5/28/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Ma adduunyo-geddoon baa…?!

Muuse Yuusuf
Tuesday, May 05, 2020


Covid-19 – cadow aan la arki karin


Markey arkaan arrimo lala yaabo oo aan horey loo arag oo argagax ku rida, Soomaalidu waxay badanaaba tiraahda “waa adduunyo-geddoon”waa aakhiru zaman” iwm. Taasoo micnaheedu yahay waa dhamaadkii adduunyada oo waxaa loo socdaa maalintii aakhiro. Taasi ma  ahan arrin u gaar ah Soomaalida oo dadyowga dunida waxay leeyihiin hadal-qabsiyo la mida sida ereyga afka-qalaad ee “Armageddon” taasoo ay ku cabbiraan fajac ama walwal ay ka qabaan arrin cusuboo culus.

Ereyga “adduunyo-geddoon” wuxuu ka kooban labada erey ee “adduunyo” iyo “geddoon” oo lagu macneeyn karo adduunyo geddoontay ama isrogtey, qallibantey isbeddeshay amaba dhamaatay. Waxaaba laga yaabaa in ereygaan uu xiriir la leeyahay ereygii afka-qalaad ee “Armageddon” oo asalkiisa ka soo jeedo luqada  LaatiinkaἉρμαγεδών Harmagedōn, Armagedōn oo isna kasoo jeedo luqada Yahuudda  Hebrew: הר מגידו Har Megiddo waayo labada ereyba waxa ku jira ereyga“geddon.” Sida kitaaabka Towreedka uu  sheegayo “Armageddon” waa goobta uu ka dhici doono dagaalka ugu dambeeyo adduunka oo ay ku dagaallami doonaan ciidamada xaqqa iyo kheyrka iyo  kuwa baadilka ah ee Sheytaanku hogaaminaya. Dagaalkaas oo ah kan ugu dambeeyo ka hor maalinta qiyaamada. Armageddon waxay ku taala dalka Israaiil.

Adduunyada casriga waxaa jira in la sameeyey filimo lagu matalaayo dhamaadka adduunka sida filimkii Armageddon oo ay matalayeen jiliyaasha uu ka mid yahay Ben Afleck. Filimku wuxuu ku saabsanaa sidii adduunka ama dhulka aan ku nool nahay looga difaaci lahaa dhul kale (asteroid) oo samada laga soo gamay si toos ahna ugu soo abbaaran dunideena sii uu u burburiyo. Waxaa kaloo jira filimo badan oon halkaan lagu soo koobi karin, kuwaasoo lagu saadaalinaayo sida uu noqon doono dhamaadka adduunka.

Waxaa kaloo dhab ah in diimaha waaweyn ee samaawiga sida Kirishtiyaaanka, Islaamka iyo Yuhuudu ay ku ballan qaadeen iney addunyadu dhammaan doonto, kaddibna la tegi doono maalinta aakhiro ee xisaabtanka. Waxaana waajib ku ah dadka rumeysan diimahaas iney rumeeyaan arrintaas. 

Hordhacaan hore waxaa uga dan  leeyahay inaan ku cabbiro dareenka aay dad badani ka qabaan cudurka Covid-19 iyo saameynta uu ku yeeshey noloshooda. Markii aay ka hadlayaan cudurkaa iyo saameynta uu ku yeeshey dunidan waxay   leeyihiin waa “aakhiro zaman” waa “adduunyo-geddoon.” Oo waxebay is-barbardhigayaan halista cudurka iyo dhamaadka dunida. Waxay la yaabsan yihiin in baandoow lagu soo rogo magaalooyinkii adduunka ugu waaweynaa sida New York oonba laga seexan jirin, dadkana lagu amray iney joogaan guryahooda. Taasoo ay ka sii daran tahay in cadawgan duullimaad ah  uusan aheyn mid la arki karo amaba la taaban karo.

