UNHCR: Tobannaan kun oo qaxooti Soomaali ah ayaa ka soo laabtay Yemen intii uu socday dagaalka

Khamiis, December 25, 2025 (HOL) - Warbixin cusub oo ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) ayaa daaha ka rogtay in tobannaan kun oo qaxooti Soomaali ah ay dib ugu soo laabteen dalkooda intii lagu jiray sannadihii la soo dhaafay, iyadoo ay sabab u tahay saameynta dagaalka muddada dheer ka socday dalka Yemen.

Warbixinta, oo la shaaciyay Arbacadii, ayaa sheegtay in 53,525 qaxooti Soomaali ah ay Yemen ka tageen kuna laabteen Soomaaliya intii u dhaxaysay sanadihii 2015 ilaa 2025. 

Sida ay hay’addu tilmaantay, 9,217 qof oo ka mid ah qaxootigaas ayaa helay taageero toos ah oo ay siisay UNHCR iyagoo ku soo laabtay barnaamijka Dib-u-noqoshada Iskaa ah (ASR), halka 44,308 kalena ay si iskood ah ugu laabteen dalkooda iyagoo aan helin gargaar toos ah.

Warbixintu waxay xustay in sanadkii 2015 uu ahaa kii ugu badnaa ee ay qaxootiga Soomaalidu ku soo laabtaan, xilli uu dagaalku ka qarxay Yemen, iyadoo la diiwaangeliyay 26,383 qof oo soo laabtay.

Waxaa ku xigay sanadkii 2017 oo ay soo laabteen 5,566 qaxooti, halka 2018 ay ahaayeen 4,882, sanadkii 2019-na ay gaareen 3,635 qof, Dhanka kale, sanadkii 2025 ayaa noqday kii ugu hooseeyay, iyadoo la diiwaangeliyay 779 qaxooti oo keliya.

Sidoo kale, UNHCR waxay sheegtay in tirada guud ee qaxootiga Soomaalida ah ee dib ugu soo laabtay dalka muddadii u dhaxaysay Diseembar 2014 ilaa Nofeembar 2025 ay gaartay 141,673 qof, kuwaas oo 97,293 ka mid ah ay heleen taageero hay’adda, halka 44,380 ay ku soo laabteen dadaal u gaar ah.

Dhanka kale, xog kale oo ay soo bandhigtay UNHCR ayaa muujisay in tirada qaxootiga iyo magangelyo-doonka ku sugan Yemen ay ka badan yihiin 62,000 oo qof, kuwaas oo intooda badan ay ka soo jeedaan Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo dalka Yemen uu weli wajahayo caqabado bini’aadannimo iyo amni oo culus.