12/11/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Sida Haybta Qabiilku Uga Saramartay Haybta Siyaasadeed ee Soomaalida
Sabti, Janaayo, 06, 2018
By Liibaan Axmad



Qabiil iyo qabyaalad waa laba erey oo siyaasiyiin badani  rumeysan yihiin in macne ahaan la isku beddelan karo. Kan hore waa dad isku oday ku abtirsada  – ha noqdo mid dhab ah ama mid male-awaal ku salaysan. Qabyaaladdu waa u adeegsiga awoodda siyaasadeed si sharci-darro ah si xaqa qof ama dad loo duudsiiyo ama si qof loogu eexdo siyaasad ama dhaqaale ahaan. Dadka qabiilka ka tirsani wax  may ka wada dheefaan qabyaaladda hase ahaatee badankood iyaga oo aan is ogayn way suurtowdaa inay adeegsiga qabyaalad taageeraan. Maxaa ku qasba qofka inuu taageero adeegsiga qabyaalad uu  dhibbane u yahay?

Qof taageeraya adeegsiga qabyaalad waxa wada waa ku dhaadashada abtirsiinyo. Tani waxay keentaa in qofku illoobo habka awoodda siyaasadeed u qaabaysan tahay iyo sida ay u shaqayso: in yar uun baa talisa (elite) oo adeegsata halkudhigyo dhaqameed iyo tabashooyin siyaasadeed (political grievances) si ay u gaaraan ujeeddooyin siyaasadeed iyaga oo aan lala xisaabtamaynin. Hab-dhaqankan siyaasadeed wuxuu gaar u yahay siyaasiyiinta ka dhalatay qabiillada waaweyn oo ku loollamayay siyaasadda Soomaalida tan iyo markii Soomaalidu  heshay madaxbannaani siyaasadeed. Waa mid ka mid ah sababaha loola xisaabtami la' yahay raggii gaboodfalka siyaasadeed Soomaaliya ka geystay  ilaa 1960kii.

Aqoonyahannada Soomaaliyeed badankood waxay qaateen dooddii I. M. Lewis oo ah: Soomaalidu weligeed bay sidan isu dili jirtay oo waa wax dhiiggeeda iyo lafaheeda ku jira. Billowgii sagaashanaadkii, intii Soomaalida dhulka hooyo ku nool la rafanaysay ka soo kabashada burburkii dowladda ( state ), aqoonyahannada qurbejoogta ihi badankood waxay sii soofeynayeen heybta qabiil iyagoo aan ogayn inay dhidibbada u sii adkeynayeen dooddii Lewis oo aqoontiisa dhaqanka Soomaalidu korodhay intii uu cilmibaarista ka waday dhulkii Biritishku gumeysan jiray ka hor Juun 1960kii.

Heybta siyaasadeed waxay ku  dhisan tahay magaca Soomaali.  Heybta qabiil waxay ku dhisan tahay tol. Murugsanaanta siyaasaddeenu waxay qeyb ahaan salka ku haysaa kala saarid li'ida ku dhaadashada heybta qabiilka iyo xilka ay heybta siyaasadeed dusha naga saartay oo ah ka jeefignaanta in awoodda siyaasadeed, oo ku salaynsan is-oggolaanshaheenna loo adeegsado dhibaateynta qof ama qabiil Soomaaliyeed. Markii Soomaaliya noqotay dal madaxbannaan hoggaamiyeyaashii dhaqdhaqaaqyadii gobanimadoonku may ku talinin in oday dhaqameedku noqdo kan mudan in loo hoggaansamo (loyalty) iyo in heybta qabiil kala sarraysiiso dadka qaatay heybta siyaasadeed ku salaysan Soomaalinimo. Waxaan rumeysnahay  heshiiskaas ku salaysan Soomaalinimadu inuu si tallaabo-tallaabo ah u burburayay. Maanta waxaannu taagannahay heer ugu yaraan 40% dadka Soomaaliyeed aysan lahayn  xaq siyaasadeed ah waayo waxay u dhasheen qabiil laga tiro-badan yahay oo may laha  maamul federaal ah. Boqollaydu intaas way ka sii badanaysaa marka la tixgeliyo  in Soomaaliga ka tirsan xubin maamul federaal uu ku noqon karo gobol kale qof ka mid ah qabiil meesha uu joogo hadda aan degin.

Soomaalida xuquuqda leh waxay ku nool yihiin deegaammo uu qabiilkoodu sheegto. Waa qabiillada laga tiro-badan yahay kuwa ku dulman awood-qeybsiga siyaasadeed. Siyaasiyiinta qabiillada waaaweyni  waa kuwa iska kaashada dhibaataynta qaabillada loo yaqaan Beesha Shanaad.

Maxay ku kula duwan tahay caddaalad-darrada loo geystay labo qof: mid lagu dilay ama lagu dhaawacay ama lagu dhacay inuusan degmo u dhalanin ama inuu qabiil laga tiro-badan yahay u dhashay?  Marka dambi qof Soomaaliga laga galay la eegayo ma haybta qabiil ee dhibbanaha ayaa la eegayaa mise dambiga? Miyaa xoogga saareynaa la xisaabtanka qabiil mise qofka wax laga tirsanayo? Waa su'aalo aloosi kara doodo ku saabsan sida Soomaalidu  u fahamsan tahay macnaha ereygga caddaalad.

Waxaa dhacda qofka wax tirsanaya inuu marinkeeda ka leexiyo caddaaladda waayo wuxuu doonayaa in heybta qabiilka iyo heybta siyaasadeed ay sal u wada noqdaan sharciga la adeegsanayo marka wax laga duudsiiyay loo soo celinayo ama qof gaboodfal geystay lala xisaabtamayo. Heybta siyaasadeed may oggolaanayso in eed la saaro qabiil. Sidoo kale heybta siyaasadeed may u bannaynayso qof inuu ku edeegto heybta qabiil markuu wax tirsanayo. Qabyaaladda, oo aan shaqayn karin ku tiirsanaan la'aanta heyb qabiil, may aha mid dhaqanka miyiga ka soo jeedda. Qabyaalladu waa ifafaale casri ah oo ka soo horjeedda casrinimada (modernity) oo sal u ah heybta siyaasadeed ee Soomaalida. Dowlad iyo qarannimo waxay ka mid yihiin tilmaamaha casrinimada.

Caddaalad-darrada ugu ba'ani waxay ka jirtaa qabiil kasta dhexdiisa. Kuwa siyaasadda ku adeegta may u arkaan dan heybta siyaasadeed inay sarreyso waayo ismaandhaafka ku salaysan heybta qabiil waa shidaalka socodsiiya barnaamijyadooda siyaasadeed. Heybta qabiil iyo isla xisaabtan la'aanta siyaasadeed way isku sidkan yihiin. Dabaqadda siyaasadda ee Soomaalidu may aha dabaqad haysata ama leh kalsooni iyo isku kalsoonaan la mid ah kuwii   ficii ugu horreeyay siyaasadda Soomaalida ay lahaayeen kaddib midowgii labadii gobol oo ay Talyaaniga iyo Biritayn kala maamuli jireen ka hor 1dii Luulyo 1960kii.

Maalin kasta way noo sii caddaanaysaa in isku dhafka heybta siyaasadeed iyo heybta qabiil (hybrid)  uu sii murjiyo siyaasadda Soomaalida. Heybta qabiil way ka awood-badan tahay heybta siyaasadeed. Waa sababta Soomaalidu u unki kari la'dahay  hey'ado siyaasadeed sees adag leh oo ku salaysan heyb siyaasadeed heer qaran.

Liibaan Axmad

[email protected]


 
Click here