Qarax gilgilay Xarunta Golaha Guurtida Somaliland iyo Jawaabta Masuuliyiinta Xukuumadda

Khamiis, April 10, 2008(HOL):  Xarunta Golaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta abbaaro 12:00 duhurnimo waxaa gil-gilay qarax xoogan, kaas oo ka dhex-dhacay Xafiiska Guddiga joogtada ee Golaha Guurtida oo 10 talaabo dhinaca waqooyi ka xiga Qasriga Madaxtooyada Somaliland, isla markaana waxaa dhaawac ka soo gaadhay hal qof oo ka tirsan shaqaalaha Xafiiska.

Qaraxan oo Khasaaraha uu gaystay ay ka mid tahay iyada oo ay bur-bureen daaqadihii iyo albaabkii xafiiska, ayaan ilaa hadda la ogayn cidda ka dambaysay, hase ahatee waxaa jiray dad loo xidh-xidhay dhacdadaas.

Qaraxaas ayaa laga maqlayay agagaarka Golaha, isaga arga-gax ku abuuray dadkii ka ag-dhawaa halkaas. Isla daqiiqado kadib waxaa isku geedaamay guud ahaan-ba Goobtii qaraxu ka dhacay iyo sidoo kale xarunta Golayaasha Baarlamanka (Guurtida iyo Wakiillada oo isku xayndaab ku jira) ciidimada Booliska, iyaga baadhitaan ku bilaabay goobtii ay wax ka dhaceen. Iyada oo guud ahaan-ba la iska hor taagay goobta qaraxu ka dhacay in ay saxaafadu gasho, ayaa hadana Saxaafadda oo wax ka waydiisay Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa Cali Xasan Aw Maxamuud (Cali-asad), oo isaguna wax yar ka dib soo gaadhay goobtaasi. Inkasta oo aanu faahfaahin badan ka bixin Guddoomiyuhu arrintan, balse waxa uu sheegay in ay baadhitaan ku hayaan ciddii falka gaysatay. “Waa la baadhayaa sababtii keentay Qaraxa, oo gacanta ayaa lagu hayaa baadhistiisii, dawladii oo dhamina waa taas oo way isugu timi, ilaa haddana cid loo hayaa ma jirto.” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa Mr. Cali-asad.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad, oo ay Saxaafaddu wax ka waydiisay cidda ka dambaysay Qaraxaa loo Gaystay Xafiiska Guurtida iyo ilaa hadda waxa ay kala socdaan, ayaa ka gaabsaday in uu wax faah-faahin ah ka bixiyo sidii falkani u dhacay iyo cida ka dambaysay, waxaanu si kooban u yidhi, “Ma jiro imika wax war ahi oo aanu imika idin siinaynaa, oo waxba ma ogolin.”

Qaraxan ka dhacay Golaha Guurtida Somaliland ayaa ku soo beegmay xaalad kala guur ah iyo waqti dadku aad ugu dheg taagayeen waxa laga yeeli doono arrinta Muddo-kordhinta ee Xilka Madaxweynenimo ee Madaxweyne Rayaale, oo waqtigu kaga eg yahay bishan April 14-keeda. Kaas oo la filayay in saaka Mudanayaasha guurtidu fadhi ka yeeshaan. Waxaana Madasha iyo kaamboolka ama Dayrka Xarunta Guurtida u isugu yimi dadweyne aad u tiro badan oo ka gadoodsan, una dhag-taagayay ku dhawaaqitaanka muddo loo kordhiyo Madaxweynaha waqtigiisu gabaabsiga yahay iyo Guddoomiyayaasha labada Xisbi Mucaarid ee Kulmiye iyo UCID Faysal Cali Waraabe iyo Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Dhinaca kale, Fadhigii caadiga ahaa ee golaha guurtida Somaliland ayaan qabsoomi waayay maanta, ka dib markii uu buuxsami waayay Koolamku ama tirada Xildhibaanada Golaha ee uu ansax ku noqon lahaa Fadhigaasi.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland