By Cilmi Maxamad Maalin (Garweyne)
Sabti, Maarso, 2, 2024
HORDHAC
Anigoo da’ ahaan aad u yar, dhigta
Dugsiga Dhexe Xaawa Taako magaalada Beledweyne ayaan 1975 ku biiray Xoogga
Dalka Soomaaliyeed.
Waxaan Xarunta Lamagalaay Beledweyne
ku qaatay tababar Taarwale ay macallimiin ka ahaayeen Saraakiil Ruush ah.
Waxaan ka tiranaa Qeybta 21aad,
Guutada 10aad, “Ururka 15aad Qaybdiid” uu Taliye ka ahaa Dhamme Maxamed Cabdi,
kaasoo fadhigiisu ahaa Xerada Lamagalaay Beledweyne. Dagaalka qaybtiisi hore
waxaan ku qornaa qori boobe ah (Machine gun), hase yeeshe, intii dagaalku
socday ayaan qaatay tababar labaad taarwale Raadiye cusub. Guud ahaan 8
(sideedi) bilood dagaalku socday, inkastoo aan jeclaa inaan dhacdooyinkii dagaalka
aan u qoro si maalinle ah, haddana iima suurtogalin oo waqti uma helin inaan
wax kasta qoro, waayoo waxaan u dhaxeeyay xaalad geeri iyo nolol ah. Balse,
intii dagaalku socday xaaladihii adkaa isoo maray ama aan la noolaa iyo wixii
dhacayay ma ahayn wax aan sahal ku iloobi karay.
Dareenkeyga marna kama suulin rabitaanka
iyo damaca ah in, goor ay noqotaba, aan xasuusteyda qoraal u bedeli doono.
Waxay ahayd arrin aad igu wayn, aan
muddo ku haminayay, inaan wax ka qoro wixii aan dagaalkaas ka xasuusto, anigoo
ahaa marqaati goobjoog ah, mar aan ahaa dagaalame ciidanka lugta ah iyo mar aan
ahaa taarwale la hawgalayay cutubyadii raca hore dagaalka. Isla markaana, si
dhaw, ula socday xogta dagaalka la is dhaafasanayay, gaar ahaan, xagga
dhageysiga Raadiyaha ii shidnaa 24/7.
Si gaar ah, xogta aan gudbinayo waxay
ku saabsan tahay aagga:
1- Qabridaharre
2-Dhagaxbuur
3- Jigjiga iyo
4-Aagga buuralayda Harar ilaa laga
gaaro degaanka Haramaayo.
DULUCDA XOGTA
Ururka 15aad Qaybdiid iyo
awooddiisa dagaal:
Ururka
15aad Qaybdiid aan ka tirsanaa wuxuu ahaa, xagga awoodda dagaalka iyo
tababarka, Urur ka tilmaaman Ciidanka Xoogga Dalka.
Waxaan
ka hadlayaa waa taariikh hore, sidaas darted dhib uma arko inaan akhristaha
qormadaan la wadaago tira-koobka Ciidan iyo hub ee Ururkii 15aad Qaybdiid
Beledweyne, waana sida hoos ku qoran:
- Tiro
ahaan Ururku, qiyaastii wuxuu ahaa 500 qof, asagoo ku hubaysnaa:
1-
Beebee (Gaariga Dagaalka Qafilan): 6
2- APC
(Armoured Personnel Carriers – waa gaadiid hubaysan Ciidanka qaada): 9
3- RBJ
(Bazuuko): 27 xabbo
4-
Grinoof (Qoriga boobaha) sita labo khasnadood tiiba 150 xabbadood: 27 Qori
5-
Brigan (Qoriga boobaha) sita silsilad 100 xabbadood: 27 Qori
6- Jiko
koronto socota (Electric Mobile kitchen), taasoo leh dariishad weyn raashinka oo
diiran (qandac ah) laga qaybiyo: 1
Guutada
10aad Beledweyne, Ururku ka tirsanaa waxay lahayd hal baabuur bir-qore
(Toorno), ay la socdaan farsamoyaqaano tababar
kusoo qaatay dalka Ruushka, kuwaasoo birtii ka jabta gaadiidka iyo teknikada
dagaalka isla markiiba qorayay si cilladda jirta loo xaliyo.
Dagaaladii kala dambeeyay
- 02/07/1977 (waa labadii bishii
todobaad 1977) markii saacaddu ahayd 03:00am (habeenimo) ayaa “Ururka 15aad
Qaybdiid” ka baxay Xerada Lamagalaay Beledweyne, waxaan isugu tagnay Barta kulanka
Guutada 10aad, ayadoo Ururada Guutadu ka yimaadeen degaano kala duwan.
Barta kulanka Guutada 10aad ama aan
dhaho barta diyaargarowga dagaalka, waa halka loo yaqaan Qawlad, qiyastii 9km
dhanka waqooyi uga aadan Beledweyen, halkaas waxaan joognay hal maalin.
- 03/07/1977, saacaddu markii ay ku
taagnayd 06.00pm (18:00) maqribkii ayaan ka baxnay degaanka Qawlad waxaan
tagnay Balanballe, waxaan joognay shan maalmood. Waxaa halkaas la isugu keenay dhammaan
Guutooyinkii iyo Ururadii ay ka koobnayd Qaybta 21aad iyo dhammaan Taliyaashii
heerarka kala sareeya Qaybta.
- 09/07/1977, markii saacaddu
tilmaamaysay 11:00am barqanimo waxaa noo yimid Madaxweyene Maxamad Siyaad Barre,
wuxuu khudbaynayay ilaa 02:00pm duhurnimo.
Ereyada khudbada Madaxweynaha waxay u badnaayeen dhiirigalin iyo
dardaaran. Waxaa hadalkiisa ka mid ahaa:
“Waxaad arki doontaan dad soomaali ah
aan fahmayn Af Soomaaliga, haddii aad askar qabataan yaan la dilin, u dhiiba
Madaxdiina, yaan laga furan saacadaha gacantooda ku xiran.
Ha la ixtiraamo maxaabiista aad
qabataan, waxaad u madax banaan tihiin inaad hubka ka qaadaan, haddii ay
diidaan in hubka ay dhibaan xoog uga qaada”.
Dhowr jeer ayaa mikoroofoonka iyo afka
Madaxweynaha is gafeen oo hadalkiisa aan si fiican loo maqal, si kaftan ah ayuu
u yiri:
“Raali ahaada, haddii hadalkeyga qaar
idin garab maray, afkeyga ayaa ka weyn mikorophoonka, waana sababta dadku iigu
magac-bixiyeen AFWEYNE”.
Madaxweyne Siyaad wuxuu ka
khudbaynayay gaari Land-Rover (Pickup) dushiisa, wuxuu ku labisnaa Tuute iyo
koofidiis cagaar ah.
Sarkaal darajo kasta uu lahaa iyo ciidanka
dhammaan qof taagan ma jirin, dhulka ayaa la wada fadhiyay, waxaa taagnaa kaliya
Gaashaanle dumar ahaa wax qorayay, taasoo Madaxweynaha agtiisa joogtay.
Geedaha quracdaa oo meesha ku badnaa
waxaa la suray dhowr cod-baahiye si khudbada Madaxweynaha loo maqlo.
