Khamiis, November 13, 2025 (HOL) - Ciidanka badda ee Midowga Yurub ayaa Arbacadii sheegay in ay si wadajir ah ula shaqeeyeen ciidamada badda Hindiya, ayna ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan doon kalluumeysi oo laga leeyahay Iran, taas oo ay burcad-badeed u adeegsanayeen weerarro badeed oo ka dhacay xeebaha Soomaaliya, oo ay ku jirto afduubkii toddobaadkii hore ee markab shidaal oo sita calanka Malta.
Hawlgalka “Atalanta” ee Midowga Yurub ayaa sheegay in doonta la qabtay ay tahay Isam Mohammadi, oo ah nooca maraakiibta dhaqameed ee loo yaqaan “Dhow” ee laga isticmaalo gacanka Carbeed.
newsinsideDoontan ayaa loo adeegsaday si loogu fuliyo weerarro isdaba joog ah, kuwaas oo ugu dambeyntii lagu qabsaday markabka shidaalka Hellas Aphrodite, oo siday xamuul bensiino ah kana soo baxay Hindiya kuna socday Koonfur Afrika.
Inkasta oo dowladda Iran aysan weli si rasmi ah u xaqiijin in doontan la qabtay iyadu leedahay, haddana kama aysan bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan lahaanshaha markabka ama ujeedadii uu lahaa ka hor inta aan burcaddu gacanta ku dhigin.
Dhacdadan ayaa imaanaysa iyadoo xaaladda amniga badda ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay sii xumaaneyso, kadib markii kooxaha Xuutiyiinta, oo ay taageerto Iran, ay kordhiyeen weerarrada ay ku qaadayaan maraakiibta ganacsiga tan iyo markii uu qarxay dagaalka u dhexeeya Israel iyo Xamaas.