4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Shirweynaha Nabadda ee Haweenka Soomaaliyeed

Aaaldda Zoom
JANUARY 21 2021

©Images from Said Fadhaye

Shirweyne ay ku kulmeen Haween Weynaha Soomaaliyeed oo ka kala socday qeybaha Bulshada, Dalka  Gudihiisa iyo Dibaddiisa oo qabsoomay 21 Janaayo, 2021.

Shirweynaha ayaa lagu soo bandhigay doodo dhaxgal u ah arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan doorka Haweenka  Soomaaliyeed ay ku yeelanyaan geeddi socodka Nabadda, xasiloonida, horumarka iyo Doorashooyinka Dalka.

Nuxurka isku imaadka haweenka somaliyeed ayaa ahaa in arrimaha masiriga ah ee dalka iyo kuwa hadda taagan  intaba ay ka geystaan kaalintooda ku aaddan arrimaha siyaasadda, nabadaynta iyo haweenka.

1. Haweenka Soomaaliyeed waxay u soo jeediyeen Madaxda Dowladda Federaalka, Madaxda Dowlad  Goboleedyada iyo Murashaxiinta in ay danta guud ka hor mariyaan danta gaarka ah iyaga oo si buuxda  u fulinaya masuuliyadii ay u qaadeen dalka iyo dadakaba.Iyaga oo ka fogaanaya waxkasta oo xasilooni  daro dalka u horseedi kara.
 
2. Shirweynaha Haweenku wuxuu si adag u soo jeediyey in is-maandhaafka siyaasadeed lagu xalliyo gogol  wada hadal oo loo dhan yahay, nabadda, xasiloonida iyo wadajirka dalka iyo dadkana la dhawro.

3. Haweenku Soomaaliyeed waxay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada iyo curinta afkaaro iyo habraacyo  loo marayo gaarista xal waara iyaga oo go’aansadey ka qeybgelidda madal kasta oo looga hadlayo  masiirka ummadda Soomaaliyeed.

4. Haweenka Soomaaliyeed waxay xaq u leeyihiin in ay si mug leh u helaan kaalintooda metaladeed sida 

a. In 30% ugu yaraan ka helaan golayaasha dawlada. 
b. Sidoo kale in ay 30% ka helaan wasaaradaha, safaradaha,agaasimayaasha guud 
c. In ay 30% ugu yaraan ku yeeshaan dhamaan hayadaha daawliga ah iyo kuwa madax banaanba. 

5. Shirweynuhu wuxuu go’aamiyey in kulamada Haween weynaha Soomaaliyeed la joogteeyo si dalabka  siyaasadeed ee Haweenka looga mira dhaliyo.

6. Haweenka Soomaaliyeed waxay ku boorinayaan madaxda dalka Doorasho xor iyo xalal ah kuna  salaysan qof iyo cod ah, dastuur damaystiran, maxkamad dastuuri ah, iyo nidaamka xisbiyada badan,  lagana guuro awood qaybsiga qabiileysan ee 4.5 sidii lagu ballamay sanadkii 2016.

7. In la horumariyo dhaqanka daahfurnaanta, isla xisaabtanka iyo kor u qaadista doorka haweenka ay ka  mudan yihiin qorsha horumarinta qaranka ee arrimaha dhaqaalaha, siyaasada iyo bulshada. 

8. In Haweenka Soomaaliyeed yeeshaan Goleyaal ay uga tashadaan xaaaladaha dalka iyo arrimaha u  gaarka ah Haweenka.

9. In la magacaabo guddi u qareema Haweenku kana shaqeeya Midnimadooda iyo Wadatashigooda. 

10. In Haweenku si buuxda uga qeyb qaataan wadaxaajoodyada Dalka.

11. In kor loo qaado wacyi gelinta ku aaddan nabada, xasiloonida iyo kaalinta muga leh ee haweenka  somaliyeed kaga jiraan nabadaynta dalka iyaga oo isticmalaya aalad kasta oo isgaarsiinayd.



 





Click here