4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Eexda, Qof-jeclaysiga, musuqmaasuqa iyo qabyaaladu waa waxa ragaadiyay dowladnimada Soomaaliya

Farah Aw-Osman
Wednesday May 3, 2023

Kulankii Madaxweyne Xassan la yeeshay qaar ka mid ah bulshada Xamar ku dhaqan iyo su’aalihii la waydiiyay gaar ahaan, su’aasha ku saabsanayd musuqmaasuqa iyo xil u magacowga awlaada, ehelka iyo qaraabada ayaad moodaa inay bansiin kusii shubtay dabkii ama dood beryahan bulshada Soomaaliyeed dhex maraysay ee ku saabsanayn xilka uu Madaxweyne Xassan u magacaabay inantiisa yar ee Jihaan iyo xubno kale oo ehelkiisaa oo xilal kala duwan ka haya dowlada iminka jirta.

advertisements
Si guud markaad u eegto arintaan Madaxweyne Hassan Sheekh lagu eedaynayo kama duwana hab dhaqanka madaxda kale ee Soomaaliyeed ee aqalkoodii iyo dowladnimadii isaga dhex yaacday.  Waxaa jira Madax ka talin jirtay, ama ka talisa maamul Dowlad-Goboleedyada dalka oo aad arkaysid in caruurtoodii iyo eheladoodu ku dhex milmeen dowladnimada, qaarkoodna iyagoon xil ay hayaan uusan jirin ayay ka awood badan yihiin wasiirada iyo howl-wadeenda kaleba.   Maamulada qaar ayaa jira hadii qof ama koox muwaadiniin ahi doonayaan inaad ganacsi weyn iyo maalgashi sameeyaan ama haya’do maxali ah iyo kuwo caalami ahi rabaan inay mashaariic horumarineed dalka ka fuliyaan ay khasab ku tahay inay soo maraan caruurta Madaxweynayaashaasi oo ay ama (share) saami aysan maalgashan u ogolaadaan ama ay laaluul siiyaan caruurtaasi si wax ugu hirgalaan, hab dhaqankaas guracan oo wax badan oo dadka iyo dalka wax u tari lahaa ka hor isaagaya.   Masiifogayn kolkii mid ka mid ah madaxdaas wiil uu dhalay Airport Dubai lagu qabtay isagoo boorso ku wata Millions lacag ah.  Sidoo kale cidna kama qarsoona maalgashiga ay caruurtaas qaarkood ku sameeyeen Kenya ama Turkey oo aad moodid inay noqdeen labada goobood oo lagu maalgashado xatooyo qaran ama dadweyne ee ummada Soomaaliyeed laga dhacay.    

Sidaa awgeed, madaxweyne Xassan hadii qof ka mid ka qayb-galayaashii kulankaas “Townhall” ka ahaa waydiiyay su’aasha ku aadan magacowga inantiisa, maaha taasi in isaga si gaar ah loo beegsanayo, laakiin maadaama uu xil ummadda u hayo, waa in Madaxweyne Xassan ogolaadaa in bulshadu xaq bay u leedahay inay waydiiso su’aalaha noocaan oo kale ah. 

Madaxweyne Xassan maaha markii koowaad, mana noqon doonto markii ugu danbaysay ee Su’aalaha noocaan ah la waydiiyo, maxaa yeelay, ummadda Soomaaliyeed wareegto kasta oo uu Madaxweynuhu xil ku magacaabo dadku way wada akhrinayaan, safar kasta oo uu galo dadka la socdana waa loo wada jeedaa, howl-fuliyayaasha xarunta dalka looga taliyo ee Villa Soomaaliyana dadka ka shaqeeya xafiiska Madaxweynahana waa la wada ogyahay, sidaa darteen, waa in Madaxweyne Xassan garowsadaa in dareenka arimahaan ku aadan uu yahay mid xaqiiq ah oo bulshadu xaq u leedahay,  iskuna dayaa in ficilkiisa iyo hab-dhaqankiisu noqdaan kuwo waafaqsan khudbooyinkiisa iyo hadaladiisa macaan, si uu u kasbado kalsoonida shacabka Soomaaliyeed. 

Waxaad moodaa, su’aashii la waydiiyay Madaxweyne Xassan inay meelxun ka taabatay taasoo aad ka dhadhansan kartid jawaabtii uu baxshay.   Madaxweynuhu intuu qanciin iyo sharaxaad fiican samayn lahaana uu xanaaqaasi ku xambaaray “ilayn waa aadane la eedeeyaye” is difaac, taasoo uu ku sii dhacay dhiiqadii markuu mucaaradka ahaa uu kawaanin jirtay masuuliyiinta xilka haya inaysan lugaha la gelin, taasoo aan ula jeedo inuu Wasiiradiisii iyo howl-wadeenada kale ee dowlada ku dhiiri-geliyay inay eheladooda u magacaabaan xilalka, aysana qofna ka baqin uguna aaba-yeelin.   Hadalkaasi mid af madaxweyne laga filayay muu ahayn, “heat of the moment”, ama hadal xaqaan uu ka keenayna ay u badan tahay.