Intaa kadib, qof kasta goobta joogtay
waxaa u caddaatay in dagaal la galayo, sidaana waxaa lagu daahfuray dagaalkii
77.
Markii la gaaray 05:00pm (galabnimo) Ciidamadu
waxay billaabeen inay u jihaystaan aagagii dagaalka loo cayimay.
Waxaan Balanballe ka baxnay 06:00pm (18:00)
maqribnimo annagoo u jihaysan Qabridaharre,
waxaan ku hakanay meel aan ka fogeyn togga Faafan dhinaca bari ka mara
magaalada.
Tog yar, halkaas ku yaala, ayaa waxaa qarka togga ka dhacay labo Taangi,
Ciidanki waa la joojiyay, muddo yar kadib waxaa yimid gaari Abraar Wiishle ah oo
labadii Taangi ka saaray godkii.
Waxaan, mar dambe, maqlay hadalhayn
iyo sheeko la baahiyay, ayadoo la leeyahay labo Taangi ayaa god ku dhcday oo
laga tagay, taasi waa sheeko mala-awaal ah aan runta dacdadaas ka tarjumayn,
arrintaas cid iiga xog-ogaalsan ma jirto oo goobta ayaan joogay.
Qaybta 1aad: Dagalkii dhulka siman
Weerarkii Qabridaharre
Waxaan u dhaqaaqnay xaggaa magaalada Qabridaharre noo jirtay wax ka
yar 3km.
08:00am
subaxnimo dagaalkii waa bilaawday, meel ka sokeysa halkii laga filayay ayaa
Ciidanka Xabashidu saddex aag difaac ka galay.
Annagoo
aan Sahan fiican iyo xog buuxda ka haysan ayaan dhexda u galnay ciidankii
Xabashida, isku mar ayey saddexdii jiho xabadda noo soo fureen.
Dhankeena
gawaarida gaashaan, sida BeeBee-yada iyo APC si fiican oo geesinimo leh ayey u
dagalameen. Balse dagaal kadis ah culeeyskiisa ayuu leeyahay, waxaa qasab
noqotay in Ciidanku dib u gurasho sameeyo.
Anigoo markaas
ahaa 18 jir ku dagaalamaya qori boobe ah, waxaan difaac ka galay geed garas ah
oo sal-ballaaran hoostiisa.
Markii
aan muddo xabbadii ridayay ayaan dareemay in agagaarkeyga aan xabbadi ka
dhacayn, dhinacyada ayaan fiiriyay waxaan ogaaday inaan kaligey ahay oo
ciidankii dib u gurtay. Xabbado goos-goos ah ayaa igu soo dhacayay, gadaal ayaan
fiiriyay, waxaan arkay Taliyihii oo meel fog sii socda ciidankuna waa ka sii horeeyay.
Waxaan
bilaabay in qaab dildiloon ah aan dib ugu baxo ilaa wadada laamigaa, kadibna
togga Faafan ayaan gooyay oo sidaa Ciidankii ugu tagay.
Waxaa
nala ka gubay: Taangi 1, Beebee 2, Gaarigii caafimaadka iyo Dhakhtarkii oo ku
dhintay goobtii dagaalka.
Dib ayaa la isku soo abaabulay, waxaa noo
yimid Dhamme Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ahaa Taliyaha Madaafiicda.
Dhamme Indha
Qarshe waxaa uu ku taliyay in ilaa uu ka burburiyo dhufaysyada ay ku jiraan iyo
dhulka u dhaw aan weerar la qaadin.
Affar saacadood oo xiriir ah ayuu Ingha Qarshe garaacayay,
waxaa la burburiyay dhufaysyadii, Xeradii Milateriga Caanka ahayd iyo meel
kasta lagu tuhmayay ciidan iyo saanadiis.
Ciidankii
Xabashida oo sii socda ayaan uga daba tagnay buuraha galbeedka Qabridaharre,
ilaa 02:00pm (duhurnimo) ayuu dagaalku socday oo la sii raacdeysanayay, kadib Ciidankii
Xabashida waa fogaaday oo laga soo noqday, sidaa waxaa ku xoroobay magaalada
Qabridaharre.
Waxaan anigu
goobtii dagaalka kasoo qaaday Warqaddii Aqoonsiga Ciidanka (Tessere) ka dhacay askari
Xabashi ah, Lamberkiisa ayaan fiiriyay wuxuu ka bilaabanayay 150kun, halka
anigoo Ciidanka labo sano kaliya ka mid ahaa Lambarkeygu ka bilaabanay 45kun.
Waxaa
dhici karta in askarigaasi ciidanka Xabashida ka mid ahaa muddo dhawr iyo toban
sano ah.
Weerarkii Dhagaxbuur
Waxaan Qabridaharre ka dhaqaaqnay 08dii (fiidnimo), waxaan
aadnay jihada Dhagaxbuur. Waxaa na soo gaartay xog sheegeysa in Guuto
Itoobiyaan ah ay difaac uga jirto magaalo yar u
dhaxaysa Qabridaharre iyo Dhagaxbuur magaceeda la yiraa Shaygoosh. Waxaan 08.00
subaxnimo ku soo dhawaanay Shaygoosh, waxaa naga horyimid tiro badan dadkii
magaalada deganaa, kuwaasoo ka soo cararay Xabashida, kadib markii ay arkeen in
magaalada ay jirto xaalad colaadeed, kacsanaan iyo jahwareer. Markii ay na
arkeen ayay u firxadeen xaggaa iyo duurka, ayagoo noo maleeyay Ciidan Xabashi
geedi ah.
Nin
maro cad kor u lulaya ayaa ku dhiiraday inuu xaggeena soo aado, markuu noo soo
dhawaaday ayuu fahmay inaan Soomaali nahay oo yiri:
“Alla!!!
Ma Soomaali baa tihiin? Soomaaliya ma waxaan oo hub ah ayay haysataa?”.
Asagoo
ay ka muuqato faxrad iyo shucuur qiiraysan ayuu bilaabay inuu Gaadiidkii iyo Teknikadii
dhunkado.
Taliyihii
Ururka Dhamme Maxamed Cabdi ayaa ninkii weydiiyay halka Ciidamada Xabashidu
degan yihiin? Ma noo dhaw yihiin, mise
waa naga fog yihiin?
Ninkii
ma bixin jawaab sugan.
Waxaa
la diray saddex Beebee oo sahan ah, si xog sugan looga helo halkka Ciidanka
xabashidu degan yahay, Ciidankuna dagaal ayuu isku diyaariyay.
Muddo
kadib sahankii ayaa soo noqday ayagoo soo waayay meel Ciidan Xabashi degan
yahay. Maalintaas halkaas ayaan ku nasanay, gabal-dhicii ayaan u dhaqaaqnay
dhanka Dhagaxbuur.
Habeen-barkii
ayaan degnay meel aan ka fogeyn magaalada Dhagaxbuur, ilaa maalintii xigtay
halkaas ayaan joognay.
Xilli
maqribnimo ayaan ka dhaqaaqnay, saacado kooban kadib waxaan gaarnay togga
Faafan dhanka bariga ka mara Dhagaxbuur.
