Saturday December 28, 2024
- Dowladda
Federaalka Soomaaliya (DFS) oo dhabarjeedin, bahdil, iyo caqabado kala
kulan tahay dhinacyo badan, musuqmaasuqa xarkaha goostay iyo khilaafaadka
gaaray dagaal iyo kala irdhow, waxay shirkii Ankara ku aqbashay in
Siyaasadda Soomaaliya ku tiirsanaato, laga hago Addis Ababa, Ethiopia.
Khudbaddii Madaxweyne Xassan ka jeediyay Shirka Ankara waxay beenisay,
tirtirtay dhammaan dareengelintii wadanninimo iyo iska difaaca dhul
boobka, gardarrada, iyo cadowtinnimada qotadadheer ee Ethiopia u hayso
Soomaaliya. DFS kama kasbay wax maslaxad ama faa’ido ah heshiiskii Ankara.
Waxaa halis ku jira difaaca gobannimada, madaxbannanida iyo Midnimada
Soomaaaliya.
1978, Professor Nuraddin Faarax wuxuu qoray maqaal
cinwaakiisu yahay “Fadlan, Jidkee I geynaya badda (Which Way to the Sea,
Please?” Dulucda Maqaalka wuxuu yahay in Ethiopia ku taamayso helitaanka
bad iyo dhul Soomaaliyeed si kasta ee ay ku hayshaba. Damaca Ethiopia ee badda
iyo dhulka Soomaaliya weligiis marna ma damin (dhiman), lagamana tanasulin laga
soo bilaabo Boqor Yohannes IV 1871 ilaa maanta.
- Natiijada
dhaxal duuga ah ee ka soo baxay Shirkii Ankara waa in DFS aqbashay in
Ethiopia xaq u leedahay inay hesho bad u furan oo Soomaaliya leedahay, ku
qabta kalsooni buuxda ku tashiga, isticmaalka, iyo ammaanka baddaas u
furan. DFS waxay ku celcelineysa inay ka go’antay inay deg deg u fulineyso
go’aankii Ankara, isla markaana la yeelaneyso Ethiopia xiriir
saaxibtinnimo ee qotodheer. DFS waxay bayaankii Ankara ka dhigtay heshiis
kama dambeys ah ee la fulinayo.
- Ka hor
waqtigii lagu ballamay kulanka farsamo ee fulinta heshiiskii Ankara, DFS
oo culeys weyn ku haysaay u hoyashada iyo xaalmarinta Ethiopia gefafkii
(Aflagaadii) loo geystay 11kii bilood ee la soo dhaafay, waxay u dirtay
Addis Ababa wafdi her sare ee u hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda
Arrimaha Dibedda Xildhibaan Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo haysta
kalsoonida Madaxweyne Xassan.
- 23kii
iyo 24kii Disember 2024 waxaa iska soo daba baxay 5 warsaxaafadood,
kuwaasoo muujinaya fashilka siyaasadda DFS. Warsaxafadeedka 1aad oo ahaa
mid aan caadi aheyn waxaa adduunka loogu sheegayay in DFS u direyso wafdi
her sare ah dalka Ethiopia si loo dedejiyo fulinta heshiiskii (Bayankii)
Ankara oo shacabka Soomaaliya ka gadoodsan yahay, isla markaana aan Golaha
Wasiirrada, Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada,
Bulshada Ra’yidka ah iyo waxgaradka Soomaaliyeed laga siin xog ogaalnimo
la xiriirta danaha iyo faa’idada Soomaaliya ugu jira heshiiskaas iyo ka
jawaabidda doodaha laga qabo. Warsaxafadeedka 1aad oo u muuqda mid ay
dalbatay ama lagu raalli gelinayo dowladda Ethiopia waxaa soo saaray
Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee DFS, wuxuuna ku saabsan yahay ambabaxa
Wafdiga DFS ee Addis Ababa iyo caddeynta rabitaanka DFS inay degdeg u
fulineyso go’aankii Ankara. Warsaxafadeed lagama soo saarin safarka
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee DFS Mudane Axmed Fiqi ugu ambabaxay dalka
Masar iyo dhambaalka uu xambaarsanaa. Warsaxafadeedka 2, 3, iyo 4 waxay ku
wada saabsan yihiin dagaalladii ku dhexmaray Ciidammada DFS iyo Ciidammada
DG Jubbaland oo taagero ka helay Ciidammada Ethiopia Doolow iyo Kulbiyow.
Warsaxafadeedka 2aad ee ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha
Dibedda ee DFS wuxuu si kulul ugu eedeynaya dowladda Ethiopia inay soo
weerartay JFS ku soo xadgudubtay gobannimada iyo dhulka Soomaaliya.
Warsaxafaddeedka 3aad wuxuu ka soo baxay Wasaarada Amniga ee
DFS, waxayna dagaallada ka dhacay Doolow iyo Kulbiyow ku eedeysay Madaxweynaha
DG Jubbaland (Eedeysane) Axmed Maxamed Islam (Axmed Madoobe), mana soo hadal
qaadin gardarrada Ethiopia.
