5/22/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 9 , 2025
Soomaaliya iyo Qatar oo ku heshiiyay in Shaqo abuur loo sameeyo in ka badan 10 kun oo dhalinyaro ah
 

Jimco, May 9, 2025 (HOL) - Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar kulamo miro dhal ah kula qaatay dhigooda Wasaaradda shaqada ee Xukuumadda dalkaasi Qatar.

Kulamada dhexmaray labada dhinac ayaa looga arinsaday hanaanka shaqaaleysiinta iyo hirgelinta heshiishka shaqada oo ay si wadajir ah u saxiixeen madaxda labada Wasaaradood ee dalalka Soomaaliya iyo Qatar.

Hishiiskaan shaqaaleysiinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Qatar ayaa ah mashruuc weyn oo lagu shaqaaleysiinayo in ka badan 10 kun oo dhallinyaro ah oo iskugu jira dhalinyarada xirfadaha leh iyo kuwa aan xirfadaha lahayn.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa cadeysay iney ka go’an raadinta fursadaha shaqo abuurka loogu sameynayo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Guddiga Farsamada ee Iskaashiga Shaqada ee Qatar iyo Soomaaliya ayaa maanta ku kulmay Doha ee dalka Qatar si ay uga wada hadlaan nidaamka shaqaalaysiinta iyo hirgelinta heshiiska shaqada oo ay labada dal saxiixeen.

Talaabadaan lagu shaqaaleysiinayo in ka badan 10-ka kun ee dhalinyarada ah ayaa noqon doonta mid wax badan ka tari doonta caqabadaha dhanka shaqo la'aanta ah oo ay la daalaan dhacayaan inta badan dhalinyarada Soomaaliyeed.