More Articles
Isniin, December 23, 2024 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareeysay xadgudub ay sheegtay in ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gedo ay ka geeysteen magaalada Doolow oo ay weerareen saldhigyada ciidamada Dawladda Federaalka Soomaaliya.
Warkii oo dhan
Axad, December 22, 2024 (HOL) - Wasiirkii hore ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo maanta xilka qaadis lagu sameeyay ayaa goordhaw ka hadlay sababaha keenay xilka qaadistiisa.
Sabti, December 21, 2024 (HOL) - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegtay hoggaanka Golaha Wasiirada Difaaca iyo Amniga ee Bariga Afrika (EASF) oo ay kala wareegtay Dowladda Rwanda.
Jimco, December 20, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa sheegaya inuu dagaal xooggani ka billowday magaalada Dacawaley oo ka tirsan degmada Xarshin ee gobolka Jarar ee Dowlad Degaanka Soomaalida, dagaalkan ayaa sida la sheegayo waxa uu u dhaxeeyaa Maleeshiyaad hubaysan iyo Ciidamada Degaanka Soomaalida.
Khamiis, December 19, 2024 (HOL) - Burcadbadeedda afduubka u haysata markab kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha oo dabayaaqadii bishii November ee sannadkan laga afduubtay xeebaha waqooyi-bari ee Soomaaliya ayaa dalbaday madaxfurasho lacageed oo dhan 10 milyan oo doollarka Mareykanka ah.