Iska
markii aan halkaas gaarnay, waxaa noo yimid Sareeye Guuto Yuusuf Axmed Salxaan,
wuxuu gooni ula shiray Taliyaha Uruurka Dhamme Maxamed Cabdi.
Halkaas
ayaan ku cunay cashadii, kadibna aan seexanay, waxaan kacnay 5tii aroornimo, annagoo
masaafo 1km u dhaqaaqnay dhanka Dhagaxbuur.
Waxaan
tagnay goob ay yaalaan 18 Madaafiicda Goobta nooca D30 122mm.
6dii
aroornimo waxaa bilaabatay duqaybtii Dhagaxbuur uu hoggaaminayay Dhamme Daahir
Aadan Cilmi (Indha Qarshe), si gaar ah waxaa loo duqaynayay dhufaysyada ku
caanbaxay magaca “Gannad”.
Duqayntu
waxay socotay 12 saacadood, laga bilaabo 6dii aroortii ilaa 6dii
maqribnimo.
Isla
habenkaas waxaa bilaawday dagaalkii ciidanka lugta, ayadoo maalintii xigtay Ciidankii
Xabashida laga saaray Dhagaxbuur.
Markii la soo afjaray dagaalkii Dhagaxbuur,
waxaa Ururku, 5tii galabnimo, u guuray dhanka degaanka Allaybaday, halkaas waxaan
joognay labo maalmood.
Waxaa
naloo sheegay in abaalmarin awgeed aan saddex usbuuc ku nasandoono Dararweyne, qiyaastii 30km dhanka waqooyi-bari
kaga began Hargeisa.
Hase
yeeshe, annagoo aan gaarin Dararweyne ayaa dib naloo soo celiyay, waxaa naloo
sheegay inaan dageyno Kalabayrka ah galbeedka Gabiley.
Intii Madaxda
Sare, guud ahaan, dagaalka hoggaaminaysay ku hawlanayd diyaarinta qorshaha iyo qaabka
loo galayo dagaalka Jigjiga iyo Diri-Dhaba ayaa laga warhelay in Guuto
Itoobiyaan ah, aad u hubaysan ay joogto Haroorays oo ah tuulo ka tirsan
Jigjiga. Waxaa halkaas loo diray Urur ka tirsan Guutada 9-aad Gaalkacyo iyo
Ciidamo lagu xoojiyay, dagaal labo maalmood socday kadib waa laga saaray
dhufaysyadii ay ku jireen Ciidanka Xabashidu.
Qorshaha
weerarka Jigjiga loo dajiyay ayaa ahaa in dhammaan dhulka ka sokeeya Jigjiga
laga nadiifiyo Ciidamada Xabashida oo dhamaantood la isugu geeyo Jigjiga.
Xoreynta magaalada Jigjiga
Kadib markii la hubsaday in Ciidamada
Itoobiya aanay joogin meel ka baxsan magaalada Jigjiga oo dhamaantood halkaas
kusoo uruureen ayaa la isku diyaariyay in la weeraro Jigjiga.
Waxaa Jigjiga ka dagaalamay affarta Guuto
hoos hoos ku qoran, mid walba ay ku feer qoran tahay magaalada Saldhigga u ahayd
ama ay ka timid:
- Guutada 10aad - Beledweyne
- Guutada 9aad - Galkacyo
- Guutada 5-aad - Lughaya
- Guutada 24aad - ka kooban Ciidan
uruuris kayd ahaa, loogu talogalay in lagu xoojiyo halkii (aaggii) baahi gurmad
ka jirto.
Ø Guutada 10aad waxay dagaalka Jigjiga
ka gashay aagga Rabcase Koofurta Jigjiga.
Ø Guutada 5-aad waxay ka gashay aagga
waqooyiga Jiggiga
Ø Guutada 9aad waxay ka gashay aagga
bariga Jigjiga
Ø Guutada 24aad waxaa kayd ahaan lagu
reebay Qabribayax .
Ma iloobin, wali waan xasuustaa taariikhda
maalintii, dagaalka Jigjiga bilaawday waxay ahayd saqdii-dhexe (habeen-bar)
19kii bishii Ramadaan 1397 oo ku began 3dii Seteembar 1977.
Ugu horeyntii, waxaa lagu bilaabay
Madaafiicda culus sida: BM21, D3O
iyo noocyo kale ka mid ah bahda Madaafiicda Haawsarka (Howitzer).
Mar qura ayaa waxaa is qabsaday
hugunka iyo daryaalka hubka culus, kaasoo si xiriir ah, aan kala go’ lahayn,
loogu garaacayay dhufaysyadii Ciidamada Cadawgu uga jireen afafka hore
magaalada Jigjiga, duqayntu waxay socotay ilaa 6dii subaxnimo.
Waxa la adkeeyay difaaca dhabarka
dambe 3da jiho ay Guutooyinka (5aad, 9aad iyo 10aad) kaga jireen dagaalka Jigjiga.
Waxaa Sahanku soo xaqiijiyay in
Ciidamada Xabashidu 80% ay dib uga baxeen dhufaysyadii magaalada horteeda ku
yaalay, kadibna difaac ka galeen magaalada dhexdeeda, dhinacyadeeda iyo
gadaasheeda.
Xeryaha Ciidamada Xabashida ugu
caansan degaanka Jigjiga waxaa ka mid ah:
1- Xerada Guutada Komaandooska loo
yaqaan “Brigate”
2- Xerada Guutada Taangiga buurta
Garabcase.
Waxaa bilaawday dagaalka Jigjiga
qaybtiisi labaad, kaasoo socday sagaal maalmood, wuxuu ahaa dagaal aad u culus
oo xeelad iyo mitidnimo la isku adeegsaday, ayadoo aan waxba la iskula harin.
Runtii, Ciidanka Xabashidu Jigjiga waa
ku mitiday oo ku dagaalamay intii awoodoodu ahayd iyo ka badan, balse waa loo
awood sheegtay oo xoog ciidan ayaa lagu jabiyay.
Waxaa dagaalka kasoo qaybgalay oo laga
nuuxsan waayay dayaaradaha dagaalka Xabashida ay wadaan duuliyeyaal leh tababar
iyo aqoon aad u sareysa.
Isla subaxdii dagaalku bilaawday waxaa
weerar aan kala go’ lahayn soo qaaday dayaaradaha Itoobiya “F5” oo markiiba
raxan dayaarado ah ku dul joogto.
Ciidankeena Difaaca Cirku wuxuu isticmaalayay
qoryaha Zuuga, Shiilkaha iyo 37mm, kuwaasoo aan waxba soo kordhin xagga Difaaca
Hawada.
Haddii aanan khaldanayn, waxaa difaaca
hawada u xilsaarnaa Dhamme Axmad Maxamad Sh. Xuseen (Qasaaro) oo si fiican iyo
intii awoodiisa ah u dagaalamay.
Waxaa la arkayay xabadaha ay Ciidanka
Difaaca Cirka ridayaan oo hawada ka dhigay qiic aad moodeysid caad, balse
dayaaradaha cadawka ayaa adeegsaday awood
xad-dhaaf ah, ayagoo muddo aan ka
badnayn 15 daqiiqo gubay 7 baabuur ay saarnayeen qoryaha Difaaca Cirka la
dagaalamayay dayaaradaha iyo askartii saarnayd, halkii gaari waxaa saarnaa 7
askari, waxaa halkaas ku dhintay 49 askari.
