By H.E Mohamed Abdi Ismail - Shiine
Sunday December 28, 2025

kadib markii Kayaanka dhiig-yacabka ah ee Natanyahu horboodayo lasoo istaagay waxa ugu yeedhay "Waxaan dawlad gaar ah u aqoonsanayaa Kooxda Goonigoosatada". Waqooyi-galbeed ( KGWG) 26 Disember 2025, waxaa beesha caalamka ( Ururo & Dawladaba) kabixiyeen falcelin togan oo taageeraysa midnimada iyo madax-banaanida dhuleed ee soomaaliya.
Dawladaha ilaa hadda gaashaanka u daruuray iskudaygii naflacaariga ahaa waxaa foolaad u ah dalalka Turkey, China, Masar, Sacuudi carabiya, Qatar iyo kuwa kale, halka ururada Calaamiga ee canbaareeyey xad-gudubka Dalkeena lagula kacay ay kamid yihiin Ururka Islaamka, Jaamacadda Carabta, Golaha Khaliijka, Midowga Afrika & Midawga Yurub.
Markay halkaa marayso waxaa muuqata in falcelinta beesha Caalamka ka timi ay ku dhexjiraan fursado waawayn oo ubaahan inay ka faaiideeyaan hogaanka Dawladda Federaalka & Dawlad-goboleedka Waqooyi-beri.
Dawladda Federaalka
1. Inay sii laba-jibaarto dhaqdhaqaaqa diblomaasiyadeed iyo kuwa siyaasadeed iyadoo hawlgalinysa kaadirka Soomaaliyeed ee arimaha wax katari kara ( muxaafid & mucaaradba) islamarkaana xulato dadka khibrada iyo daacadnimada leh.
2. Mideynta safka gudaha ; waa inay Masuuliyiinta maanta xukunka joogta waxkasta ka hormariyaan danta guud meelna iska saaraan arimaha soke sida munsab iyo qof iyo koox gaar ah hesho, lagana hawlgalo sidii loo heli lahaa siyaasad loo dhan yahay gaar ahaan Arimaha waawayn ee lagu kala aragti duwan yahay sida doorashooyinka & dastuurka, waana fursad dadka iyo dalkaba lagu mideyn karo haddii doonis dhab ah lala yimaado
3. In Kooxda goonigoosatada loola macaamilo heerka jariimo ee dalka iyo dadka ugu gaysteen hadda iyo mar hore islamarkaana meel la iska dhigo siyaasadi lagu cayilin jiray ee maalka iyo mashaariicda lagu naas-nuujinayey.
4. In si dhab ah Dawladda Federaalka laabta ugu furto Maamulka Waqooyi-beri lana garab istaagto waxkasta oo xoojin karaya inta awoodeeda maadaama ay yihiin jiidda hore ee qadiyadani khuseyso dhibka uga badana iyaga kasoo gaadhay mar hore iyo haddeerba.
Dawlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya
1. Waa inay la timaadaa Istiraatijiyada lagaga samatabaxayo xaaladahan siyaasadeed ee soo kordhay.
2. Waa inay dib u abaabushaa shacabka lana sameeyaa qorsheyaal Isku-tashi ah oo isku dhafan (difaac, dhaqaale & horumarin) si diyaar loogu noqda xaalad kasta oo iman karta.
3. Waa inay si gaar ah uga hawl-gashaa helitaanka saaxiibo caalami oo kaga taageera meelaha uu ka nugul yahay Maamulku curdinka ah si aan uyeelano adakysi naga gudbin kara marxaladaha adag ee iman kara.
4. Waa in la xoojiyaa dhinaca warbaahinta si fariinteena oo faahfaaahsan ugaadho fagaarayaasha iyo madalaha talooyinka lagu gooyo iyadoo la adeegsanayo saaxafada gudaha iyo dibedda.
Ugu danbeyn Dawlada Federaalka iyo Maamulka waqooyi-beri waxaa horyaalla fursado ay ku caabin karaan Mashruuca goonigoosatada iyo kuwa gadaal ka taagan ee dhagaraha u maleegaya dalka iyo dadkaba.