9/19/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Ads By Google
Damaca Itoobiya ee Xeebaha Soomaaliyeed

“A Nation without a past history is like a person without memory: A victim of amnesia who is lost remembrance of things past is incapable of acting in the present or planning for the future.”

Qoraalkii: Ali Y Issa,
Thursday, July 5, 2018

Hadii taariikhda soo jireenka ah ayannu dib u milicsan weyno mida inagu soo food leh (mustaqbalka) kama talin karno. Xasaradda Geeska Afrika waxay salka ku haysa damaca iyo isblaadhinta ay dawaladihii Xabashidu (Abassyinia) ku hayeen dhulka iyo xeebaha Soomaaliyeed. Ilaa qarnigii 15aad,  waxa hardan hubaysan iyo mid diblomaasiyeed ka dhex ooganaa Qoomiyadah Xabashida (Amxaarada & Tigray) oo dhinac ah iyo ummadda Soomaaliyeed.  Dagaaladdii uu hogaaminayay Imam Axmed Gurey iyo boqoraddii Xabashida ee qarnigii 15aad waxay ahayaeen kuwa salka ku haya damaca Xabashida ee dhulka iyo xeebaha Soomaaliyeed. Dagaaladdaas oo lagu qab-jabiyey Xabashida, waxa ku gacan sareeyay xogagaii  Soomaaliyeed oo gudaha u galy dhulka Axmaarada iyo Tigreega. Sidii caadada u ahayad Xabashidu waxay u qeylo dhaansateen xoogagii reer Yurub ee kirstaanka aha. Waxaana u soo gurmaday ciidamo Burtiqiisi ah oo ku hubeysan hub casri ah. Inkastoo ciidamadii Soomaaliyeed la jabiyay, haddana dhulkoodii iyo xeebahoogii wey adkeysteen. Waqtigaas wixii ka dambeyay, Xabashidu wey quusteen, waxaayse soo laba kacaleeyen waqtigii gumeystihii reer Yurub Afrika qeybsanayeen. 

Intii ka dambeysay 1869kii, markii la furay biyo mareenka Suweys Kanal, waxa sii kordhay qiimaha “geo-stretagy” ee cariga Soomaaliyeed oo yeeshay ahmiyad balaadhan oo dhaqaale iyo mid ciidan, wuxuuna  noqtay mid isku xidha Badda Cas iyo Badweynta Hindia. Dawaladdihii guumeystayaasha reer Yurub, Ingriis, Fransiis iyo Talyaani ayaa tartan u galay sidii ay u qabsan lahaayeen xeebaha iyo dhulka Soomaaliyeed. Boqorkii Xabashida, Minilik ayaa isagoo adeegsanaya magaca kirstaanka, wuxuu ka codsaday in ay u sugaan “dhulkiisa iyo xeebihiisa” ay Muslimintu ka qabsadeen. Waxaan halkan idin la wadaagaya warqaddihii ay boqorada Xabashidu u qoreen guumeystayaashi reer Yurub oo ay ku beer-laxwsanyeen magica Kiristaaniga.

Waraqad uu Minilik u qoray reer Yurub 1878, wuxuu ku bilaabay sidatan, “ inkastoo dalkaygu masaafo ahaan idinka fog yahay, waxaan ahay kiristan idinkoo kale ah. ( I am a Christian like you are) Jidka aan xeebaha Saylac, Tajuura iyo Cadan aan u mari lahaa waxa igaga gudboon Muslimiin. Waxaay iga hor joogsadeen in aan la soo dago hub, agabka beraha, iyo daacinta diinta kiristaanka ah (messangers of Gospel). Fadalan si naxariis leh codkiina xooga-weyn kor igu dhiga si aad jidkaas la igu furo,  …..will you kindly raise your powerful voice in order that I may have this way opened to me”. 

 Waxa isna qoraal kale u qoray boqorakii Ingriiska George III 1827 boqor Yohanis o Tigre ah. Wuxuuna ka dalbanayay  in la siiyo hub casri ah si uu ugu qabsado xeebaha Soomaaliyeed. Warqadaasi sidan ayey u dhignayad:  “Waxaan doonayaa in Miswac kala wreegtaan Turkiga, kadibna idinku hayastaan  ama anaga nagu soo wereejiyasan maadaama ay tahay mid anaga nalaga dhacay hadda ka hor .. iyo dhulka kale Muslimiinta Badda Cas”.  

Markii Gumeystihii Yurub qabsadeen xeebihii iyo dhulkii Geeska Afrika, Menelikna ku hungoobay qabsashada dakedaha Soomaaliyeed,  ayuu waraqad cadho ah u diray xoogagii reer Yurub: “ (I am about to die from anger… )  Waxaan u dhimanayaa cadho, waayo wax cusub inaan la soo dego ma awodo, maadaama maxbuus aan ahay. Waxaan ahay qof la iska hortaagay in dalkiisa keensado hub, madaafiic iyo kaniisado. Waxan ahay jasiiradda kiristaan ah oo ay Muslimiini ku xeereen.     (A chiristan island surrounded by Muslims.)” 

Warqada kale oo uu u qoray xoogagii reer Yurub, wuxuu ku sheegay,  “ waxaan rajeenayay taajkayga ku xardhan lanqeyrta kiristanka (CROSS) inaysan ku tuman caruurta Muxamed (saw).( …never be trampled to the ground by children of Mohammed;) Haddii aad tihiin badbaadiyaasha kiristaanka waa manta maalintaad  caddeyan lahydeen.” 

Menilik iyo mar kale. Sanadku Waa 1891.  Waa warqad caan ah oo furan oo uu Menilik u qoray dawladihii Yurub ee Ingriiska, Fransiiska, Ruushka, Jarmalka, Ruusia iyo Talyaaniga:

”Hadda ka hor soohdintaydu waxaay ahaan jirtay ilaa Badda…  waxaayna gacanta ugu dhacday xoogaga Musliminta. Kuma talo jirno in aan xoog ku soo ceshano soohdinta badayada laakiin waxaan ku kalsoonahay xoogaga Kirstaanka ahi in ay noo soo celin doonaan xeebahayaga…  Haddii Yurub ay qabsanayso Afrika, Aniguna noqon mayo daawade, gacmaha laabta. (if Euruope came forward to partition Africa, I will not be a spectator).

1878 Yurub waxaay ogolaadeen in Abyssinia laga qaado cuno qabateynta hubka ee Afrika saran. Taasina waxay suurta galisay in hub tiro badan ka heleen reer Yurub, meesha Soomaalida loo diiday inay  hub kala soo degaan xeebahooga. Hubkaas lagu daldalay waxaay ku qabsadeen 1887kii magaaladda qadiimka ah ee Harar iyo dhul baaxad weyan oo Soomaaliyeed (Somali Galbeed) oo ilaa manta ku jira gacanta Itoobiya.

 Dagaalkii labaad ka, bacadi Itoobiya waxaay ku dhacaday mar kale daked iyo bad la’aan. (landlocked).  Damacii Itoobiya waxa halkii ka sii ambaqaaday Haile Silaase oo dadaal badan u galay sidii ay u heli lahayeen dhulka iyo xeebaha Soomaaliyeed. Bal aannu fiirino Haile Sallasie iyo warqadahii uu isna u dirayay Reer Yurub si uu u helo xeebaha Soomaaliyeed. Markani waa 1948.  Haile Silaase wuxuu warqad (MoU) u diray Qaramada Midoobay (U.N.): waxayna u qornayad sidanatan:  “Intii Yurub aysan qabsan Afrika, Itoobiya waxay ka koobnayad dhul ballaaran oo ku dhararsan xeebaha Badda Cas ilaa Xeebta Badweynta Hindia. 15kii sanno ee ugu dambeyay qarnigii ugu dambeyay ayeey Itoobiya weyday badheeda Eritiria iyo Soomaaliya.”   Bal beenta intaas leg fiiriya. Goormay Abassyinia yeelatay dhulka iyo badda uu sheeganayo.   Haile Silasse wuxuu socodaal ku kala bixiyay Yurub, Marykan iyo Asia si uu u beentaas uga dhaadhiciyo. Warqaddo ay ku daadiyeen diyaaradaha Ciidanka Ingriiska (British royal air force) Banaadir, markii uu Haile Silaase dib ugu soo guryo noqtay Itoobiya,  waxaay u qornaayeen sidatan:,                        

“DADWEYNAHA REER BANAADIR IYO REER ERITIYAOW!                     

Waxaad ka go’naydeen dhulkiinii hooyo, waxaana idiin saarnaa heeriyaddii guumeysiga Talyaaniga. Waxxan gaadhay in aan hanto xoriyadda dalkeyga oo Eretriya iyo Banaadir ay ku mid yihiin,  wixii hadda ka dambeya waxaad hadhsan doona clanaka Itoobiya!! Halganka keli kuma nihin waxa garabkeena jooga Ingriis.”

 25kii Agust 1956 Haile Silaase ooka hadalyey Qabri-dahar; wuxuu sheegay: in dadweynaha Soomaaliyeed ay ka mid yihiin bahweynta Itoobiya, hadaladiisiina waxa ka mid ahaa:, “waxaan ku kalsoonahay in ay xasuusan doonaan midnimadu in ay xoog tahay sida Eriteriyaba u garwasatay, warka la isla dhex marayo ee Soomaali-weynta waxba kama jiraan. Waxaan u arkaa dhammaan dadka Soomaaaliyeed in ay dhaqaalo ahaan ku xidhan yihiin Itoobiya. Sidaas awgeed, u malyan mayo in dal noocaas ahi uu qiimo yeelan karo, kelina istaagi karo.”