Intaas kadib, Sareeye Guuto Yuusuf
Axmed Salxaan ahaa Taliyaha aagga Jigjiga ayaa bixiyay amar ahaa inaan
dayaaradaha cadawga xabbad lagu ridin, asagoo aaminsanaa in sidaa lagu yareen
karo qasaaraha ay geysanayaan.
Guud ahaan, dhacdooyinkii ka jiray
goobaha dagaalka oo xasuusta igu reebay lama soo koobi karo, gaar ahaan sida
loola dhaqmay askartii Xabashida difaaca uga jirtay aagga Garabcase ee Jigjiga.
Dagaal kulul muddo socday oo la isku
raagay kadib, labada dhinacba rasaasti ayaa ka dhamaatay, kadibna Taangiyadeeni
ayaa lagu fasaxay in askarta xabashida oo wali jiifta halkii ay difaaca uga
jireen la dul mariyo silsiladda lugaha Taangiyada, muuqaalkii meeshaas ka jiray
ma ahayn wax la fiirsan karay, waxaa goobta yaalay maydkoodi burburay oo u safnaa
qaabkii ay difaaca ugu jireen.
Waa arrin muujinaysa sida geesinimada
leh ee Ciidamada Xabashidu ugu mitideen difaaca Magaalada Jigjiga.
Qaybta 2aad: Dagaalkii Buuraleyda Harar
iyo anigoo noqday Taarwale
Kadib markii magaalada facaweyn Jigjiga ay gacanteena
soo gashay oo laga xoreeyay Ciidamadii Xabashida, kuwaasoo runtii si weyn ugu
mitiday inay difaacaan magaalada, ayaa dadweynaha Soomaaliya, sida aan ka
dhagaysanay Idaacadaha, balad iyo baadiyo, farxad iyo damaashaad lagu soo
dhaweeyay guushaas.
Intaa kadib, Ciidamadii waxay u
dhaqaaqeen dhanka magaalada Harar, ayagoo toos u abaaray aagaggii Ciidamada
Xabashidu uga jireen difaaca Harar.
Markii, dagaalku halkaas iyo
heerkaas marayay ayaa annagoo ah tiro dhallinyaro, naloo xulay inaan aadno magaalada
Saylac si aan u soo qaadano tababar xagga War’isgaarsiinta ah, ku saabsanaa
raadiyeyaasha lagu wada hadlo loo yaqaan fooniyaha. Akhristoow, aan markale, ku
xasuusiyee anigoo ku qoran (sida) qori boobe ah (Machine Gun) ayaan ka
qaybgalay dagaaladii ka dhacay: Qabridaharre,
Dhagaxbuur iyo Jigjiga.
Tababarkii Saylac kadib kuma noqon
Ururki 15aad Qaybdiid ee Guutada 10aad ka timid Beledweyne, balse waxa la ii
bedelay Guutada 34aad uu Taliye ka ahaa Gaashanle Dhexe Maxamuud Maxamed
Liibaan (Aftooje).
Intaa wixii ka dambeeyay waxaan ku
shaqeynayay xirfadda Taarwale aan uga qaybgalay dagaaladii buuraleyda Harar,
laga bilaabo degaanka “Midda” ah meel ay ku badan yihiin beeraha Bunku, kadibna
dagaaladii ka dhacay:
1) Ajasagoore,
2)
Fandhaale
3)
Kumbulsho iyo
4)
Haramaayo - (Haramaayo waa halka
uu ka dhacay dagaalkii lala galay Ciidamada Kubaanka).
Affarta goob-dagaal kor ku xusan, waxaan
ka ahaa marqaati goobjoog ah, halka dagaalada ka dhacayay aagagga kale aan xaaladdooda,
intooda badan, kala socday raadiyaha aan ku shaqeynayay.
Midda (Meda)
Akhristoow aan dib kuu celiyee, bishii
Oktoobar 77 dhammaadkeedi ayaa tababarkii Saylac noo dhamaaday, kadibna waxaa
naloo kala bedelay Ciidamada ku jira raca hore goobaha dagaalka, sida:
Ajisagoore, Goray iyo meelo kale.
Annagoo labo ah waxaa nala ku reebay meel
la yiraa Midda, halkaasoo laga sameeyay bar Taakulayn uu yaallo Saad (raashin)
farabadan, noocyo kala duwan ah.
Labo maalin kadib, annagoo wali bartii
Taakulaynta Midda joogna oo, markaas, hoos fadhina geed Bun ah waxaa yimid nin hoggaaminaya
24 Madaafiicda Goobta ah, aan ku xasuusiyee, aagga dagaalka darajo lama sito,
haddii aadan qofka aqoon hore u lahayn, ma asagu uusan kuu sheegin qofka uu
yahay iyo darajadiisa ma garan kartid.
Markuu na arkay ayuu gaaririgii uu
saarnaa hor-socday Madaafiicda joojiyay oo kasoo degay, waraaq uu gacanta ku sitay
ayuu fiiriyay oo yiri:
“Cilmi Maxamad Maalin waa kuma
labadiina?” Waa aniga ayaan ugu jawabay.
Wuxuu ii dhiibay labo Raadiyo iyo laba
qori AK-47 (Kalashnikova).
Wuxuu nagu yiri: “Labadiina midwalba
ha qaato hal Raadiyo iyo hal qori”.
Wax xog ah intaas ka badan nama siin,
waxaan raacnay gaarigiisii, anagoo deg degasan ayaan tagnay aagga Ajisagoora
markaas dagaal aad u kulul ka socday.
Ajisagoora (Ejersa Goro)
Ajisagoora waa magaalada uu ku dhashay
Boqor Haile Salassie, waxaa halkaas ka dagaalamayay nimankii la baxay libaaxyada
Afrika oo isugu jiray komaandoos horay u deganaa iyo kuwii ka soo baxay
Jigjiga.
Xaaladdii markaas goobta ka jirtay
waxay ahayd in Ciidankeena dib lo soo riixay, isla markiiba Taliyaha Guutada
34aad oo ahayd Guutada aan labadeenu bedelka u nahay, Gaashaanle Dhexe Maxamuud
Maxamad Liibaan Aftooje ayaa amray in Madaafiicda si dhaqsi ah loo diyaariyo.
Markaas saacaddu waxay ahayd 11kii
barqanimo, labadii raadiye mid waxaa la dhigay rugta Madaafiicda, midkii kale
waxa la geeyay barta hore laga hoggaamiyo Madaafiicda. Anigu waxaan joogay
rugta Madaafiicdu taallo, halka barta hore hoggaaminta Madaafiicda loo diray saaxiibkey
Cabdulaahi Axmed Shirwac (Taarwalihii kale).
Diyaargaroow muddo yar qaatay kadib
24kii Madfac waa bilaabeen fulinta waajibkooda. Kadib markii, qiyaastii, hal
saac lagu garaacayay madaafiicda Komaandooskii Xabashidu waa ka baxeen
dhufaysyadii ay kaga jireen Ajisagoora
oo ahayd Saldhiggii ugu weynaa laga
difaacayay aagga buuraleyda Harar.
Fandhaale
Inta kadib, Guutadii waxay u
dhaqaaqday dhanka degaanka Fandhaale oo ahayd waajibka dagaal Guutada kadib
Ajisagoora.
Guud ahaan, degaanada buuraleydaa
waxay ku fiican yihiin Difaaca, Fandhaale waa deegaan ka mid ah degaanada
buuraleyda Harar oo Ciidanka Xabashidu adkeeyay Difaacooda. Guutada 34aad waxaa
la socday Urur lagu xoojiyay, balse aan Guutada ka tirsanayn. Xilligii Boqor
Hayle Salaasie Fandhaale waxay ahayd degaan Dalxiis, ku yaalaan beero baaxad
weyn wax kastaa ka baxaan oo dadku, meel kasta, uga yimaado si ay ugu nastaan.
Runtii Fandhaale waa meesha qasaaraha
ugu culus kasoo gaaray Ciidanka Soomaaliya, waxaa Guutada 34aad gaartay Fandhaale
ayadoo qiyaastii ilaa 130 maydka Ciidankii Komaandooska Soomaaliya halkaas
yaallo, waxay ahayd muuqaal xanuun badan, qofkii arkay ayaa fahmi kara saamaynta
ay xaladdaasi dareenkiisa ku yeelan karto.
Intii aan joogay bartii Taakulaynta
Midda ayaa nin, ii sheegay in darajadiisu tahay Sarkaal Xiddigle Xoogga Dalka,
i weydiiyay:
“Reer Hiiraan miyaa tahay?” Haa, ayaan
ugu jawaabay.
Aniguba reer Hiiraan ayaan ahay ayuu
ii raaciyay hadalkiisa.
Waxaan filayaa inuu lahjadda
hadalkayga ka fahmay inaan ahay reer Hiiraan.
Magaciisa ayuu warqad iigu qoray,
kaygana wuu qortay, wuxuu igu yiri haddii aad maydkeyga aragto ku wargali
reerkeyga iyo guud ahaan ehelkeyga, anniguna sidoo kale ayaan samaynayaa.
Markii aan nimid Fandhaale ayaa anigoo
dhex maraya beer Bataati soohdin la leh beer aad u weyn, sida la ii sheegay uu
lahaa Boqor Haile Salassie, ayaan soo kor istaagay maydki Sarkaalkii (Xiddigle)
magaciisa warqadda iigu qoray, asagoo ka mid ahaa meedad badan halkaas yaalay. Wali
waa xasuustaa magaciisa oo ahaa Cabdi Caddoow Maalin.
Markuu magaciisa i siinayay wuxuu ii
sheegasy inuu ka mid ahaa Qaybta Ciiyaaraha Fudud ee kooxdii Horseed Ciidammada
Qalabka Sida (CQS).
Kumbulsho
Degaanka 3aad dagaalka buuraleyda
Harar uu ka dhacay waa Kumbulsho, annagoo mar kasta u sii dhawaanaynay halka
aan duulaanka ku nahay oo ah Magaalada Caanka ah ee Harar, waxay Xabashidu halkaas
isugu geeysay wixii Cudud iyo Cadad Ciidan u haray.
Kumbulsho waxay ka mid tahay meelaha
sida weyn loogu dagalamay ayadoo labada dhinacba aan waxba la iskula harin, ugu
dambayna guushu ku raacday Ciidankeena.
Intii dagaalka Kumbulsho socday ayaa la
bedelay Abbaanduulihii Guutada 34aad Gaashaanle Maxamed Nuur (Indha cadde) waxaa lagu beddelay
Gaashaanle Maxamuud Kaahiye Barre (Lugagod).
kadib markii la dhaqaaji waayay Difaaca
Xabashida ayaa la diyaariyay laba Horin Madaaficda culus “D30 122mm iyo BM21” isku-dar
ahaa toban: 6 D30 iyo 4 BM21, kuwaasoo labo maalin duqayn aan kala go’ lahayn
kadib, Ciidankii Xabashidu ka saaray aagga Kumbulsho.
Haramaaya
Kumbulsho kadib waxaa loo
jihaystay xaggaa iyo dhanka magaalada Haramaaya oo ah halkii ugu fogayd
(dambaysay) ay gaaraan ciidamadeena aagga buuraleyda Harar.
Degaanka Haramaaya aan wax badan
ka fogayn magaalda Harar wax dagaal toos ah ma dhexmarin labada Ciidan
Soomaaliya iyo Xabashida.
Waxaa si aan caadi ahayn, aan kala
go’ lahayn nagu socday dagaalka dhanka Cirka (hawada). Waxaa muuqatay in
qorshaha xulufadii u soo gurmatay Xabashida uu ahaa in duqaynta dayaaraha la
kordhiyo inta Ciidanka dhulka xulufadu kasoo hawlgalayo.
Dayaaradaha cadawga dagaalkoodu
wuxuu ahaa hal maalin oo xiriir ah, madaxa kor loo qaadi waayay, balse waxaa
jirtay duqayn xagga madaafiicda ah oo nagu socotay, inkastoo aad moodeysay in
madaaficda cadawgu aanay haysan yool toos ah ama hoggaamin sugan oo sheekadu u
muuqatay xaggooda isaga rid iyo mashquulin inta gurmadka Xulufadu ka imaanayo.
Wixii markaas ka dambeeyay waxaa
nala dagaalamayay Teknikadii Ruushka iyo Ciidamadii Xulufada u soo gurmatay Xabashida.
Kadibna waxay hawada nooga soo
daadiyeen waraaqo ku qoran saddex luqadood: Ingiriis, Carabi iyo Xabashi.
Waxay ku hanjabayeen in mar dambe aanay Soomaalidu arki doonin Ciidan lug ah
(infantry) la dagaalama Ciidanka Soomaaliya oo wixii, markaas, ka dambeeya
dagaalku noqon doono mid loo adeegsado: Diyaarado, Taangiyo, Beebee, Madaafiic
iyo Gantaalada Dhulka burburiya.
Saddex maalmood kadib Sareeye Guud
Maxamed Cali Samatar - Taliyaha Xoogga Dalka - isla markaana, asagu, Dagaalka
Hoggaaminayay ayaa soo diray Taar MPA (*).
Anigu waxaan ahaa qofkii taarkaas qabtay,
wuxuu si gaar ah ugu socday Taliyaha Guutada 34aad Gaashanle Dhexe Maxamuud
Maxamed Liibaan Aftooje, waxaana ku qornaa ereyo kooban oo dhahaya: “Imaaw meel
aan ku wada hadli karno”.
Taliye Aftooje iyo aniga oo wadana
Raadiyihii waxaan nimid meel uu yaalay baabuurka Taliye Aftooje, kadibna waxaan
soo aadnay Ajisagoora, goob ay ku taalay Barta Taakulaynta Hubka iyo Rasaasta
uu joogay Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Cali Cumar (Ina libaax san ka taabte).
