7/18/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Doorashada Sweden iyo khatarta qaxootiga ku soo fool leh

Mohammed Ahmad Barkhad (Khadar)
Monday, July 2, 2018

Dalka Sweden waxa bisha Semtember haddii ilaahay yidhaa ka dhici doonta doorasho. Haddaba aniga oo Sweden deggen muddo 30 sano ah, kana tirsan xisbiga Socialdemokraterna (Social Democrats), waxan jeclahay in aan ummadda soomaaliyeed ee deggen Sweden uga waramo xaalado khatar ku ah mustaqbalkooda oo ka dhalan kara natiijada doorashada soo socota.

Sweden waxa ka jira afar xisbi oo ilaaliya danaha maalqabeenka oo kala ah, Moderaterna, Center, Kristdemokraterna iyo Liberalerna. Afartan xisbi waxay taariikh ahaan ka soo jeedaan maalqabeenadii, beeralaydii waawaynayd iyo baadariyaashii hore, kuwaas oo danyarta u shaqaysa gumaysan jiray. Ilaa immikana siyaasaddoodu waa in maalqabeenada cashuurta laga dhimo, shaqaalahana aan loo kordhin mushaharka.

Dalka Sweden oo danyartu ay aad ugu dulman yihiin ayaa sannadkii 1889 waxa la aasaasay xisbiga Socialdemokraterna. Intii aanu xisbigani ku soo biirin saaxadda siyaasadda lama ogolayn in uu codeeyo qof danyar ahi, dumarkana looma ogolayn in ay codeeyaan. Xisbigani wuxu baabiiyay takoorkaa codbixinta, waxana dumarka loo ogolaaday in ay codeeyaan 1921. Xisbigani wuxu inta badan hayay talada dalka intii u dhaxaysay 1914 ilaa maanta oo uu talada dalka hayo. Xisbigani wuxu dhisay hal milyan oo guri oo dawladdu maalgalisay intii u dhaxaysay 1960-1970, si dadka danyarta ahi ay u helaan guryo casri ah oo qiimo jaban lagu gali karo. Xisbigani wuxu bilaash ka dhigay caafimaadka iyo waxbarashada ilaa heerka jaamacadda. Wuxu lacag u qoray carruurta, qofka xanuunsanaya iyo hooyada.

Waxa jira oo kale xisbiga “Bidixda” (Vänsterpartiet) oo la aasaasay markii shuuciyaddu soo baxday iyo xisbiga ilaalinta degaanka (Miljöpartiet). Waa xisbiyo  yaryar oo taageeraa Socialdemokraterna. Ugu dambayntii waxa jira xisbiga cunsuriyiinta oo sii xoogaysanaya, kaasoo helay doorashadii hore 13% immikana la filayo inuu helo in ka badan 20%.

Xisbiyada maalqabeenku waxa ay qorshaynayaan in ay la shaqeeyaan xisbiga cunsuriyiinta si ay talada dalka ula wareegaan maadaama ay markaa helayaan aqlabiyadda golaha wakiilada. Maxaa dhici doona markaa? Waxa la joojin doonaa dhammaan qaxootiga soo gala dalka. Waxa la adkayn doonaa qaadashada dhalashada oo lagu xidhi doono in uu qofku shaqo rasmiya haysto, oo uu afka dalka si fiican ugu hadli karo, iyo waliba in uu yaqaano taariikhda dalka. Waxa la mabnuuci doonaa xidhashada xijaabka ee dugsiyada, jaamacadaha iyo goobaha shaqada. Waxa la xidhi doonaa masaajiddada iyadoo marmarsiiyo looga dhigi doono in ay ku tukadaan dad argagixisada taageersan. Waxa uu xisbiga cunsuriyiintu rabaa in carruurta laga qaado waalidiinta diinta islaamka sida fiican u haysta maadaama bay yidhaahdeen carruurtoodu ay noqon karaan argagixo marka ay waynaadaan. Xisbigaasi wuxu bartilmaameed ka dhigtay muslimiinta iyo dadka madaw iyagoo oo odhaya waxa ay mustaqbalka dheer ka beddeli doonaan dalka Sweden midabka cad iyo diinta kiristaanka.

Iyadoo waxaas oo dhan ay jiraan ayay nasiibdarro dad soomaali ahi u sharaxan yihiin xisbiyada maalqabeenka ee raba in ay la shaqeeyaan xisbiga cunsuriyiinta. Walaalka soomaaliyeed waxa la gudboon in uu danta carruurtiisa ka fikiro oo aanu u codayn qof ay isku qabiil uun yihiin oo mustaqbalka carruurteena baabiinaya. Waxa kale oo nasiibdarro ah in soomaali badani aanay codaynba. Ogow haddii aad codayn waydo waxa aad fursad siinaysaa in cunsuriyiintu dalka qabsadaan.

Xisbiga Socialdemokraterna waxa uu 20 sano ka hor heli jiray 40 % ilaa 50% doorashada baarlamaanka. Doorashadii ugu dambaysayna 2014 waxa uu helay 31 %. Saadaasha doorashada soo socotaana waxay tilmaamaysaa inuu heli doono ugu badnaan 25 %. Sababta xisbigani uu hoos ugu dhacay waxa weeyi difaaca iyo ilaalinta qaxootiga, taas oo keentay in dad badan oo iswidhish ahi ay ka guuraan. Waxase nasiibdarro ah abaal la´aanta qaxootiga oo aan gudin abaalka uu xisbigu u galay. Waxan ku boorinayaa dadka soomaaliyeed ee deggen Sweden in ay u codeeyaan xisbiga Socialdemokraterna oo ah xisbiga keli ah ee ka hortagi kara khatartaa ku soo socota mustaqbalkeena.

Anigu waxan u sharaxanahay golaha degaanka magaalada Örebro iyo golaha gobolka Örebro. Waxa aan ilaa 2010-kii ka mid ahay guddiga siyaasiyiinta ah ee maamula dhismayaasha dugsiyada iyo xannaanada carruurta ee degmada Örebro. Muddadii aan ku jiray guddigan waxa aan ogaaday in ay dimuqraadiyaddu tahay “Ninkii aan hadal hooyadiina qadisay”. Sidaa daraadeed soomaaliyeey waa in aad codaysaan oo aad xuquuqdiina ku ilaashataan codkiina. U codee xisbigaa danyarta iyo qaxootiga difaacaya. Anigana ii codee insha allah si aan u ilaaliyo xuquuqda iyo sharafta soomaalida deggen gobolka Örebro.


Mohammed Ahmad Barkhad (Khadar)
Xisaabiye sare & siyaasi (Senior accountant & politician)
Örebro, SWEDEN
[email protected]


 
Click here