
Sabti, November 29, 2025 (HOL) - Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee Guddiga, isaga oo ku dhawaaqay jadwalka doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.
War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha ayaa lagu cadeeyay in guddigu hadda ay u buuxsantay hal sano oo shaqo ah, isla markaana uu sharaxay marxaladaha kala duwan ee howlaha guddigu soo maray.
Guddoomiye Cabdikariim ayaa sheegay in doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir loo qorsheeyay 25-ka December, taasoo ah maalinta rasmiga ah ee cod-bixinta.
Doorashadan ayaa ka dhici doonta 16-ka degmo ee gobolka, waxaana ka qeyb qaadan doona 61 urur siyaasadeed oo taageerayaashooda doorashadan ka qaybgelin doonaan.
Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale xusay in guddigu uu si dhow ula socdo dhammaan diyaar-garowga doorashada, laguna dadaalayo in ay noqoto mid hufan, caddaalad ah, oo ka turjumaysa rabitaanka bulshada.
Dhowr jeer oo hore ayay Guddiga waqti ay soo saareen ay dib uga dhaceen lama oga hadii waqtigaan ay markale qabteen ay ku qaban doonaan Doorashada, iyadoo dhinaca kale Dowladda Soomaaliya iyo Mucaaradka aysan wali heshiis ku ahayn doorashada golaha degaanka iyo doorashada guud ee dalka ee sanadka 2026ka.
Ururrada siyaasadda qaarkood ayaa dhankooda si kulul uga soo horjeestay habka uu guddigu u maareynayo geeddi socodka doorashada, iyagoo ku doodaya in aysan jirin madax banaani buuxda oo ay hayaan xubnaha Gudiga Doorashooyinka Qaranka.