5/22/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 8 , 2025
Dowladda Soomaaliya oo maanta agab ciidan kala wareetay dowladda Mareykanka
 

Khamiis, May 8, 2025 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa maanta agab ciidan oo loogu talo galay, ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ku wareejisay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Danjire Richard Riley ayaa sheegay in agabkan ciidan loogu talo galay xoojinta howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda gobolada dalka.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya waxaa si weyn looga mahadceliyay agabka ciidan ee maanta Safiirka Mareykanka u jooga Soomaaliya ku wareejiyay Wasaaradda Difaaca Soomaaliya.

“Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa Danjire Richard Riley iyo Dowladda Mareykanka taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Wasaaraddu si gaar ah ayay u soo dhoweynaysa taageerada agabka ee maanta la guddoonsiiyay Ciidamada Kumandoosta Danab oo si weyn kor ugu qaadaysa xirfadohooda howlgal ee la dagaallanka Al-shabaab” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sidoo kale xustay in Iskaashiga xooggan ee labada dal uu kaalin muhiim ah ku leeyahay xoojinta awooda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo sare u qaadista isla xisaabtanka iyo gaaridda isku filnaan dhanka amniga ah.

Ugu dambeyntii dowladda Mareynkanka ayaa ka mid ah dowladdaha saaxiibada dhaw la ah Soomaaliya ee ka taageera dhinacyada kala duwan ee amniga iyo horumarinta dowlad dhiska, waxaana si gaar ah Mareykanka uu ciidamada Soomaaliya uga taageera dhanka duqeymaha cirka ah ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.