Xisbiga Himilo Qaran oo markale si adag uga hadlay burburinta dhulalka danta guud ee magaalada Muqdisho

Arbaco, December 3, 2025 (HOL) - Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta mar kale si adag uga hadlay burburinta ay weli ku wado dowladda Fedaraalka dhulalka danta guud ee magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed uu soo saaraya Xisbiga Himilo Qaran ayaa lagu sheegay in Muqdisho ay wali ka socdaan tacadiyo baahsan oo lagula kacayo shacabka danyarta ah, iyadoo ciidanka Qaranka loo adeegsanayo barakicinta dadka si xoog ah.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay warka kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran in shaqsiyaad heysta ogolaansho ka yimid madaxweynahe Xasan Sheekh Maxamuud inay ku howlan yihiin dhulboob hor leh oo ka dhacay meelo ka baxsan goobihii ay deganaayeen dadka shacabka ah.

“Iyadoo ay Muqdisho wali ka sii socdaan tacadiyada joogtada ah iyo beegsiga bulshada danyarta ah kuwaas oo si loo barakiciyo laga adeejiyay ciidanka Qaranka, ayaa Xisbiga Qaran wuxuu ka war-helay in shaqsiyaad ogolaansho ka haysta Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud ay ku howlanyihiin dhulboob hor leh oo ka baxsan goobihii shacabka” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran. 

Xisbiga wuxuu sidoo kale ku sheegay qoraalkiisa in barakicinta dadka danyarta ay saameyn xooggan ku yeelatay qaar ka mid ah qoysaska ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo qeyb ka noqday dadka laga raray guryahooda.

Warsaxafadeedka ayaa loogu baaqay culimada, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed inay ka dhiidhiyaan dhibaatooyinka taagan ee lagu haayo shacabka ku nool magaalada Muqdisho. 

Warkaan kasoo baxay Himilo Qaran ayaa imaanaya, iyadoo mudooyinkii dambe dowladda Fedaraalka ay wadday howlo burburin ah oo ay ku guryo waayeen boqolaal qoys oo markii hore haystay guryo.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Xisbiga Himilo Qaran oo dhameystiran:-