Oday 80 jir ah oo aano qabiil darteed maanta loogu dilay duuleedka deegaanka Xalfooley ee gobolka Hiiraan


Talaado, November 25, 2025 (HOL) - Wararka ka imaanaya xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in barqanimadii maanta lagu dilay tuulo u dhaxeysa deegaanada Xalfooley iyo Ceel baraf nin waayeel ahaa.

Ninka waayeelka ah ee la dilay oo da’diisu lagu sheegay 80 sano ayaa lagu magacaabi jiray Nuur Xaale Jimcaale, waxaana dilkiisa lala xariiray aargoosi aano qabiil ah. 

newsinsideDilkan ayaa waxaa geystay maleeshiyaad la sheegay iney ka yimaadeen dhanka deegaanka Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo dilka kadib goobta isaga baxsaday.

Falkan dilka ah ee lala xariiray aanada qabiil ayaa waxaa si weyn walaac uga muujiyay dadka ku nool deegaanada ku yaala xadka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan beelaha Xawaadle iyo Abgaal.

Si kastaba ha haatee dilka ninkan odayga ah ayaa kusoo aadaya, iyadoo bilahii ugu dambeeyay dilalka la xariira aanooyinka qabiil ay ka caaganeyd deegaanada u dhaxeeya Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.