banaadir ayaa isna ka hadlay munaasabadda baroor-diiqda ahayd, wuxuuna ka tacsiyeyn geerida ku timid Fannaaniintaas kadib uu si kulul u weeraray Idaacadaha ku baxa afka Soomaaliga ee ruqsad la’aan qaata Suugaantai iyo Hal-abuurkai ay leeyihiin Fannaaniinta Soomaaliyeed, “Fannaaniinta Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya waxaa u harsan kaliya in ay dhahaan Noo Kaalmeeya, taasina haddii ay dhacdo waxay dhaawici doontaa sharafta Qaranka iyo Fannaaniinta Soomaaliyeed, waxaana taasi ugu wacan iyadoo xuquuqdooda lagu tunto, habeen iyo maalin kasta waxaa Idaacadaha laga sii daayaa heeso iyo sheekooyin ay leeyihiin Fannaaniintii hadda geeriyootay, mana jiraan wax laga siiyo caruurtii iyo xaasaskii ay ka geeriyoodeen”ayuu yiri Maki Xaaji Banaadir oo sheegay in aysan dhici doonin in ay ka haraan xuquuqdooda, ayna u guntan doonaan sidii ay u soo dhacsan lahaayeen.

Abwaan Maki Xaaji Banaadir
Sidoo kale waxaa ka hadlay munaasabaddii baroor-diiqda labada Fannaan Yuusuf Cabdi Xaaji (Yuusuf Aleive) oo ah Muusikiiste caan ah oo si weyn looga yaqaano dalka Soomaaliya, wuxuuna soo jeediyay bacdamaa ay geeriyoodeen Fannaaniin badan Soomaaliyeed in la sameeyo maalin loo aqoonsado maalinta Fannaaniinta Soomaaliyeed, kadibna wuxuu sheegay in labada fannaan ee geeriyootay ay saaxibo ahaayeen, gaar ahaan Axmed Nuur Jaangow ay soo wada shaqeeyaan, heeso badanna ay laxamo isla saareen.

Muusikiiste Yuusuf Aleive
Yuusuf Aleivi waxaa uu sheegay in wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliyeed ay fannaaniinta Soomaaliyeed la soo gudboonaadeen duruufo kala duwan, wuxuuna sheegay in qaarkood ay u dhinteen sababo la xiriira dhibaatooyinka dalka ka jiray, halka kuwo kalena uu sheegay in ay u dhinteen daryeel la'aan sida labadii Fannaan ee u dambeysay oo kale.
Intaas kadib waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay Qamar Salaad Cumar oo ka tirsan Guddiga Xoriyadda Cabiraadda Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed oo munaasabaddan soo qaban qaabiyay, waxayna sheegtay in kadib markii ay madaxda Guddigooda ay maqleen geerida ku timid Fannaaniinta kala ah Axmed Nuur Iidow Jaangow iyo C/llaahi Amiir Rooble Aw-kuu kuu ay go’aansadeen in loo sameeyo munaasabad loogu baroor-diiqayo oo lagu soo bandhigayo waxyaabihii ay qabteen fannaaniintaas iyo kaalintii ay Bulshada ku lahaayeen, waxayna intaas ku dartay Qamar in qabsoomidda munaasabaddan ay si weyn isaga kaashadeen Ururka Suxufiyiinta Haweenka Soomaaliyeed iyo Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha.

Qamar Salaad oo ku hadleysay magaca Qaban-qaabada Munaasabadda
“Dhamaanteen waan dhimaneynaa, waan kala horeynaa mooyee, sidaas darteed waxaan leenahay Alle ha u naxariisto Fannaaniintaas geeriyootay, qoyskii iyo ehelladii ay ka geeriyoodeenna samir iyo iimaan Alle haka siiyo”ayay tiri Qamar Salaad Cumar.
Barre Shiikh C/llaahi Bangaladhesh oo ka mid ah Aqoonyahannada iyo Hal-abuurayaasha Soomaaliyeed ayaa wuxuu munaasabadda ka jeediyay hadal ku saabsanaa sida ay u dulman yihiin Fannaaniinta Soomaaliyeed oo markaasina xuquuqdooda loogu tunto, wuxuuna sheegay in haatan Idaacadaha Muqdisho qaarkood laga sii daayo heeso uu laxan saaray ama uu ku luuqeeyay Axmed Nuur Jaangow, hadana aanan wax xuquuq ah laga siinin, sidoo kalena ay Idaacadaha Muqdisho qaarkood ka baxaan Sheekooyin ama Iidhehyo uu sameeyay C/llaahi Amiir Rooble Aw-kuu kuu, iyadoo sidoo kalena aan wax xuquuq ah laga siinin.

Abwaan Barre Shiikh C/llaahi Bangaladhesh
“Fannaaniintaas geeriyootay marka aad fiiriso waxay dadka uga tageen wax weyn oo ay qabteen, waxaana oran karaa waxay ahaayeen macallimiin dadka waxbarayay”ayuu yiri Barre Shiikh C/llaahi Bangaladhesh oo ugu baaqay Idaacadaha Muqdisho in ay qoysaska fannaaniintaas ay wax ka siiyaan Xuquuqda ay ku leeyihiin waxyaabaha ay u sameeyeen.
Ugu dambeyntiina, waxaa munaasabadda ka hadashay Marwo Maryan Xuseen Maxamed Awreeye oo ka tirsan Guddoonka Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha, waxayna sheegtay in munaasabaddan ay si deg deg ah u sameeyeen, hayeeshee munaasabad weyn loo sameyn doono Fannaaniinta geeriyootay, taasi oo weliba lagu soo beegi doono maalin loo asteyn doono Fannaaniinta Soomaaliyeed, sida ay Fannaaniintuba codsadeen.

Marwo Marwo Xuseen Maxamed Awreeye
Maryan Awreeye waxay intaas ku dartay in lagu cel celiyay xuquuqda Fannaaniinta Soomaaliyeed oo lagu tuntay, waxayna sheegtay in Xuquuqda Fannaaniinta ka maqan ay la mid tahay Xuquuq badan oo Shacabka Soomaaliyeed ka maqan, Fannaaniintuna ay Aadanaha ka mid yihiin. Intaas kadib waxay Maryan Awreeye ka dhawaajisay hadal ay aad ugu sacab tumeen dadkii munaasabadda ka soo qeybgalay, kaasi oo ahaa in ay Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha ay bixin doonto lacagta 300$ ee lagu leeyahay C/llaahi Amiir Rooble Aw-kuu kuu.
Daawo sawirro kale oo ku saabsan Munaasabadda Baroor-Diiqda-HOL
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia