4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Dagaalada Diinta iyo Siyaasadda Soomaaliya
fiogf49gjkf0d

Qore: C/xakiim Macalim
Thursday, July 16, 2009

Waxaa argagax iyo amakaak ku noqotay shacabka Soomaaliyeed ee dulman mudo dheer, dagaalada ka socda Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka socda maagaalada Muqdisho oo ay ku barakaceen shacabka dagan marlabaad bixitaanaakii ciidamada Itoobiyaanka ka dib.
 
Sidoo kale waxaa nasiib daro ah 20 sano ku dhawaad in Soomaaliya aynan laheen dowlad dhexe. Iyadoo loo dabaaldagay 49 guuradii ka soo wareegatay markii wadanku uu ka xoroobay gumaystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga bishan aan ku jirno ee Julay taas oo ku beegneed 1dii Luulyo.  Soomaaliya oo ah wadan aan daganeyn, burbur badana ka ku dhacay haday ahaan lahayd dhinacyada siyaasada, dhaqaalaha, dhaqanka  iyo diinta.  Waxaa wadanka baryahayn dambe ragaadiyay oo xaalada sii cakiray dagaalada diinta iyo siyaasada ee ka socda gudaha Soomaaliya.
 
Hadaba qormadan waxaan ku eegi doonaa xaalada wadanka halka ay mareeyso waqtigan la joogo anigoo ka eegaya dhinacyadan kala ah: nabadgalyada, siyaasada iyo diinta si kooban.
 
Kow: Nabadgalyada
 
Daagaalo aan la garaneyn ujeedada ka dambeeysa ayaa ka socda gudaha Soomaaliya kaas oo isugu jira dagaal diineed iyo mid siyaasadeed.  Dagaalkaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac. Waxaa lagaran layahay dagaalada iyo hardanka  ka socota koonfurta Soomaaliya  gaar ahaan kuwa ka socda magaalada Muqdisho oo marba marka ka dambeeysa weji cusub la soo baxa ujeedooyinka ka dambeeysa dagaaladaas iyo hurineysaba iyo danaha ay ka leeyihiin ay noqotay mid ujeedo badan ah. 
 
Waxaa isweydiin mudan maxaa nabad iyo kaladambeeyn marnaba loogu diiday caasimada Soomaaliya ee Muqdishu,  Maxay tahay danaha iyo ujeedooyinka ay ka leeyihiin Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho.  Dadka dagaalada ka wada koonfurta Soomaaliya iyo Muqdishu oo sida la rumeysan yahay isugu jira dad Soomaali ah, dowlado shiyeeye, ururo shisheeye iyo shaqsiyaad kale. 
Waxaan la qiyaasi Karin ujeedada isu keentay intaas oo hayadood iyo danta intaas la eg oo ay ka leeyihiin Soomaaliya.  Waxaa shakikaasna keenay umadaha burburay ama dagaalada sokeeye diloodeen caalamku wuu garab istaagaa waxna u dhisaa sida loo garab istaagay Lubnaan, Gongo, Siraliyoon, Kosovo iyo Boosniya.  Maxaa Soomaalida gurmad dhab ah oo in lagu dhiso dowlada Soomaaliyeed ilaa iyo hada loo la yahay suaashaas jawabteeda waxaan u deeyay aqoon yahahanka soomaaliyeed in ay wax baaraan waxna ka soo qoraan si aan u ogaano xaalada dhabta ah ee laga damacsanyahay wadankeena.
 
Waxaa intaas sii dheer bulshada caalamka oo sidii loogu talagaly aan arimaha Soomaaliya ugu soo jeedin waxbadan aan ka qaban sidii Soomaaliya dowlada wanaagsan markale loogu dhisi lahaa oo aan tag darneen.  Hadaynoqon laheyd dhinacyada dib udhiska wadanka waxbarashada, dhaqaaalaha iyo in shaqooyin la abuuro sidoo kalena lala dagaalamo gaajada jahliga iyo qabyaalada oo la dhihi karo waa sedexda qeybood ee burburisay soomaaliya dhinacyadaas ma la wadaeegay mise dowladaha deriska iyo kuwa caalamiga waxaa u daran oo kaliya in ay Soomaaliya qatar uga iman oo kaliya.
 
Waxaadse moodaa in aysan danbadan ka laheyn in Soomaaliya cagaheeda isku taagto oo ay qaranimadeedii iyo haybadeedii dib ula soo laabato.  Taasna waxaa daliil kuugu filan 19 sano in ay Soomaaliya la eeganay haday ahaan lahayd ururka Jaamacada Carabta Ururka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobayba wixii ka dambeeyay 1995 markii ay maraykanaka iyo UN ku ka baxeen Soomaaliya. 
 
Way jirtay shirar gaaraya ilaa 14 shir in
lagu qabtay wadamada Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti oo aan si fiican u taabagalin mana ka soo bixin shirarkaas dowlad Soomaaliyeed oo awood leh oo cagaheeda ku taagan kana talisa dhamaan dhulka Soomaaliyeed oo taabagashay. 
 
Guntii waxaa weeye dowlad Soomaaliyeed oo awood leh ayaa wax katari karta gudaha Soomaaliya awoodna u leh in ay ay ilaaliso amaanka wadanka iyo wadamadda deriska.
 
Labo: Siyaasada  

Waxaa laqaatay nidaamka federaalka ama nidaamka maamul goboleedka.  Balse waxaa isweydiin mudan mala dhaqan galiyay nidaamkaas mana lawada gaarsiiyay dhamaan gobolada Soomaaliya?  Waxaan shaki ku jirin in jawaabtu tahay maya.  Qaabka lays oran karo waa loo dhaqin galin karaa maamul goboleedyadu waxay ahayd in loo qeybiyo shan qeybood lao qeybood oo ah Waqiooyiga iyo Bariga Soomaaliya iyo sedex qeybood oo ah koonfurta Soomaaliya tirad guudna ay tahay markaas shan maamul goboleed mid walbana ay leedaxay nidaam iyo kaladambeeyn sida maamul goboleeydyada hada jira oo kale.
 
Markaas ka dib in la dhiso dowlad Soomaaliyeed oo loo dhanyahay baarlamaanka dhexe ee dowladana ka yimaado shanta maamul goboleed ayna ku yimaadaan doorashooyin xor ah oo nadiif ah. Kadibna ay soo doortaan gudoomiya baarlamaaka iyo madaxweynaha sidaas lagu soo dhiso dowlad ku dhisan nidaamka maamul goboleydyada (federal government system).
 
Wadadaas waa wado toosan iyo nidaam la garanayo balse waxaa dhacday oo waxaa laysku barbar waday taas badelkeeda  oo leh labo weji mid waa maamul goboleed federal iyo qabiil oo ah in xubnaha baarlamaanka iyo golaha wasiirada awooda loogu qeybiyo 4.5.  Tiiyoo ay jirto in gobolada qaar aynan ka jirin nabad iyo kala dambeeyn halka kuwo kale ay waxwalba u dhameystiranyihiin.  Waxba layskama weydiin war sideen wax isugu darnaa meel dab iyo colaado ka jiraan iyo meel nabad ah. 
 
Lama oran marka hore meelaha aan nabada iyo kala dambeeynta aynan ka jirin aan ku soo celino nabad iyo kala dambeeyn kadibna aan dhisno dowlad midnimo qaran oo loo dhanyahay.  Taas badalkeeda waxaa dhacday in layiraahdo noogu qeybiya 4.5 aniga waxaygu way ii dhisan yihiin halkan wixii aan ka helo waa ii dheeraad waxaa soo baxay sad bursi iyo labo canleen.  Waxaa laga tagay dantii qaranka iyo in laysu sheego waxyaabaha saxda ah ee ka shaqeeynaya danaha wadanka iyo umada Soomaaliyeed.
 
