Faahfaahino kasoo baxaya ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika


Khamiis, November 13, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil galinkii dambe ee Shalay loogu geystay Muwaadin Soomaaliyeed deegaanka Kraaifontein oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Cape town ee dalka Koonfur Afrika. 

Allah u naxariiste Muwaadinka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Nuur Cadde, kaasoo ka mid ahaa dhalinyarada sida weyn looga garanaayay deegaanka Kraaifontein. 

newsinsideDilka Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa ka dhacay gudaha goobtiisa ganacsi, waxaana goobta si deg deg ah uga baxsaday burcada fulisay dilka Maxamed Nuur Cadde.

Ciidamo ka tirsan Booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa gaaray saacado kadib halka lagu dilay Muwaadinka Soomaaliyeed, kuwaas oo sameeyay baaritaano aysan kasoo bixin wax natiijo ah.

Dilkan ayaa ka mid noqonaya dilalka sida joogtada ah dalkaas loogu geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u  shaqo tagay Koonfur Afrika, mana jirto cid isku taagtay iney wax ka qabto dilalka, dhaca iyo dhaawaca lagu beegsado ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

Ugu dambeyntii sanad walba marka la gaaro bilaha ugu dambeeya waxaa si aad ah u kordha dilalka, dhaawaca iyo dhaca lagu bartilmaameedsado ganacsatada Soomaaliyeed.