6/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
XILKA UGAASKU MEERTO DHAXAL, BALSE MIDWALBA IYO MARXALADIIS
By Dirir Cabdi Ibrahim (Goodax)
Saturday May 18, 2024

 

HORDHAC
Waxaa 13kii bishaan Maajo 2024, degaanka Daaro-Ugaas ee nawaaxiga Degmada Halgan, si rasmi ah uga fulay munaasabad si weyn looga soo qaybgalay ku astaysan Caleemo-saarkii iyo Caano-shubkii Ugaaska 21aad beesha Xawaadle: Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.
Haddii aan isku dayo inaan war ka dhaho Ugaaska iyo Duubabka kale la simaan xaagga doorka Hoggaanka Bulshada, kuwaaso xag degaan magacyada ku kala duwan, balse xagga mudnaanta iyo xil-dhaqameedka isaga mid ah, waa: Ugaas, Suldaan, Garaad, Wabber, Malaaq iyo intii u dhiganta.
Waa arrin tabeeysa in laga diyaariyo qoraalo dhaadheer u baahan dadaal,  juhdi, baaritaan, dhabar adayg iyo waqti dheeri ah si loo soo bandhigo daraasad waafi ah oo wax laga baran karo.
Aniga, shaqsiyan, aqoonta xagga dhaqanka laga iiga fiican, balse kama aamusi karo in aan diyaariyo qormo kooban nuxurkeedu yahay hambalyo iyo talobixin.

DULUCDA QORMADA  
Ayadoo waafaqsan hab-dhaqan soo jireen ah ku salaysan silsilad u tixan qaab dhaxal ah. Waxaa xusid mudan in 133 (1891-2024) sano ugu dambaysay taariikhda Milaadiyada (Gregorian calendar) ay xilka ugaasnimo beesha Xawaadle isku isbedeshay shan Ugaas oo Waalid iyo Wiil ah.
Ugaaska iyo kuwa la siman xagga mansabka Hoggaanka Dhaqanka  waa astaanta darajo iyo mudnaanta ugu sareysa hab-dhaqanka soo jireenkaa ee Beelaha, isla markaana ah qofka loogu maamuus badan yahay xagga dhaqanka beesha gudaheeda iyo, guud ahaan, dhulka Soomaalidu degto.
In sharaftiisa iyo haybadiisa lagu xad-gudbo waa meel-ka-dhac saamayn fog leh oo lagu sameeyay karaamada Ugaska iyo midda Beesha uu duubka u yahay. Waana arrin sababi karta dhiilo iyo kacdoon ka falcelin cawaaqibkedu daba dheexaan karo.  
Doorka Ugaaska:
1- Waa fiinta ugu saraysa qaab-dhismeedka hoggaanka dhaqanaka beesha.
2- Waa ilaaliyaha sharafta, wadajirka iyo kala dambaynta, guud ahaan, beesha.
3- Wuxuu leeyahy guddi hoosaadyo soo lafagura arrimaha hortabinta leh markaas jira.
4- Waxa uu leeyahay awoodda guddoonka iyo gunaanadka ugu dambeeya ka dhigaya dhaqangal arrin doodeedu soo dhaamatay.
 5- Go’aankiisa doodi kama furna, waa in loo qaataa sida uu yahay.
 6- Madaama uu yahay qof dhawrsan oo leh dhaqan suuban, waafaqsan diinta Islamka, isla markaana kalsooni buuxda ka haysta ummadda uu matalayo, waxaa sugan markasta la filan karaa in ducadiisu tahay mid leh natiijo la mahadiyo oo kasbata aqbalka Rabbi (SWT).
7- Wuxuu xiriir wanaagsan oo is qadarin iyo talawadaag ah la leeyahay, guud ahan, duubabka Soomaaliyeed, gaar ahaan, kuwa beesha ay xagga degaanka oodwadaagga (deriska) yihiin.
8- Waajibadkiisa waxaa kaalin mudnaan sare leh uga jira “Nabadda iyo Wada- noolaashaha” beesha gudaheeda iyo, guud ahaan, degaanka Soomaalida mid dhaw iyo dheer meel kasta ay ka jirto dhibaato iyo dhiilo colaadeed.
Sida la wada dareensan yahay, dalku wuxuu marayaa marxalad adag ku raagtay oo muddo soo jiitamaysay, walina taagan taasoo, guud ahaan, dhan walba ka saamaysay bulshada Soomaaliyeed, isla markaana Gobolka Hiiraana si weyn loo dareemayo:
“Dalku wuxuu maraa
waa door marxalad
duruudfteeda gaar
dadku uu israbin
Dawladnimo ka tagay
danta guud dayacay
danaysigu la dagay
qofwalboow danta
duubka loo xirtoo
maxaa noo dana?
Maxaa naga dayacan?
cid damoota jirin!!!!!!”