Marka hore wax malayska weydiyay nidaamka 4.5 ee ku dhisan qabiilka goormuu soo bilawday xukuumadihii lagu dhisay ma taabagaleen. Waxaa ugu horeysay Dowladii Carte ee Madaxweynaha ka haa C/qaasin Salaad Xassan, waxaa ku xigtay dowladii lagu soo dhisay Embghati ee madaweynaha ka ahaa C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaa sidaas oo kale la gu soo dhisay dawlada hada madaxweynaha ka yahay Sheekh Shariif Sh Axmed.  Waxaa sidookale wax ku qeybsaday Makamadihii la midoobay dowlada federalka kumeelgaarka ah TFG.  Waxaa iska cad in aysan nidaamka 4.5 oo aan isleeyahay sababta loo qaatay waxay ahayd wadanka ha ku dago, qabaailka oo dhana hala qanciyo. Taas madhicin mana shaqeyn nadaamka 4.5 waxba ma soo kordhin nabadna ma keenin, qabaailna ma qancin marwalba oo wax lagu dhiso qabiilooyin ayaa bayaan soo saari jiray intey idaacadaha tagaan oran jiray anaga oo reer hebel ah dowladii waan kala noqonay kalsoonidii.  Anaga oo ree hebel ah jagadaas nala siiyay nooma qalanto waan diidnay iyo hado kale oo fara badan. 
 
Waxyna keentay in belaha Soomaaliyeed qaarkood lagu dulmiyay sidoo kalena waxay keentay is naceeb qabaailka dhexdooda, gaarahaan markii la yiri jufo walba soo qeybsada ayaa waxa dhacday in jufooyinkii xataa dhexdooda 4.5 isu sii kala qeybiyeen oo laysku nacladay arinkan waxay dhiira galisay qabyaalda iyo in qofku qabiilkiisu wax kunoqon karo wax uu u doonto qabiilka taasna waxaa ku lumay danta guud ee umadda Soomaaliyeed.
 
Guntii waxaan dhihi karaa 4.5 waa nadaam fashilmay laguna guuldareystay in dib loogu soo celiyo nadaamkii iyo kala dambeyntii, laguna dhiso dowlad Soomaaliyeed oo caadil ah loona dhanyahay. 
 
Sedex: Diinta
 
Diinta Islaamka maahan diin dagaal, maahan diin argagixiso, maahan diin wax dil ku dhisan oo kaliya ee waa diin nabadeed.  Dadku markii ay maqlaan waxaa wax lagu xukumayaa shareecada Islaamka waxay markiiba suureystaan dad gacmaha laga jarayo la karbaashayo ama la dilayaba.  Intaas oo ciqaabaha ah waxaa lagu yiraahdaa Islaamka xuduudaha ama qofka dambiilha ciqaabta la gu fulinayo. 
 
Yaa ku fulinayo qofka dambiilaha ah ciqaabta? Waxaa fulin kara ciqaabahaas dowlada Islaamka oo kaliya ururo ama shaqsiyaad shacabka ciqaabo kuma fulin karaan hadii ay ku filiyaana waa dambiile yaal.  Arinkaasna waxaa kula xisaabtamaya Ilaaheey SW aduunyaddana waxaa kula xisaabtamaya dowlada ay ku dhexnoolyihiin markaas.  Islaamku maaha xuuda ama ciqaabaha oo kaliya ee Islaamku waa nolol, siyaasad, waa aqoon, waa dhaqaale, waa horumariye bulsho.  Islaamku waa nidaam dhameystiran qeyb kamid ah in la qaato qeybaha kale lagama tagi karo Islaamkuna wuu is dhameystiraa hadii lawada qaato.
 
Diintii Islaamku waa diinta kaliya ee ka jirta Soomaaliya dadka Soomaaliyeedna waa Muslim 100%.  Waxaa soo ifbaxay Islaam siyaasadeed sida qabiilkii siyaasadeed ee wadanka burburiyay oo kale ah.  Waxaa soo ifbaxay kalmado ku cusub afka Soomaalida sida Murdad, gaal iyo kaafir. Khawaarij iyo shareeco diid.  Haseyeeshee waxaas oo dhan  waxaa ka sii daran in dhiiga muslimka ee Soomaaliyeed la baneeystay sabab la’aan.  Dadka waxaa layska dilayaa sabab la’aan dadka hortooda, si qarsoodi ah iyo masaajida dhexdooda  iyo goob walba dhiigu wuxuu noqday micno daro aan laga damqaneyn.
 
