4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Warqad furan “Kiisas xasaasi ah oo u baahan caddaalad”
Qore: Danjire Maxamed Maxamuud Nuur (CAALIM)
Wednesday May 25, 2022


Hooyada Ikraan Tahliil Warsame oo la calool xum dilka loo geystay gabarteeda oo ilaa iyo hadda aanan caddaalad loo helin

 
Warqaddan furan eek u socota madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda federaalka waxaan kaga hadlayaa caqabadihii ugu waa weynaa ee dalka ka dhacay muddadii shanta sano ahayd oo maamulkii Farmaajo uu heystay Villa Somalia.

Mudane madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud anigoo kugu tuhmaya inaad khibrad badan ka heysato muddo xileeedkaagii hore iyo dhacdooyinkii dalka ka dhacay muddadii xukunka aad ka maqnayd waxaa muhiim ah in dhacdooyinka mahadhada ku noqday quluubta shacbiga Soomaaliyeed in loo helo garsoor caddaalad ah.

1-    Dilkii loo geystay sarkaalad Ikraan Tahliil oo lagaga shakisan yahay hay'adda NISA

2-    Is-hortaaggii lagu sameeyay dibadbaxii nabadeed ee gollihii musharrixiinta aad kamidka ahayd

3-    Weerarkii Hotel Maa’idda oo aad ka badbaadeen adiga iyo madaxweyne hore Shariif Axmed

4-    Xanibaadda ganacsatada iyo shacabka magaalada Muqdisho

5-    Miisaaniyadda DFS oo aan la soo celin afartii sano ee u dambeysay

6-    Caga-juglayn joogta ah oo madaxda Soomaalida, dhaqanka iyo siyaasiyiinta lagu hayay

7-    Warbaahinta madaxabannaan oo la beegsanayay

8-    Dilalkii siyaasadaysnaa ee dhacay sida ENG. Yariisoow, Jeneraal Galaal, Xildhibaan Aamina iyo qaraxyo uu kamid yahay kii aadka loogu baaba'ay ee Zoobe

9-    Qashqashaaddii garoonka Aadan Cadde ka jirtay oo gaartay diyaarad duushay in la is-hortaago

10-    Weerarradii loo geystay siyaasiyiintii ka aragtida duwanaa Villa Somalia sida Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Senator Cabdi Qaybdiid

Dhacdooyinkaan iyo kuwa kale oo la xariira waxaa mudane madaxweyne kuugu soo jeedinayaa warqaddan furan in ay muhiim tahay in dowladdaada ay quluubta shacabka ka dhaydo boogaha mahadhada ku reebay oo ay caddaalad helaan dadkaas dambiyada laga galay.

Waxaan ku talinayaa in maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo hay’adaha kale ee garsoor ee awoodda u leh inay baaraan kiisaskaasi iyo kuwa lamidka ah si loo helo isla-xisaabtan.

Madaxweyne Xasan Sheekh, umadda maanta aad madaxwynaha u tahay waxaa ay kaaga fadhiyaan gacan cadaaladeed si dadka Soomaaliyeed ee nidaamka dolwadeed lagu dulmay ay uga bogsadaan wixii gaadhay.

Dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya waxaa asal u ah caddaalad si loo xaqiijiyo ammaanka iyo isku filnaansho uu dalku gaadho.

Danjire Maxamed Maxamuud Nuur (CAALIM)
[email protected]
Wabillaahi Towfiiq


 





Click here