Baabuurki ayaan meel dhiganay,
kadibna waxaan fuulnay buur yar aan ka fogayn Barta Taalkulaynta, waxaan dhisay
Anteenadii Raadiyaha, waxaan saaray Farakuwensadii Wasaaradda Gaashaandhigga si
aan u xiriiriyo Jeneraal Samantar iyo Kornayl Aftooje. Wali ma hilmaamin
lambaradii labadooda mid walba afgarashada u ahaa:
- Jeneraal Samatar lambarka: 01
- Kornayl Aftooje lambarka 310
Wada hadalkoodi wuxuu u dhacay
sidaan:
- Jeneraal Samantar wuxuu yiri:
“Caawa kadib hal Madfac iyo Baabuur aan leenahay kuma baryi karo Itoobiya,
wixii aan socon karin ama la qaadi karin guba”.
- Kornayl Aftooje ayaa ku jawaabay:
“Taliye irriddii Midda la soo mari lahaa waxaa ku xiran saddex rac kala dambeeya
nooca Taangiyada Ruushka”.
- Jeneraal Samantar ayaa si canaan
ka muuqato u weydiiyay Kornayl Aftooje:
“Ciidanka aad haysato awoodiisa ma
taqaan? Xoog ku soo jeer irridda Midda”.
Wada-hadalkii labada Taliye intaas
ayuu dhammaaday, isla goobtii annagoo joogna ayuu Taliye Aftooje ku amray
Saraakiishii Taliyeyaasha Ciidanka Komaandooska inay u yimaadaan.
Muddo kooban kadib waxaa u yimid
3dii Sarkaal Ciidanka Komaandooska ugu sareeyay, wuxuu siiyay ammar ah:
“Irridda Midda habeen dambe waa inay
furnaataa”.
Irridda Midda, haddii aan isku
dayo inaan tilmaamo, waa waddo ama jid ay labada dhinac ka xigaan buuro
dhaadheer, taasoo ah ciriiri aanay labo gaari isku dhaafi karin, isla markaana
Taangiyada Xabashida nooca Ruushka ku jiraan ayagoo ah saddex rac kala dambeeya.
Waxaa habeenimadii yimid Ciidan
badan Komaandoos ah ku hubaysan:
- Qoriga Basuuke
- Nooca rassaasta Basuuke gacanta
laga tuuro
- Qoryaha Boobaha (Machine Guns)
- Bambooyinka gacanta laga tuuro
Kuwaasoo weerar kadis ah, isku mar
dhacay, ku qaaday taangiyadii, kadibna waxaa is qabsaday holac, qiic iyo uuro,
ayagooo aan garanayn meel loo yimid.
Waxaa muddo saacado ah la sugayay
inta uu ka dhamaanayo qaraxa rasaasta ku jirta gudaha Taangiyada.
Sidaa waxaa ku burburay
Taangiyadii xirayay waddada, kadibna waxaa yimid labo gaari Abraar nooca leh wiishka
xoogan, kuwaasoo burburkii tangiyada ka leexiyay wada. Waxaa jidkii la furay
soo maray baabuurtii jiidaysay Madaafiicda, ayagoo ilaa saqdii dhexe habeenkaas
ku qulqulayay wadada, kadibna waaberigii gaaray degaanka Qulujeed.
Markii laga soo baxay aagaggii hore dagaalka gaadiikii dagaalka iyo
hubkii cuslaa waxay mareen wadadii Midda (sida aan kor ku xusay), halka
Ciidankii lugaynayay uu maray waddo qarda-jeex ah oo aada Koojaar iyo
Jilacsani.
Taliye
Aftooje wuxuu qaatay Baabuurkiisii wuxuuna maray wadadii Midda, Ciidanka
Komaandoodku furay, asagoo toos u aaday Hargeysa.
Aniga iyo
saxiibkeey Cabdulaahi Axmed Shirwac taarwalihii kale oo sidana Raadiyaashii waxaan ka
mid ahayn Ciidankii lugaynayay ee la socday Abbaanduulaha Guutada Gaashaanle
Maxamuud Kaahiye Barre (Lugagod).
Waxaan, habeen
iyo maalin, lug ku soconay dhul buuraley ah, inta u dhaxaysa Ajisagoora iyo Koojaar,
anagoo wadana qasacyo malaay (Tuuno) iyo kiish timir ah aan kusoo raranay
dameer.
Ciidamada
lugaynayay qof kasta intii awoodiisu u ogolaato ayuu soo qaatay qasacyo malaay
(Tuuno) iyo timir.
Waxaan
maalintii labaad Koojaar ugu nimid Taliye Aftooje iyo lix baabuur ari saaran
yahay, halkaas ayey ciidamadii oo dhan isaga daba yimaadeen.
Waxaa, sidoo
kale, koojaar yimid Ciidamo kala duwan, qaarba meel ka yimid, sida:
- Ciidan
Boliis ah uu watay Kornayl Maxamed Cige Cilmi aan isku meel ka nimid.
- Ciidan
badan Daraawiish ahaa uu watay Kornayl Faarax Rooti, ma garanayo Ciidankaasi
aagga uu ka soo baxay.
Kadib markii
Ciidamadii ka soo baxay dagaalka ay yimaadeen Koojaar waxaa loo diyaargaroobay in,
inta laga guurayo Jigjiga, halkaas (Koojaar) difaac laga galo si loo joojiyo weerarka
ciidamada Xaabashida.
Waxaa la
saadaalinayay ama la malaynayay in Ciidamada Xabashidu ku imaanayaan saddex
jiho, hase yeeshee waxay ku yimaadeen hal jiho, waqooyi kaga beegan magaalada
Jilacsani, taasoo ahayd dhanka Lo’wanaaje.
Halkaas ayaa Ciidamadeenu xoogga saareen, waxaa nasoo weeraray Ciidamadii
Xabashida oo kaliya, aanay la socon Xulufadii u soo gurmatay, balse ku hubaysan
hubkii cusbaa Ruushka.
Dagaalku
wuxuu bilaawday 4:00am (habeenimo), wuxuu socday ilaa ilaa 8:00 subaxnimo,
intaas anagu difaac ayaan ku jirnay.
Hase yeeshe,
08:30 subaxnimo annaga ayaa weerar qaadnay ila aan Ciidankii Xabashida ka
saarnay aaggii Lo’wanaaje, wuxuu ahaa dagaal xooggan oo weerar iyo weerar-celis
ah.
Ayadoo dagaal
culus markaas socday Lo’wanaaje ayaa la ii soo diray Barta Taliska Kulmiska
Jigjiga ay Taliye iyo Abbaanduule ka ahaayeen Gaashaanle Sare Mohamuud Shiikh
Cisman (Cirro) iyo G/le Dhexe Cabdi Salaad Cali, isla markaana ahayd Bar
Taakulayn u diyaarsan habqabtirka Ciidamada dagaalamaya.
Sababta
Jigjiga la iigu soo diray waxay ahayd ayadoo baahi weyn loo qabay batariyaasha
Raadiyaha (fooniyaha) ciidamadu ku wada hadlaan.
Waa isla
maalinta uu barxadda buurta Garabcase aan ka fogeyn Jigjiga ka dhacay xasuuqa 84ta
askarti.