Iyadoo lawada garanayo aayada quraanka ah ayaan hadana lagu dhaqmeyn, bal aayadan quraanka ah ila eega, uu Ilaahey SW ku yiri “ruuxii udila mu’min si kas ah, abaalkiisu waa Jahanamo oos ku Waari dhexdeeda, wuuna u cadhoon Eebe wuuna lacnadi wuxuu u diyaarin cadaab wayn” (suurat An-Nisaa 93)
 
Aayad  kale wuxuu Ilaahey SW ku yiri “ Cidii disha naf aan (dilin) Naf  ama fasaadin dhulka waxay la mid tahay inuu dilay dadka dhamaan, cidii nooleysa naftana (korisa) waxay la mid tahay isagoo nooleeyey dadka oo dhan….” ( Surat- Al Maaidah 32)
Labadaas aayadood waxy daliil cad uyihiin in ay xaaraan tahay in la dilo ruux Muslim ah ama qof kale oo banii aadam ah.  Dadka dhexdooda waa ka xaaraan in ay is dilaan  ama in ay gooyaan naf kale, waxaana loo baahanyahay in nabad lagu wada noolaado.
 
Hadaba aad bay u wanaagsantahay in diinta sharafkeeda la ilaaliyo dadka culimada ee ahlu diinka ahna la ixtiraamo diintana laga bartaa inlee diintu barasho ayeey u baahantahaye sida cilmiga kale loo barto oo iskool  ama jaamacad looga soo baxo ayey rag ayagana mawlac, masaajid, iskool iyo jamaacado uga soo baxeen diinta Islaamka.  Markii qaranimadii Soomaaliya baabaday wax walba jidkii ay ku socdeen way ka leexdeen xataa waxaa ka mid ah diinteena suuban oo qof walba dhinicii uu doono isga u leexsado mid yirahdo Soomaalida dhexdooda yaan ku jihaadayaa  mid yiraahdo shareecada ayaan wadanka ku xukumayaa iyo jihad ayaan ku qaadayaa cidii iga hor timada.
 
Soomaaliyeey waxaan nahay dad isjecel oo isku af ah, isku dhaqan ah iyo isku diin ah sidii horey aan u soo sheegayna waxaan nahay dad 100% Muslim ah.  War aan is qadarino, aan isu turno, aan u naxno maatida Soomaaliyeed waayeelka, caruurta, haweenka iyo shacabka Soomaaliyeed oo dil, barakac, gaajo, cabsi iyo boob laysugu daray.   Waa hadii ay tahay diin iyo culimonimo waxa aan sheeganeyno dad Muslim ahna aan nahay oo aaminsan in dhiiga qofka Muslimku ay xaaraan tahay in la dadiyo.
 
Islaamku ma diidana in aad si xor ah aad ugu soo istaagto in aad wadanka hogaamiso oo aad xukunto hadii aad doontana waxaad ku xukumi kartaa shareecada Islaamka Soomaalida shareecada ma diidana ee qaabka wax loorabo ayaa la diidan yahay hadii qaabkaada ladiido micnaheeda maaha shareecada ayaa la diiday.  Anigoo ogol shareecada Islaamka ayaan diidi karaa qofka wada iyo qaab dhaqankiisa. 
 
Hadii shacab ku doortaan kuna qancaan barnaamijkaada adna aad ku dhaqdo waxa shacabka doonayo waa sida fiican waxaase marnaba aan jirin in aad xoog iyo qori caaradii aad wax ku raadisid dadkana aad ku qasabtid fikirkaada.  Arinkaasna maaha arin la socon karta qaraniga 21 aad ee aan ku jirno.  Ilaaheyna  SW wuxuu aayad quraan ku yiri “ Ikraah (qasab) ma aha diinta galideedu”  (Suurat Al-Baqarah 256)
 
Qarnigan aan ku jirno waxaa gadmayo in aad barnaamij cad la timaado shacabkana aad ku qancisid si xikmad leh oo ay ku jiro isqadarin, ismaqal, xisaabtan, sinaan, cadaalad iyo horumar.


Waxaa qoray:
 
C/xakiim Macalim
[email protected]
London – Britain



 





Click here