Soomaaliya oo kenya ka dalbatay gacan siin xallinta khilaaf ka taagan maxkamadda EAC


Arbaco, November 19, 2025 (HOL) - Soomaaliya ayaa ka codsatay Kenya in ay ka gacan siiso xallinta is-mariwaaga ka jira Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika (EACJ), kaas oo la xiriira xubnaha ay u soo magacawday Golaha Sharci-dejinta Bariga Afrika (EALA), sida uu sheegay afhayeenka Aqalka Hoose ee Kenya, Moses Wetang’ula, fiidnimadii Talaadada.

newsinsideWetang’ula ayaa shaaciyay codsigaas kaddib markii uu xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur, oo booqasho ku tegay Dhismaha Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu sidoo kale Kenya ka dalbaday taageero ay ku xoojinayaan ka-qaybgalka iyo doorarka Soomaaliya ee hay’adaha ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Intii kulanku socday, Guddoomiye Wetang’ula ayaa guddoomiye Aadan Madoobe ugu hambalyeeyay doorashadiisa dhowaan ee uu ku noqday guddoomiyaha Guddiga Guddoomiyaasha Baarlamaanada EAC, isagoo ballan qaaday in Kenya ay si buuxda u garab istaagi doonto inta uu xilka hayo.

Wetang’ula iyo Aadan Madoobe waxay sidoo kale ku heshiiyeen in la xoojiyo Saaxiibtinimada Baarlamaanka Kenya iyo Soomaaliya si loo kobciyo wada-shaqeynta iyo diblomaasiyadda baarlamaannada labada dal.