Waxaa la
isoo siiyay gaari aan hawshaas ku fuliyo, intii la ii diyarinayay bartariyaasha
ayaa aniga iyo darawalkii isla garanay in aan magalada (waa Jigjigee) u qado
tagno, maadaama saacado badan aanan waxba cunin.
Isla
muddadii aan joognay bartamaha magaalada ayaan maqalnay cod-baadiye gaari ku
rakiban oo naadinaya in dhammaan askarta joogta magaalada ay ka baxaan oo ay
tagaan goob loo cayimay, taasoo ahayd barxadda Buurta Garabcase.
Waxaa la
filayay ama loo maleynayay in Wasiirka Gaashaandhigga Sareeye Guud Maxamed Cali
Samatar oo markaas Jigjiga joogay, askarta u khudbeyn doono.
Markii aan
kusoo noqday Bartii Taliska Kulmiska Jigjiga ayaa, aniga qudhayda, la igu amray
in aan aado goobta la isugu tagayo, balse waxaan u sheegay in shaqadii aan u
imid (batariyaasha) la ii diyaariyay oo aan safar iyo bixid diyaar u ahay,
kadibna waxaa la i siiyay ammar cad oo ah in aan deg deg meesha uga tago.
Isla
markiiba waa dhaqaaqnay, muddo yar kadibna waxaan maqalnay hugunka xasaasta
culus ee goobtii la isugu tagay ka dhaceysay.
Sida ay
sheegeyso xogta aan maqlay waxaa Jigjiga soo galay ama horay u joogay Ciidamo
farabadan oo isugu jiray:
1-Kuwoo
sabab dhaawac u yimid Jigjiga kadibna bogsaday, balse ka meermeerayay inay dib
u noqdaan dagaalka.
2- Kuwo wali
dhawac laga waadeynayo iyo
3- Ciidamo
farabadan kasoo baxay aagga dagaalka, xaalad jirtay awgeed, kuwaasoo u badnaa
Ciidamado uruuris ah iyo kuwa la qoray intii dagaalku socday oo aan lahayn
tababar ciidan buuxa iyo aqoon ku filan xagga dishibiliinka iyo hab-dhaqanka
suuban ee Askariga.
Anigu
shaqsiyan waxaan shaki weyn ka qabaa in waqti ku filan aan la siinin
baaritaanka iyo kala soocidda askartaas, ayadoo la qiimaynayo sababata ay
Jigjiga u yimaadeen iyo xaaladda markaas jirtay.
Maalintii
xasuuqu dhacay tii ku xigtay, intooda badan, Ciidanku Itoobiya waa laga soo
baxay, markii aan sii mareynay Harta-Shiikh ayaa waxaa naga horyimid Gaashaanle
Sare Mohamuud Shiikh Cisman (Cirro), asagoo markaas ku magacaaban Abbaandulaha
Qeybta 26aad, wuxuu Abbaanduulaha Guutada 34aad Gaashaanle Maxamuud Kaahiye
Barre (Lugagod) ku yiri: “Waxaan rabaa 2 Taarwale aqoon fiican u leh
raadiyeyaasha”.
Anagoo labo
Taarwale ah ayaan ku wareegnay gaarigii Kornayl Cirro, kadibna u noqonay
Qabribayax, waxay ahaayeen 3 Kornayl hal babur wada saaran.
Intaas
kadib, Gaashaanle Sare Cirro wuxuu toos u aaday Hargeysa, 3dii Sarkaal iyo
labadeenni Taarwale waxaan u dhaqaaqnay dhanka Jigjiga.
Meel aan
sidaa nooga fogeyn ayaan ugu tagny Guuto uu Taliye ka ahaa G/le Dhexe Axmed
Maxamad Canshuur, ayadoo Abbaanduulaha Guutadu ahaa G/le Yasiim Nuur Gurxan, iska
markaana Taliyaha Madaafiicdu ahaa G/le Dhexe Catiir.
Sida la
fahmi karo, waxaa Guutada Qabribayax loo dejiyay in Jigjiga ay ka difaacdo
weerar uga imaan kara dhanka wadada Jaygaa isku xirta Dhagaxbuur iyo Jigjiga.
Guutadu ma
lahayn War’isgaarsiin, waana taas sababta Kornayl Cirro labadeena Taarwale
noogu soo diray Guutada.
Goobta
Guutadu degan tahay waa dhul bannaan ah, waxaa ku badan geedka la yiraa
Galoolka u muuqaal eg Quraca.
Saddexdii
Sarkaal (Canshuur, Catiir iyo Yaasiin Gurxan) iyo labadeeni Taarwale waxaa degnay
geed Galool ah hoostiisa oo Raadiyiha iyo Anteenadiisa halkaas ku diyaarinay.
Annagoo geedki hoos fadhina ayaa waxaa nasoo dhaafay ciidankii oo dhammaan ka
soo baxay aaggii difaaca, G/le Dhexe Catiir ayaa fuulay geedkii kadibna degdeg
uga degay asagoo dhahaya: “Waa nala qabsan rabaa”.
Waxaan, si
deg deg ah, u fuulnay gaarigii Land Rover-ka ahaa, Anteenadii ayadoo geedki
saran ayaan ka tagnay, waxaan aadnay dhankii noogu dhawaa oo lahaa geedo (hawd)
lagu dhuuman karo, waxaa muddo na cayrsanayay gaari BeeBee ah.
Gaarigii
geed hoostiis ayaan galinay annaguna dhinac kale ayaan ka galnay hawdkii. Markii
gaarigii BeeBee-ga naga haray, wax yar kadib waxaa na dul yimid labo
dayaaradood Mig ah oo muddo nagu dul meereysanayay, ayagoo marba meel wax ku
ridayay, balse annaga iyo gaarigii midna waxba ma yeelin.
Intaa kadib,
waa soo dhaqaaqnay, markii aan mareynay Harta-Shiikh waxaa naga hor yimid
Kornayl Cirro, ayadoo wajigiisa caro xoog leh ka muuqato ayuu la hadlay Kornayl
Canshur, waxay ku wada hadlayeen Afka Ruushka.
Kornayl
Cirro wuxuu sii aaday xaggaa iyo dhanka Qabribayax anaguna waxaan aadnay dhanka
Hargeysa, markii aan maraynay degaanka Allaaybaday labadii Kornayl (Canshuur
iyo Catiir) waxay toos u aadeen Hargeysa, waxaa meeshi (Allaybaday) ku haray
G/le Yaasiin Gurxan iyo labadeeni Taarwale.
G/le Yaasiin Gurxan wuxuu labadeeni Taarwale nagu yiri: “Raadsada Guutadii aad
tirsanaydeen”. Halkaas ayaan ku kala tagnay G/le Yaasiin iyo labadeeni
Taarwale.
Annagoo wali
goobtii taagan ayaa, wax yar kadib, waxaaa noo yimid Kornayl Boolis ah Maxamed Cige Cilmi aan hal aag
dagaalka uga wada jirnay, isku marna kasoo wada baxnay. Aniga, si gaar ayuu
Kornaylku ii yaqaanay, waayoo intii aan ku jirnay dagaalka ayaan qaar ka mid ah
askartiisaa baray isticmaalka Raadiyaha.
