4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Codka Dulmanaha (Voice of the Dulmane)
fiogf49gjkf0d

by Abdi-Noor Mohamed
Saturday, July 11, 2009

Waxaan ahay Somali. Waxaan ahay Dulmane. Waxaa la igu tiriyaa dadka aan tirada badneyn inkastoo aan ka tiro badanahay kuwa tirada sheegta. Deegaankeygu waa dalkoo idil, waxaanse ku xoogganahay inta u dhaxeysa labada webi. Taariikhda dalka kaalin mug leh ayaan kaga jiraa waayo waxaan hormuud u ahaa halgannadi dalka ka dhacay ee lagula dirirayay isticmaarka. Waxaan ahaa kii loo geystay dulmiga ugu badan inti uu isticmaarku ka jiray dalka. Waxaa xusid mudan in ay i soo martay saddex musiibo oo aad u xanuun badan. Ta hore oo ahayd Talyanigi oo dhulkeygi iyo beerahaygi la wareegay ana igu qasbay inaan isaga u shaqeeyo oo beerteydi lafteeda la igu gumeysto. Waa arrin aan ka dhicin gobollada kale ee dalka ee aan beeraha lahayn ama xoolo dhaqatada ah. Ma dhicin weligeed in nin geeley ah inta xoolihi laga dhacay lagu amray inuu qowsaasr u noqdo isticmaarka oo geeliisi lagu gumeysto inta mar la yiraahdo ii soo lis marna la yiraahdo ii soo gowrac iina soo kari hilibkiisa. Waxaa intaa dheer in xirfadleydi oo dhan hawl gab laga dhigay oo sancadi soo koreysay ay ciidda afka la gashay marki uu la yimid qalab meel walba loo isticmaalo, xagga guryaha, gaadiidka, maacuunta, dharka. Waxaa dhacday in xirfadleey oo dhan ama sancooleey iyo beera qodato ama beera falato oo dhan noloshoodi la aasay. Taasi waxay ahayd musiibadi koowaad.
 
Marki uu halganki bilowday waxaan dareenay in neecaw xornimo iyo saxansaxo raja sidda ay dalka oo dhan wada saaqee. Laakinmarki xoriyaddi la helay hawlihii isticmaarka sidi la rabay uma wada suulin oo waxaa dhacday in dhulki gaalka ka kacay ay qaarna la wareegtay dawladda qaarna qolooyin dawladda ka agdhowaa ay waraaqo u sameysteen oo ay milkiillenimo (ownership) sheegteen iyadoo anaguna aan sii ahaanay kuwii shaqada waday wallow markan uu dalka calan ka saarnaa. Taasina waxay ahayd musiibadi labaad.
 
tiisaddexaad waxay ahayd marki dawladi dalka ka arrimineysay lala dagaalamay oo dabadeed xukunki laga tuuray. Waxaa soo baxay koox kaloo qorya sidata oo ku habsata dhulki deegaanka inoo ahaa oo aan islahayn maantuu dib idinkugu soo noqday, waayo talyaanigi waxaa ka dhaxlay dawlado iyo dad ka agdhowaa, dawladihiina waxaa ka dhaxlay kuwo qoryo sita. sidaas ay tahay maanta waxaan disyaar u nahay in Somalia dawlad hesho oo xaqa inaga maqan aan hab dawladeed ku raadsano, waayo haddii qolo walba ay dhib sheegato oo sis gooni gooni ah u raadsato xaqeeda iyadoo aan dawladi jirin ma dhaceyso in cidna ay hesho xaqa ka maqan. Inagii dhibki ugu badnaa na soo gaary ayaa garaneyna inaan dawlad laáan waxba socon karinee maxay kuwa aan intaas nuskood gaarin dawladda u diidan yihiin? Anagu kama mid ahayn qolooyinka dawladnimad ku takrifalay ee kelitalisnimo dalka ku burburiyay ama awoodda sheegtay, anagu kama mid ma ahayn kuwaas., haddii uu jiray shaqsi ka mid ahaa oo beelaha tirayarida lagu sheego isageey u taal, waa shaqsi lagu shaqeysan jiray. Anagu kama mid ahayn kuwa axmaara u galay oo hub u doontay amaba amaxaaradi dalka keenay, anagu ka mid ma ahayn qolooyin argagixisada  dan mooday oo diinta ka dhigtay qalfoofka diinka si ay caddaaladda uga badbaadan oo aan loogu raacanin denbiyadi ay galeen ( Ilaahna waa ogyahay waxa ay sameynayaa). Inagoo intaasba ahayn ayaan haddana waxaan aaminsanahay in dawlad laáan aysan cidina xaqeeqda heli kari, maxay marka kuwa tira yarida nagu sheega ay dawladnimada u ndiidan yihiin? Xitaa haddii ay miisaanka siyaasadda ku saleeyeen 4.5 oo ay dadnimadeena xaqireen, maxay kaloo doonayaan? Yaab
.
Two short poems please
 
Three Curses
The Whip, the Pen and the Gun. In Somalia each one inherited the other

Early in the 19th century
a White man settled our village
He Colonized our community
He confiscated our lands
He made us his farm slaves
He had a whip to punish us
That was the first curse

Movements then came into being
The white man was fought with
He was forced to leave us alone
But our land has not been returned
The government took it by decree
That was the second curse

Civil war erupted in the country
Chaos and strife swept everywhere
Weak communities were trampled on
The government was defeated
The president was chased away
Still our land was not returned
This is the third curse.
I don't know where from
here we should go.
 
Four Point Five
The Somali parliament is divided along clan and tribal lines. The major clans are ONE while the minority clans are POINT FIVE. So the name of the equation is called four point five. Unless this unfair balance is broken somalia will not get out of its present mess of poverty and political instability.

Always be standing by my side
But do not be visible yourself
You are the salt of my cuisine
Give my food a delicious taste
But do not be the taste itself
Too much of you spoil the food
Too little of you is too bad too
Respect the desires of my tongue
You are just a sub human being
Hailing from the minority clans
While I am a total human being
Enjoying the right to be above you
Your share in the parliament is 0.5
While mine is double of your share
4.5 is the name of the equation
I balance it with discrimination
OK? Good Luck



Abdi-Noor Mohamed
Writer and filmmaker
Sweden
[email protected]



 





Click here