Warsaxafadeedka 4 waxaa soo saaray Wasaaradda Arrimaha
Dibedda ee Ethiopia oo ka carootay eedeymaha loo jeediyay, waxayna eedeynta DFS
ku tilmaantay been. Ethiopia waxay ku eedeyneysa qaswadayaal aan dooneyn
caadiyeynta xiriirka Ethiopia iyo Soomaalaiya inay ka dambeeyaan dagaalka
Doolow.
Kulan gaar ah ay yeesheen Madaxda Hay’adaha Sirdoonka iyo
Amniga ee Ethiopia iyo Soomaaliya (NISS and NISA) waxay wacad ku mareen inay ku
socdaan dedejinta fulinta heshiiskii (Bayaanka) Ankara, isla markaana
qaswadalayaasha ka soo horjeeda heshiiska Ankara la iska fogeynayo, dhinac la
iska marinayo. (As a follow up discussion of the Ankara declaration,
Intelligence chiefs vowed to move on and “keep detractors from near and afar
who are bent on derailment at bay”.)
Walow Warsaxafadeedka 1aad iyo Warsaxafadeedka 4aad ay ka
soo kala baxeen DFS iyo Ethiopia, haddana waxaa la tuhmi karaa in hab
qoraalkooda ka dambeyso hal maskax.
Warsafadeedka 5aad waxaa soo saaray Wasaaradda Arrimaha
Dibedda ee DFS wuxuuna ku saabsan yahay warbixinta kulanka dhexmaray wafdiga
DFS iyo xulka Ethiopia oo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Ethiopia
hogaaminayo. Nuxurka Warsafadeedka 5aad wuxuu yahay in labada dowladeed ay aad
u doonayaan hirgelinta degdegga ah ee heshiiskii Ankara iyo xoojinta xiriirka
Soomaaliya iyo Ethiopia, wuxuuna raacinaya arrin khilaafsan Warsaxafadeedka
4aad ee Dowladda Ethiopia, warkaaso ah in dowladda Ethiopia soo baarayso dhacdadii
Doolow. Wareysi Wasiru Dowlaha DFS Xildhibaan Cali Cumar siiyay warbaahinta
Soomaaliyeed wuxuu ku daray in Dowladda Ethiopia ka cudurdaaratay wixii ka
dhacay Doolow, arrintaaso ka fog mowqifka ku qoran qoraalka Ethiopia.
- Warsaxaafadeedka
5aad laguma soo hadal qaadin taageerada iyo xiriirka Dowladda Ethiopia la
leedahay Jubbaland iyo DG-yada kale iyo arrimihii kale ee dhaawacayay
gobannimada, madaxbannanida, iyo midnimo dhuleedka JFS. Fasirka arrintaas
waa in DFS ka tanaasushay adkeynta iyo difaaca gobannimada,
madaxbannninada iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS).
Soomaaliya oo aheyd dhibbane lagu soo xadgudbay, laga
gardaran yahay waxay noqotay dambiile xaq loogu yeeshay inay dowladda Ethiopia
siiso bad, hoos tagto, ka amar qaadato, dibna loo soo nooleeyo booqashooyinkii
hagardaamada ahaa ee Addis Ababa.
Madaxda DFS tixgelin, saameyn, ku camalfal kuma lahan
taarikhda iyo xaqiiqada siyaasadaha, danaha, Istratejiyada dalalka Adduunka,
gaar ahaan deriska ah. Su’aasha taagan ilaa maanta waxay tahay, “sababta
dowladda Ethiopia u rabin ka faa’ideysiga dekedaha iyo badaha dalalka Jabuuti,
Eritrea, Kenya, iyo Sudan iyo dekedda Berbera (Soomaaliya) ee dhuunta ugu
dheggan tahay Soomaaliya?”
Soomaaliya waxaa maanta ka taliya dowlad aad u itaal daran,
ka lumay dhaqan dowladnimo, wadanninimo, reer galbeedka iyo Carabta ku
riixayaan in Ethiopia la siiyo bad iyo dhul Ummadda Soomaaliyeed leedahay. Waa
jowrfal iyo jujuub mudan ka dhiidhin loo dhan yahay.
- Shantaas
(5) warsaxafadeed waxaa laga fahmi karaa (a) in Siyaasadda gudaha iyo
dibedda ee Soomaaliya laga hagi doono Addis Ababa, xaaladdaasoo Soomaaliya
ku jirtay 2006-2023; (b) in danaha Soomaaliya dayacan yihiin, jiritaanka
dal iyo dowlad Soomaaliyeed halis ku jiraan; (c) in garabka DFS ee
saxiibka la ah Ethiopia ku guuleystay hagidda/ka talinta siyaasadda
Soomaaliya. Warsaxafadeedka Ethiopia wuuu daaha ka qaadaya qaswadayaal
gudaha iyo dibedda ee ka soo horjeeda danaha Ethiopia.
- Maalmahaan
waxaa si isdaba jooga ah u soo baxaya baaqyo loo jeedinayo dhammaan
Waxgaradka Soomaaliyeed inay si degdeg ah (urgently) ugu kacaan badbaadada
midnimada, gobannimada, madaxbannaanida JFS iyo dib u soo nooleynta
dhismaha dowladnimada Soomaaliya qarka u saaran baaba’a.
Dr. Maxamud M Culusow
[email protected]