Kornayl Maxamed
Cige Cilmi wuu na qaaday asagoo na geeyay meel la yiraa
Garka-Yogolka
oo Hargeysa aan ka fogayn, waxaa halkaas deganaa Isgaarsiinta Qaybta 26aad
Xarunteedu tahay Hargeysa.
Si wanaagsan oo mudnaan sare leh ayaa Kornayl
Xasan Komaandoos Madaxii Taakulaynta dhanka Isgaarsiinta Qaybta 26aad halkaas
noogu soo dhaweeyay.
Casho fiican
aanan muddo cunin ayuu na siiyey, kadibna u yeeray yeeray G/le Indhacade ahaa
Madaxa Isgaarsiinta Qeybta 26aad.
G/le
Indhacade wuu na qaaday, wuxuu na geeyay magaalo yar oo la yiraa Arabsiya,
lacag ayuu na siiyay hotelna wuu na dejiyay, asagoo nagu yiri:
“Halkaan
caawa seexda, berri 10ka subaxnimo ayaan idiin imaanayaa”.
Sidii
balanku ahaa subaxdii ayuu G/le Indhacade naga qaaday Arabsiya, wuxu noo geeyay
Guutadi 34aad aan ka tirsanayn, markaaas, la isugu keenay Gabilay, ayadoo ka
soo bixiddii Itoobiya qolaba wado gaar ah ku timid.
Waxaan
Gabilay sii joognay 3 todobaad (usbuuc) ilaa laga hubiyo in ciidamadu kasoo
dhamaadeen dalka Itoobiya.
Bilowgii
April 1978 ayaan u guurnay Burco, kadibna Guutadeeni 34aad waxaa la dejiyay
inta u dhaxaysa Ceeg, Dharkeyn-geeye iyo Lebi-sagaale, dhulkaas ballaaran ayaa
la keenay labo Guuto kale, sidaana waxaa ku dhashay Gaaska 3aad Burco.
Waxaa 9kii
April 1978 Gaashaanle Sare Cali Ismaciil Maxamed loo magacaabay Taliyaha Gaaska
3aad.
Gaasku wuxuu
isku ballaariyey inta u dhexeysa Burco, Laascaano ilaa laga gaaro Magaalada
Oodweyne iyo xuduudda.
Intaa kadib,
aniga iyo rag kale waxaa naloo diray Hargeysa si aan u soo qaadano tababar
Raadiyaal cusub markaas Ciidamada loo keenay.
Markii
Tababarki noo dhammaaday aniga waxaa la ii bedelay Saldhigga 8aad Ciidanka
Cirka Berbera, sidaana waxaa ku soo xirmay ka tirsanaanteydi Ciidanka Dhulka
Soomaaliya (Somalia Ground Force).
Markii
dagaalka laga soo noqday ayaa lay siiyayi dalacaad ah: “Dable u dalacay Saddex
Alifle”. Muddo kadib waa la iga bedelay Saldhiggii Berbera oo lay bedelay “Barta
Hoggaminta Radarka Beledweyene” ahayd halkii aan saddex sano ka hor ka qortay
Ciidanka.
Isla
xilligaas, mar uu halkaas (Beledweyne) kormeer ku yimid Sareeye Guud Maxamed
Cali Samatar ayuu soo booqday Barta Hoggaminta Radarka Beledweyene,
anigoo shaqeynaya
ayuu i soo kor istaagay, waa salaamay kadibna waa i wareystay,
waxaan uga
sheekeeyay dagaalkii 77 iyo wixii aan waaya-aragnimo ka kasbaday dagaalkaas
bilaaw ilaa dhamaadkii.
Saraakiishii
la socotay ayuu ku yiri: “Wiilkaan oo kale ayaa Ciidanku u baahan yahay”.
Kadibna, intuu
i soo fiiriyay ayuu igu yiri:
“Waxaan kuu dalacsiiyay
darajada aad sidato midda ka sareysa ee labiso”.
Waa darajada
“Xarigle” Soomaalidu u taqaan Isbatoore.
Waxaan Rabbi
ugu mahadinayaa inaan ka badbaaday wixii goob dagaal aan taagnaa, maantana aan
fursad u helay in, 47 sano kadib (2024-1977), aan Ummadda Soomaaliyeed, gaar
ahaan, intii fursad u hesha, la wadaago qormadaan aan Cinwaanka uga dhigay “Xogwaran kooban Dagaalkii 77” - runtii waa mid kooban oo dulmar ah,
taasoo muddo dheer maankeyga ku kaydsanayd, walina iigu muuqata sidii wax
dhacay shalay ama dorraad.
Ma aha wax
sahal lagu iloobi karo, bal waa qaybta ugu mudan taariikh-nololeedkeyga, waayoo
marka ay igu soo maaxato xasuusta dagaalkii 77, waxaan dareemaa inaan daawanayo
filim aan anigu attoore (arbo) ka ahay.
Sidoo kale,
waxaan hubaa in ay wali nool yihiin tiro badan ka qaybgashay dagaalkii 77,
waxaan rajaynayaa in qormadaani noqoto ibafurka silsilad tixaan gudbinaysa xog
dheeri ah ku saabsan aagga dagaalka aan ka hadlayo iyo aagagga kale intaba.
FIIRO GAAR:
(*) “SOS iyo
MPA” waa labada heer ama hab ugu sareysa xagga mudnaanta diridda taararka:
1- “SOS”:
waa midka heerka 1aad waxaa loo isticmaalaa dalab gurmad badbaado
deg deg ah.
2- “MPA”:
waa midka heerka 2aad waxaa loo isticmaalaa fulinta hawl mudnaan sare leh. Aan
kuu xasuusiyee waa midkii Jeneraal Samatar isticmaalay markii uu dalbanayay in
asaga iyo Taliyaha Guutada 34aad Aftooje wada hadlaan.
“SOS iyo
MPA” waa labo oraah ka kooban erayo la soo gaabiyay (acronym or initials),
kuwaasoo ka soo kala jeeda Afka Ingiriika iyo midka Talyaaniga:
- SOS: “Save
Our Soul”
- MPA:
“Massima Precedenza Assoluta”, loo tarjumi karo “Maximum Top Priority”.
3) Darajada
Saraakiisha qormada ku xusan waxaa ka mid ah:
- Sareeye: Janan
(General)
- Gaashaanle
Sare loo qoro: G/le Sare (Full Colonel)
- Gaashaanle
Dhexe loo qoro: G/le Dhexe (Lieutenant Colonel)
- Gaashaanle
loo qoro: G/le (Major)
- Dhamme loo
qoro: Dh/me (Captain)
- Laba
Xiddigle loo qoro: L/x/le (Lieutenant)
- Xiddigle
loo qoro: X/le (Second Lieutenant)
4) Waxaa
dhici karta in Saraakiisha qormada ku xusan, qaarkood, darajadooda ciidan ee
xilligii dagaalka 77 aanay ii saxnayn oo wax iga qaldan yihiin, waayoo ma jirin
cid darajo ciidan labisan.
Guul iyo
Gobannimo
Cilmi
Maxamad Maalin (Cilmi Garweyne)
Tel:
004479732741856
London