1967 Haile Silaase wuxuu Baaris kula kulamay Madaxweynihii Fransiiska De Gualle. War uu siiyay saxaafada kulankaas ka bacadi,  wuxuu yidhi;  “De Gualle waxaan u sheegay inuu Fransiisku sii haysto Jibuuti, haddii ay noqoto in uu ka kacayo waxaan ka codsaday in uu ku wareejiyo Itoobiya, maadaama hadda ka hor ay ahayad dhul anaga naga tirsana.”  Waa markaas marka magaca French Somali Coast oo loo yiqiinay Jibuuti lagu bedalay “Afar and Issa territory.” Waftdi uu hogaaminayo Maxamed Ibraahim Cigaal ayaa May 1959kii Haile Silaase kula kulmay Addis baba. Waxaay kala hadleen sidii dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya haysato loo soo raacin lahaa Jamuhuuriyadda Somaliya ee dhalan doonta. Wuxuu ugu jawaabay, sidan: “waxa ila quman in aad ku soo biirtaan bahweynta Itoobiya, calankiinu waa kan kor kiina sudhan, boqorkiinu waa aniga. Waxaad tihii qabaailo Itoobiya ka tirsan.”   

Ilaa intii ay Soomaaliya xoroday, Itoobiya hagardaamo ayey ku haysay Jamhuuriyaddii Somaliya. 1964 kii dawaladdii Somaliya oo tabar daran ayey Itoobiya oo xoog ahi weerar ku soo qaaday. Somalidu si wadaniyad leh ayey isaga caabiyeen una diideen in ay taako ka tirsan dhulkooga la qabsato. Markii Soomaaliya ay burburtay, Itoobiya waxaay ka faa’iideysday jahwareerkii iyo dagaaladdii ehalka. Maamuladdu (amisitration) wey isbadalaan, laakiin danaha amni (national security interest) ee qaran isma badalo. Meles oo xukunka Itoobiya xoog ku qabsaday halkii ayuu ka amba-qaaday damicii kuwii ka horeyay. wuxuu ku hamiyay in geeska Afrika ay qoomiyadda Tigreegu ku amar-taaglyeeyaan.  Wuxuu arkay Soomaali oo da’gan. Wuxuu arkay Soomaali oo dagaal sokeeye daashaday. Wuxuuna arkay fursad uu Soomaali ku qabsan karo. 2006kii ayuu dagaal xoogan ku soo qaaday Somaliya oo tamar daran oo burbursan. Inkasta oo ay Banaadir (Xamar) qabsadeen, haddana Soomaalidu waxaay kaga hortageen dagaal qadhadh oo ay farah kaga gubteen. Markii ay u babbac- dhigi waayeen dagaalyanadii Soomaaliyeed maalin cad ayey Itoobiya Ciidankeedii kala baxaday Somaliya. Meles wuxuu ku cataabayey waxa khatar nagu haya “jihadists, Islamist” doonaya dalka “Kiristaanka” ah ee Ortodhaksiga Itoobiya inay burburiyaan. Hadaladdasi waxaay shabahahan kuwii boqoraddii isga ka horeyay ay ku beer-laxwasan jireen reer Yurub. Waxay adduunka reer Galbeedka ka wadaan olole ay ku fahansiinayan inay Itoobiya u baahan tahay xeeb (dekad). Mar ay Kaaliyhii Xogahayaha Arrimaha Dibedda ee Marykanka, Janaday Frazer ka hadashay xeebaha geeska Afrika, waxay tiri, “ in Itoobiya oo boqol million ahi ay bad laa’aan noqtaan, xeebihii geeska Afrikana ay dadyow tiro yari ay haystaan maaquul ma ah.”.

Damacii Xeebaha Soomaaliyeed waa halkisii. Manta Itoobiya dhaqaale, ciidan iyo tiro dad way xoog, halka Soomaali ay manta dhinc walba ay u liidato. Dhawaaqan uu dhawaanta Raisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ku dhawaaqay in ay afar dekadood oo Soomaaliyeed ay maal gashan doonaan iyo in Soomaaliya iyo Itoobiya hal dal noqon doonaan, waxay daba socotaa damcii Itoobiya ee soo taxnaa ilaa boqor Menilik ee aannu ka soo hadalnay. Waxaannu ogsoon nahay in Itoobiya ay wali haysato dhul Soomaaliyeed (Somali Galbeed), haddaba Itoobiya haddii ay doonayaso in la isku biro marka hore dadka Soomaaliyeed ha u ogolaadaan aayo- katalin. (self-determination). Markaas ayaan garan karnaa in ay daacad ka tahay in la iskaashado oo la is dhexgalo. Waxaad mooda Itoobiya wixii ay boqol sano xoog iyo xeelad ku weyday in hadda si sahalan ula wareegayso xeebihii Soomaaliyeed. Sababtuna waaxa kale ma’ah. Soomaali manta wey kala daadsan tahay, qabaalio iyo gobalo ayaa loo kala fadhiya. Soomaalidu waxay tirahdaa, “waraabe is cunaya cadow iskma celiyo.” Soomaalidu haddii aysan u midoobin khatarda ka soo socota damac Itoobiya waxaynu si sahlan ugu dhic doona  shabaqa Itoobiya. 


 Ali Y Issa,
[email protected]


advertisements
 
Click here