Arbaco, November 19, 2025 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shir guddoomiyey kulan looga hadlayey dhamaystirka iyo u diyaargarowga doorashooyinka dawladaha hoose ee dalka oo la filayo in dhawaan ay qabsoomi doonaan.
Shirkaan oo lagu qabtay xarunta golaha Wasiirrada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, gaar ahaan Wasiiradda Wasaaradaha kala ah amniga, arrimaha gudaha iyo Maaliyadda, kuwaas oo dhamaantood si toos ah uga qayb qaadanaya howlaha doorashooyinka.
newsinsideGudiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan ayaa ugu horeyn shirka kusoo bandhigay warbixin faahfaahsan oo la xariirta qorshayaasha ay u diyaariyeen doorashada dowladaha hoose ee dalka.
Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa shirka ka shregay in guddigooda ay u diyaarsan yihiin dhamaan agabka farsamada, amniga iyo maamulka ee lagama maarmaanka u ah qabsoomida doorashada.
“Waxaanu diyaarinay qalabka codbixinta, tababarka shaqaalaha doorashada iyo nidaamka amniga dhamaan waxay ku socdaan si heer sare ah oo wanaagsan,” ayuu yiri guddooomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan.
Raysal Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa guddiga iyo Wasaaradaha shirka ka qeyb galay ku amaanay dadaalka ay sameeyeen ee ku aadan doorashada, isagoona adkeeyay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay iney dalka u horseeddo doorasho qof iyo cod ah oo ka bilaabneysa gobolka Banaadir.
“Doorashada golayaasha deegaanka ee Banaadir waxay noqon doontaa tallaabadii ugu horreysay ee dhabta ahayd ee lagu gaadhayo nidaamka Qof iyo Cod tan iyo burburkii dawladdii dhexe 1991-kii,” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.
Si kastaba ha ahaate shirkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo doorashada dolowladaha hoose ee dalka lagu wado iney dalka ka dhacdo inta u dhaxaysa bilaha Janaayo ilaa May ee sanadka soo socda ee 2026, waxaana qorshuhu yahay marka hore in laga bilaabo gobolka Banaadir.