Madaxweyne Xassan oo mudo kooban xilka iminka hayay waxaad moodaa safaro aad u badan oo kharajaad aad u badan ku baxeen inuu sameeyay, dhamaan safaradaasi waxaad moodaa dadka ku weheliya inay yihiin ehel iyo qaraabo hoose, kulamada uu tagayana qaarkood ay yihiin kuwo xasaasi ah oo siro dowladeed iyo isla tashiyo masiiri ah ku saabsan, kulamadaas oo hab-dhaqanka dowliga ee saxda ahi yahay inuu kulan kasta u kaxaysto Wasiirka ama masuulka ay khusayso, si kulanku u noqdo mid miro dhal ah, mid dowladu si cilmiyaysan oo xog ogaalnimo ku jirto ay baahidooda iyo aragtidooda u soo bandhigi karto, iyo in kulamadaasi wax dan ugu jirto dalka iyo dadka uga soo baxo.   Madaxda Caalamku markay arkaan liiska dadka Madaxweynaha la socda, waxaa dhici karta in siro, iyo arimo badan oo xasaasi ah oo lagala hadli lahaa aan lala wadaagin maadaama masuuliyiin dowladeed oo arimahaasi khuseeya aysan ahay dadka Madaxweynaha safarka ku weheliya, sidaasna fursado dalka iyo dadka faa’iidooyin u lahaan lahaa ku dhumaan.  

Kulankii ugu danbeeyay oo Dowlada Soomaalidu la gashay World Bank kuna saabsanaa dayn cafinta iyo taageerooyinka kale, waxaa World Bank aad u saluugay isbedelada dowladani ku samaysay xilal aad halbowle ugu ahaa shaqooyinkii socda sida:  kala dirkii guddigii madaxa banaanaa ee musuqmaasuqa, kala dirkii guddigii dowlada kala talin jiray dhaqaalaha oo ay hormuudka ka ahaayeen ruug cadaayada ay ka mid ahaayeen Dr. Ali Isse iyo Dr. Hussein Warsame and others, booskoodiina la keenay dhalinyaro aad u d’a, khibrad iyo aqoonba yar, isbedelka lagu sameeyay Central Bank ka, etc…. 

Madaxweyne Xassan iyo masuulkasta oo xil qabta waxaa ku haboon inaysan isaga dhex yaacin masuuliyada qoyskiisa, aqalkiisa, qaraabadiisa iyo hanaanka dowladnimo ee ay ummada u hayaan, ayna waajib ku tahay inay ka dheeraadan ficil kasta oo keeni kara musuqmaasul, qof jeclaysi iyo eex.  

Sida ubadka iyo qaraabada madaxdu ay muwaadiniin u yihiin xaqna u leeyihiin inay shaqo ka helaan dowlada ayaa muwaadin kastana xaq u leeyahay, laakiin waxaa jira wadiiqo loo maro, iyo tartar siman ee loo galo si qofkii ku haboon xilkaas u helo. 

Micnaha erayga Eexda ama “Nepotism” kana waxaa lagu fasiraa sidan: “the practice among those with power or influence of favoring relatives, friends, or associates, especially by giving them jobs”.  Eexdu waa:  “hab-dhaqan ay la yimaadaan dadka awooda madaxnimo haya, kaasoo ay eex u sameeyaan qaraabadooda, saaxiibadood, shuraakadooda, gaar ahaana markay timaado shaqo siinta”.

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Baskistaan Imran Khan waxaa ku socota maxkamaad waxaana lagu haystaa hadiyay uu intuu xilka hayay la siiyay oo uusan wareejin markuu xilka ka degay, Ra’iisal Wasaaraha Kanada Justin Trudeau Waxaa lagu haystaa dalxiis uu ku tagay jasiirad Agha Khan lahaa iyo in hay’ad aabahii ku magacaaban oo nin Chinese ahi lacag siiyay,  Madaxweynaha Maraykanka waxaa inankiisa Hunter Biden lagu haystaa oo maanta maxkamadi ku socotaa lacago uu ka helay Ukraine intii aabihii Madaxweyne ku-xigeenka ahaa.   Dhamaan tusaalayaashaasi waxay ka dhigan yihiin marka aad magac iyo mansab dowladeed haysi ubaadab u adeegsan karin in kaarkaasi aysan xoqan qoyskaagu kuna taajirin ama aadan adiguba u isticmaalin si ka baxsan dowga, hab-dhaqanka iyo qiyamka dowliga ah.    Nasiib daro, hab-dhaqanka Madaxda Soomaaliyeed, hab-dhaqanka ubadka madaxdaas, iyo dhunsashada hantida ummadu waa mid aan hal masuul keliya lagu eedayn karin, balse baahsan oo gaartay heerkii ugu sareeyay.   

Sidaa awgeed, ka hadalka bulshada Soomaaliyeed ka hadlayso arimahan waxay talaabo fiican u tahay sidii madaxda loola xisaabtami lahaa, dhaqankaan loo suulin lahaa, madaxduna kulamaa ay ogaadaan in dadku arkayo, su’aalo waydiinayo, lala xisaabtamayo , kulamaa ay ka fiirsadaan talaabooyinka ay qaadayaan.

Waxaan qormada ku soo gaba gabaynayaa hadalkii Madaxweynaha Kenya Mr. Ruto uu maalin dhawayd  yiri ee ahaa “leaders should not be nepotistic and appoint their family members to state jobs and positions whenever a vacancy arises”.  Waa in madaxdu aysan noqon eex falayaal iyo xilalka dowladeed aysan u magacaabin  xubnaha qoyskooda markii fursadaha shaqo iyo xilalku soo baxaan.   

Masuul kastoow, hantida kuu gaarka ah ee aad leedahay xubnaha qoyskaaga wax ka sii ama xilal uga dhiib, laakiin, waxa ummadu wada leedahay waa loo siman yahay, si gaar ahna ha u siin ubadkaaga, ehelkaaga, qaraabadaada iyo axsaabtaada.  Hadii fursad shaqo soo baxdo ubadkaaga iyo ehelkaagu sida muwaadiniinta kale tartan ha u galeen, haday ku guulaystaana markaas keliya ayay xaq u yeelanayaan qabashada xilalka dowladeed, sida muwaadin kastaba xaq ugu leeyahay, wixii taa ka duwani waa EEX.


Farah Aw-Osman
Email: [email protected]


 





Click here