By Nasteexo Axmed Caga cadde
Tuesday September 6, 2022
Wasaaradda Xajka &
Cumrada ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday horraantii sannadkan in
haweenku, hadda laga billaabo, ay maxram la’aan soo gudan karaan waajibaadka
xajka ama cumrada. Waxaa loo furay mareeg barta interneetka ah oo ay ka diiwaan
geliyaan qorshahooda xajka & cumrada. Haweenka da’doodu u dhaxayso 18-45
jir ayuu sharcigan khuseeyaa, taasoo ka qeyb qaadaneysa kordhinta tirada dadka
xajinaya iyo dadka cumreesanaya (xujjaajta iyo muctamiriinta). Sharcigan ka
hor, Sucuudiga wuxuu shuruud ugu xiray dumarka gudanaya waajibaadkaan in ay la
socdaan maxram si ay ugu soo safraan Xaramka Shariifka ah. Haddii 45 sano ay ka
wayntahay se, waa la oggolaa in koox hoggaan rag ah leh ama dumar wada ah oo
aamin ah, ay u raaci karto Xaramka.
Markuu soo baxay
sharcigan, waxaa ku farxay dumar badan oo Muslimiin ah in aan maxram lagu xirin
oo waxaa mar walba jiray dumar u xiisa qaba in mar un xajj & cumro soo
guttaan iyagoon awoodin maxram in ay helaan. Sannadkii 2019-kii ayuu Sucuudigu
ku wergaliyay hay’adaha dalxiisku in ay dumarka maxram la’aan soo qaadi karaan
laakiin mas’uuliyad buuxda iska saaraan dumarkaas maxram la’aanta ah. Dillaaca
cudurka safmarka ah ee Korona ayaa baajiyay safarrada caalamiga ah laakiinse
waxaa lagu dhaqangeliyay go’aankan haweenka gudaha Sucuudiga ku nool oo loo
oggolaaday inay xajjiyaan oo cumraystaaan maxram la’aan.
Sanadkan 2022 waxaa la
sameeyay madal elektroonig ah oo lagu wacyigelinayo dadka cumraysanaya ama
xajinaya oo ay Wasaaradda Xajjka & Cumrada ku soo bandhigtay hordhac
macluumaad ku saabsan sida iyo shuruudaha loo gudan karo waajibaadkaas. Waxaa
ka mid ah in la diiwaangeliyo haweenka bilaa maxramka ah oo ka imaanaya dunida
oo dhan iyada oo la raacayo hal-ku-dhegga ah "Koox Haween ah”
oo da'da ay ka bilaaban karaan 18 ilaa 45 sano jir. Hagaajinta iyo is-beddelka
xeerarka gudashada cumrada iyo xajjka ayaa si joogta ah isu badalaya waayahan
danbe si adeegyada loogu saleeyo baahida martida Alle (swt) ee Xaramka
imaanaya. Wax badan ayaa iska badalay habka loo dalbanayo xajjka & cumrada
oo dawladdu waxay u kala qaybisay laba siyaabood: 1) in dadku si toos ah
mareeggta ay dawladdu maamusho kasoo xaraystaan iyo 2) in dadku kasoo
xaraystaan shirkadaha dalalkooda ka hawlgala.
Sidoo kale fiisaha ayaa
wax badan laga badalay. Waxaa lagu soo kordhiyay fiisooyinka (dal-ku gal ah)
seddex nooc oo kala ah: 1) fiisaha booqasho rasmi ah sid ka qaybgal shir ama
gudasho shaqo 2) fiisaha dalxiiska iyo 3) fiisaha meel-sii-marka ah (transit)
oo afar (4) maalmood ah si qofkii raba uu cumrada u gudan karo. Isbeddelladaan
uu Sucuudigu ku tillaabsaday ayaa lagu tilmaamay in ay tahay adeeg lagu sugayo
badqabka socdaalka (diyaarad, tareen, gaari) haweenka. Waxay soo qaateen xadiis
ku sugnaaday Saxiixul Bukhaari oo u oggolaanaya haweeneyda inay safri
karto iyadoon maxram la socon, kuna sugan xilli ay jirto nidaam, cabsi la’aan
iyo amni;
روى البخاري عن عدي بن حاتم أن
النبي صلى الله عليه وسلم قال له: " فإن طالت بك حياة، لترين الظعينة ترتحل
من الحيرة حتى تطوف بالكعبة، لا تخاف أحدا إلا الله" وفي رواية أخرى: "
تُوشك الظعينة أن تسافر إلى مكة من صنعاء لا تخاف إلاّ الله والذئب على غنمها»؛ أو
برواية أخرى "يوشك أن تخرج الظعينة من الحيرة (بالعراق) تؤم البيت لا زوج
معها، لا تخاف إلا الله… الخ".
Halkaas oo uu Rasuulku
(scw) yiri: “In gabadhu Sanca ama Ciraaq - labadaas magaal marba mid ayaa la
sheegay - kasoo socdaasho illaa Makkah iyada oo aan ka baqayn wax aan ka ahayn
Eebbe iyo in yeyda uga baqdo arigeeda mooyaane.” Macnaha xadiiska Rasuulka
(scw) waxuu ula jeedaa in islaamku faafi doono oo amni ballaaran la gaari doono
oo keenaya in gabdhaha muslimka ahi kaligood safri doonaan.
