More Articles
Axad, May 3, 2020 (HOL) - Injineer Soomaali ah ayaa soo saaray qalabka neefsashada , xilli ay kordhayaan dadka aan helin Mashiinka Neefta ee u dhimanaya fayruska COVID-19.
Warkii oo dhan
Sabti, May 2, 2020 (HOL) -Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo ka hadlaayay munaasabad looga hadlay Covid19 ayaa sheegay in maamulku uu diiwaan galiyay dadka ku dhinta magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in maalin walba aay geeriyoodaan 30 qof.
Jimco, May 1, 2020 (HOL) - Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo shir jaraa'id warbaahinta ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay xaaladda xanuunka COVID-19 iyo Soomaaliya, waxa uusoo jeediyay in ay bulshada muujiyaan taxadar iyo feejignaan dheeriya.
Khamiis, Abril 30, 2020 (HOL) - Wasaarada caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalinlaha ah ku sheegtay in ladiiwaan galiyay kiisas cusub oo ah fayriska Karoona. Wasaarada ayaa sheegtay inaay soo kordheen 19 xaaladood oo cusub. Waxaana sidoo kale lashaaciyay in 11 qof aay ka bogsoodeen Covid19.
Arbaco, Abril 29, 2020 (HOL) - Sida lagu qoray warbaahinta taageerta Al-shabaab, kooxdaasi ayaa saddax ruux ku dishay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, iyagoo ku eedeeyay iney ahaayeen basaasiin la shaqeynayay dowladda Mareykanka islamarkaana ka gacan siiyay weerarro dhinaca cirka ah oo lagu qaaday deegaanno ay maamulaan.
Talaado, Abril 28, 2020 (HOL) - Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay wadahadalka u dhexeeya maamulka Jubaland iyo hoggaanka Golaha Isbadalka ee Jubaland kaasoo ku dhammaaday heshiis dib-u-heshiisiin ah oo la saxiixay 23 Abriil.
Isniin, Abril 27, 2020 (HOL) - Waxa goor dhow soo baxay warbixintii maalinlaha aheyd ee wasaaradda caafimaadka oo ku aadaneyd xaaladda dalka iyo xanuunka COVID-19. Warka ayaa waxaa lagu sheegay in maanta oo qura inta la xaqiijiyay Soomaaliya ay xanuunkan ugu dhinteen 3 ruux oo bukaan ahaa.