Talaado, November 25, 2025 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goordhaw u ambabaxay magaalada Tanger ee dalka Marooko, halkaas oo uu uga qeyb galayo Madasha sanadlaha ah ee MEdays.
Shirkan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa sanadkan waxaa ka qeyb galaya wufuud ka kala socota ilaa 120 dal, waxaana si rasmi ah u martigelinayo Boqorka dalkaasi Morocco.
newsinsideMadashan oo ah kal-fadhigeedii 17-aad ayaa ah madal muhiim ah oo lagu falanqeeyo isbeddellada sida xawliga ah ku socda ee siyaasadda caalamka, xaaladaha amniga, dhaqaalaha iyo isdhexgalka dalalka Caalamka.
Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa lagu wadaa in madasha uu jeedin doono khudbad muhiim ah oo uu uga hadlayo xaaladda guud ee Soomaaliya, dadaallada dowladda ee ku aaddan xoojinta amniga iyo dowladnimada, iyo doorka Soomaaliya ee iskaashiga gobolka iyo caalamka.
Waxaa sidoo kale Raysal wasaaraha inta uu socda shirkan uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doona madaxda iyo wufuuda kale ee ka qeybgalaysa shirkan oo uu kala hadli doono arrimo ay ka mid yihiin kor u qaadista xiriirka iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya la yeelaneyso dalalka kale ee Aduunka.