TALOSIIN KU WAJAHAN UGAAS YUUSUF
Marka hore, waxaan leeyahay Rabbi ha kuu fududeeyo, hana kugu asturo xilka culus laguu caleemo-saaray iyo marxaladda adag dalka iyo dadku marayaan. Waan hubaa in talada aan kuu siinayo iyo kuwo ka muhinsan ay maankaada ka guuxayaan, isla markaana qorshahaada wax-qabad ku salaysan yahay.
Ku dadaal oo guntiga u xiro fulinta qodobada hoos ku tixan:
1) Dib-u-heshiisiin guud Beelaha iyo Bulshaweynta Gobolka, si xal loogu helo wixii tabasho ka jira Beelaha dhexdooda.
2) Dhiirigalinta Nabadda, Midnimada iyo Isfahamka Bulso-weynta Gobolka.
3) Ka digidda wax kasta “Af iyo adin” sababi kara xiisad iyo dareen
    colaadeed.
4) Tilmaanta iyo dhiirigalinta tubta toosan lagu gaari Nabad iyo Hurumar waara, taasoo fulinteeda looga fadhiyo kuwaa qaaday Mas’uuliyadda Hoggaanka iyo Maamulka Bulshada Gobolka.
5) Taabagalinta hab-dhaqan ogol:
b- In wada-hadal, tanasulaad, wax-isku-quurid iyo samajaceyl lagu xalliyo wixii saami-qaybsi ah.
t- In laga fogaado halku-dhegga dhahaya: “Cadkaanow ku cunay ama ku ciideeyay”.
j- In wixii khilaaf ah lagu xalliyo wada hadal adeegsanaya “daacadnimo, Rabbi ka cabsi iyo is-qadarin”.
6) In Hal-ku-dhegga Bulshada Gobolku Hiiraan noqdo:
     ”Walaaloow iyo maxaa noo dana”.
    ” Midnimo waa awood, kala taguna waa tagdaro”
                                
GUNAANADKA QORMADA
Hadafka iyo ujeeddada Bulshada Gobolka Hiiraan ha ahaado in, markasta iyo xaalad kasta, la dhiirigaliyo Mabda’a iyo Aragtida ku saleysan Isfahamka iyo Kalsoonida Bulshada, ayadoo si nabad iyo samajaceyl ah looga tashanayo wixii khilaaf jira ama la isku qabto, taas ayaa ah waddada lagu gaarayo Nabad, Cadaalad, Horumar iyo Midnimo waartaa, Rabbina raali ka yahay.
“Taariikh iyo mudnaan
magac iyo qadarin
ammaan iyo martabo
maalin iyo xuskeed
qofku wuxu mutaa,
taallo loo mudaa
marka uu ka tago
mashruuc iyo wax-qabad
hawl iyo maslaxo
dadku mahadiyoo
ka marqaati kaco
maskaxdooda gala.
Ugaasow middaas
maankaada gali
maradana u xiro.

Wa Billaahi Toowfiiq.
Dirir Cabdi Ibrahim (Goodax)
[email protected]
Tel: 00447960956384


 





Click here