Booliiska Muqdisho oo gacanta kusoo dhigay askari fal xadgudub ah kula kacay Hooyo Soomaaliyeed

Sabti, November 29, 2025 (HOL) - Ciidanka Booliska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgala Saldhigga degmada Xamarweyne ayaa gacanta kusoo dhigay askari ka tirsan ciidanka dowladda oo si awood sheegasho ah ula dhaqmay Maamo Soomaaliyeed oo ku ganacsanaysay suuqa Xamarweyne.

Askariga eedeysanaha ah ee gacanta lagu soo dhigay oo lagu magacaabo Cabdifataax Maxamed Ibraahim ayaa ah Dable ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

newsinsideWar qoraal ah oo kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in eedeysanaha loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh si sharciga loogu waafajiyo falka uu kula kacay hooyada Soomaaliyeed. 

"Eedeysanuhu wuxuu ku jiraa gacanta Booliska, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh si sharciga loogu waafajiyo" ayaa lagu yiri qoraalka 

Waxaa sidoo kale warka kasoo baxay  Booliska gobolka Banaadir lagu faray hay'adaha amaanka inay ilaaliyaan xaquuqda, nafta iyo maalka muwaadiniinta Soomaaliyeed. 

Talaabadaan ay ku soo xireen Booliska eedeysane Cabdifataax ayaa imaaneysa, iyadoo saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada uu si weyn u qabsaday muuqaal muujinaayay tacadiga uu askarigaan kula kacay Maamada Soomaaliyeed, waxaana falkaan si weyn uga carooday dad Soomaaliyeed.