Ciidanka dowladda oo howlgal qorsheysnaa ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud

Arbaco, December 3, 2025 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Taliyaha Ururka 242-aad ayaa howlgallo qorsheysan oo ka dhan ahaa maleshiyaadka Al-shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud. 

Howlgalkan ayaa ciidamadu ku burburiyeen goobo iyo gabaadyo kooxdu ku laheyd inta u dhaxeysa deegaanada kala ah Cali Yabaal iyo Isgoyska Geeriile.

Taliyaha Ururka 242-aad ee ciidanka xoogga dalka Dhamme Bashiir Qorane ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ujeedka howlgalkan uu ahaa sifeynta kooxda Al-shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah deeegaanada gobolka Galgaduud. 

Taliye Qorane ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka uu u dhacay sidii ay u qorsheyeen, islamarkaana ciidamadu ay ku fashilyeen dhagaro ay u maleegayeen dadka Soomaaliyeed.

"Ciidamada waxay burburiyeen goobihii gabaadka u ahaa kooxaha khawaarijta, kuwaas oo ay ku dhuuman jireen si ay u fuliyaan falal ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed, waxaa sidoo kale ciidanku ku guuleystay iney khawaarijtu ka sifeyaan wadada muhiimka ah ee isku xirta deegaanada Cali Yabaal iyo Isgoyska Geeriile" ayuu yiri Taliyaha Ururka 242-aad ee ciidanka xoogga dalka Dhamme Bashiir Qorane.

Ugu dambeyntii howlgalkaan ayaa qeyb ka noqoneya howlgalada ciidamada dowladda Soomaaliya ka wadaan inta badan gobolada dalka ee ka dhanka kooxda Al-shabaab.