
Khamiis, December 25, 2025 (HOL) - Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si buuxda u soo dhawaysay hirgelinta doorashooyinka dowladaha hoose ee ka socda magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ku tilmaantay tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa dimuqraadiyadda, dowlad-wanaagga iyo ka-qaybgalka shacabka ee hoggaaminta dalka.
War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Maamulka Waqooyi Bari ayaa lagu sheegay in doorashooyinka noocan ahi ay fure u yihiin dhismaha hay’adaha dowladeed ee ku dhisan rabitaanka shacabka, isla markaana ay gacan ka geysanayaan adkaynta nidaamka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.
Maamulka Waqooyi Bari ayaa ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir iyo dhammaan hay’adaha ku shaqada leh inay xaqiijiyaan in doorashooyinku u dhacaan si xor ah, hufan oo ammaan ah, isla markaana la ilaaliyo rabitaanka iyo xuquuqda codbixiyeyaasha.
Sidoo kale, war-saxaafadeedku waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay in la sugo ammaanka guud, lana ilaaliyo kala dambaynta si shacabku ay si nabad ah ugu codeeyaan, loogana hortago wax kasta oo carqalad ku noqon kara habsami u socodka doorashooyinka.
Ugu dambayn, Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa ku boorrisay dhammaan daneeyayaasha siyaasadda, ururrada bulshada rayidka ah iyo shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan geeddi-socodka doorashooyinka, kana shaqeeyaan adkaynta nabadda, sharciga iyo midnimada qaranka.
Doorashooyinkan ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay ee muddo ka badan 50 sanno Laga qabto magaalada Muqdisho, waana tallaabo loo qaaday dhinaca geedi socodka dimuquraadiyada.