Qarniyadii hore, waxaa soo marey shucuubta dunida xaaladooyin kala duwan oo ku reebey amakaag, layaab, argagax, fajac ama farxad, rajo iyo himilo  taasoo ku kalliftey ineey yiraahdan waa “addunyo-geddoonkii” la sheegayay. Xaaladahaas waxaa ka mid ah horumarka dhinaca technolojiyada, sayniska, is-beddellada bulsho-siyaasad, dhaqaale, dagaallo, cudurro, abaaro, duufaanno iwm. Haddii aan mitaal ahaan u soo qaadanno soo saaridii telefoonka iyo raadiyaha oo u sahlay laba qof oo kala jooga laba qaaradood iney kuwada hadlaan ama ay isdhaafsadaan akhbaar. Waxaa xaqiiqo in dadkii waqtigaas joogey ay is-yiraahdeen waa adduunyo-geddoonkii la sheegayey, maantana ma   bir (telefoon, raadiyo) miyaa hadlaaya?!!

Dagaalladii 1aad iyo 2aad ee lagu hoobtay, hergebkii Isbaanishka (Spanish flu), u duulidii dayaxa, isticmaalkii iyo ku garaacidii bambada attoomikada ee  magaalooyinkii Hiroshima iyo Negazaki  waxay dhamaantood ahaayeen dhacdooyin waaweyn oo ku reebey fajac iyo wareer dadkii waqtigaas noolaay. Waxaana hubaal ah iney is-weydiiyeen toloo ma adduunyo-geddonkiibaa!

Taasi waxaa sii dheeer cilmiga dhalmada oo fududeeyey ku abuurida ilmaha tubooyin dibadda ka ah riximka ama uurka hooyada, iyo sidoo kale soo saaridda Kombiyuutarka (PC) oo nolosheena casriga wax weyn ka baddalay kuna soo kordhiyey.

Cimrigeyga waxaan goobjoog u ahaa waqtiyo ay dadka qaarkiis  yiraahdeen waa adduunyo-geddoonkii. Waabaan waxaan joogey tuulo, anigoo cunug yar ah laakiin wax garad ah. Waxaan dhageysanaayey sheeko majaajillo ah oo dadku aad u quslayeen. Waxaa dhacday in nin ka yimid magaalada uu hoos ku soo qarsaday NAASTRO (tape-recorder) kaddibna uu duubey sheekadii. Saacado kaddib ayuu ninkii ku furay NAASTARAHII goob fagaara ah oo dadkii wada joogaan. Iyagoo la yaaban iney maqlaan codadkoodi laga duubey, ayey dadkii halmar wada ashahaateen ooy yiraahdeen waa “adduunyo-geddoon” ma bir baa duubtey sheekadeeni!! Tuulada markaas ayaa ugu horreeysay NAASTARO oo horey uma maqal umana arag.

Tan labaad waxay aheyd markii aan dhiganayey dugsiyada hoose-dhexe iyo doodihii ku saabsaneyd ku abuuridda ilmaha meel ka baxsan uurka hooyada. Taasoo dhalisey in ardaydu la fajaceen arrintaan waayo waxay aaminsanaayeen in Ilaahey oo keliya uu ku abuuri karo ilmaha uurka hooyadood. Dhamaan ardadii waxay yiraahdeen waa “adduunyo-geddoon” ma banii-aadam ayaa maantana ku abuurey ilmo meel ka baxsan uurka hooyadood?!  

Jawaabta su’aasha maqaalka waa: ma ahan addunyo-geddoon ama adduunyo dhamaatey cudurka Covid-19 dartiis .Maxaa yeeley inkastoo banii’aadamku ku hadaaqayeen waa “adduunyo-geddoon” mar alla markii ay arkaan arrin ka yaabiso, adduunku ma dhamaan ee waa sii socdey. Laakiin waxaa xaqiiqo ah in jiilashii iyo facyadii noolaa qarniyadaas  uu waqtigoodi ama adduunkoodii dhamaadey. Ama haddii aan si kale u dhigo waxaa “geddoomey, dhamaadey, isbeddeley ama qallibmey adduunkii aay ku noolaayeen waagaas” ee adduunyadu horey bey u sii socotey. Waxaana cad in isbedelladaas cusub ay horseedeen horumar dhinaca technoloojiyada, siyaasada, dhaqaale, bulsho iwm. amaba ay horseedeem dib-u-dhac,halaag iyo dhibaatooyin badan.  

Adduuyadu ma geddooomin cudurka Covid-19 dartiisa ee waxaa biloowdey adduunyo cusub ee haloo diyaar garoobo.

Muuse Yuusuf
[email protected]



 
Click here