Sidaa darteed ayuu
Sheekhul-Islaam Ibnu Taymiyyah soo saaray fatwo u fasaxaysa haweeneyda in ay
xajjka u safarto maxram la’aan, haddii ay nafteeda u nabad gasho oo kalsooni ku
qabto safarka. Waxaa kale oo ay daliishanayaan dadka bannaynayaa arrinkan
xadiiskii Hooyo Caa’isha (RC) inay safartay iyada oo aan maxram la socon oo
markii uu saxaabigii Abuu Siciid Al-khudriyy (RC) arrintaas kala hadlaynaay ku
tir, “dhammaan dumarku ma wada leeyihiin maxram.”? Waxaa intaa dheer in
Hooyooyinkii Mu’miniinta (RC) ay u baxeen xajjka iyaga oo aysan wehlinin
maxram.
وروي أن أم
المؤمنين السيدة عائشة -رضي الله عنها- قد سافرت بلا محرم، وعندما كلمها أبو سعيد
الخدري في ذلك، قالت له: أو كل النساء تجد محرمًا؟!
Sheekha Al-Azhar, Dr.
Axmed Al Dayib ayaa sheegay maadaama amnigii fiday oo dhib la’aan safarrada
casrigani yihiin, in loo oggolaado haweeneyda in ay xajjiso ama cumreysato
iyada oo aan maxram wehelin haddii ay la socoto koox aamin ah. Sidoo kale
Sheekh Yuusuf Al-Qaradaawi ayaa qaba in dumarku cumradda iyo xajka gudan karaan
maxram la’aan iyadoo shardigu yahay jawi ammaan ah oo lagu kalsoonaan
karo.
Haddii aan idin la
wadaago safarkaygii cumrada ee sannadkan (25-29 May) waxaan soo cumreystay
aniga oo aan wax maxram ah ila socon, iyo koox dumar ah, oo kaligay ah.
Si fiican oo sahlan ayaan ku dhammaystay, alxamdulillaah. Waayadan dambe
horumarin ayaa lagu sameeyay u adeegga dadka cibaadada u tagaya Sucuudiga. Tusaale
ahaan, Jeddah marka aan ka dagay isla eeraboorka (airport) ayaan ka racaay
tareen u socday Makkah muddo nusaac ka yar, qiyaastii 23 daqiiqo. Adeeg kasta
waxaad helaysaa dumar kuu qabanaya oo ay ka mid yihiin safaf dumar u gaar ah
meel walba.
Dhanka gudashada xajjka
sannadkaan – 2022 - waxaan la xiriiray mas’uul dhanka shirkadaha Soomaalida ee
qaabilsan xajjka oo ku sugan Sucuudiga oo ii sheegay in sannadkan ay jiraan
dumar wada socda oo maxram la’aan xajinaya. Wuxuu kaloo ii sheegay in ay jiraan
dumar kaligood socda. Wuxuu iigu daray in qofka kaligii - rag ama dumar - u
socda ay qarash badan tahay. Sababtaa ayay dad badan ku doortaan in ay koox la
socdaan.
Aragtiyo kale oo ka duwan
go’aankaan ayaa jira. Walow aniga shakhsiyyan aan ku faraxsanahay go’aanka lagu
oggolaanayo maxram la’aanta oo aan weliba uga mahadcelinayo dawladda
Suucuudiga, waxa jira culimo kale oo tilmaamaysa inuu go’aankan yahay mid
khilaafsan shareecada. Haweenayda ma safri kartaa maxram la’aan?
1- Mad-habka Shaaficiga
iyo Maalikiga iyo culumo kale oo badan waxay qabaan inay gabadha muslimadda ah
maxram la’aan u safri karto safarka waajibka ah sida xajjka & cumrada.
Sidoo kale, waxbarasho, caafimaad, hijro, siminnaar ka qaybgal, shaqo,
booqashada saygeeda carruurteeda, waalidkeed, walaalaheed iwm. Waxay shardi uga
dhigeen in nafteeda, maalkeeda, diinteeda iyo sharafkeeda intuba aanay wax soo
gaaraynin. Waxay soo daliishadeen in xaasaska nabiga (scw) markuu geeriyooday
kadib u safreen xajjka lana socdeen rag kale oo ajaanib ka ah iyo dumar
asxaabta ka mid ah oo aammin ah.
Sidoo kale waxay ku
fasireen xadiiska safarka gabadha maxram la’aanta diidin in uu khuseeyo marka
ay jirto khatar xaga amniga ah oo uu Rasuulka (scw) u baqay dumarka oo
xilligaas amnigu aad u liitay.
2- Mad-habka Xanbaliga
iyo Xanfiga wax ay qabaan in aysan gabadha maxram la’aan safri karin. Waxay u
daliishadeen xadiis uu Nabigu (scw) ku yiri: “haweenayda ma safri karto 3
maalin safar qaadanaya in uu maxram la jiro mooyee.”
Marka ay culimada isku
khilaafaan arrin fiqi ah, qofka caadiga ah waxaa u furan in uu raaco ra’yiga
duruuftiisa iyo baahidiisa dabooli kara, inkastoo soomaalidu ay haysato madahka
Shaaficiga ee u oggolaaday dumarka sida aan kor ku soo xusay.
Ugu danbayn, waxaa mahad mudan hoggaanka Sucuudiga
oo horumarin joogta ah ka wada u adeegga arrimaha Xajjka & Cumradda. Waxay
kale oo ku mahadsan yihiin, si gaar ah, go'aankaan wanagsan oo ay ugu
hiilliyeen dumarka Muslimiinta ah oo u hilow-qabay gudashada cumrada iyo
xajjka.
Wallahu aclam, wa billaahi towfiiq.
W/Q:
Nasteexo Axmed Caga cadde