5/22/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 6 , 2025
Dowladda Soomaaliya oo walaac weyn ka muujisay weerarro ka dhacay dalka Suudaan
 

Talaado, May 6, 2025 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay si weyn uga walaacsan tahay weerarradii lagu qaaday kaabayaasha dhaqaalaha iyo xarumaha rayidka ee ku yaalla magaalooyinka Kassala iyo Port Sudan ee dalka Suudaan.

Weerarradan ayay Dowladda Somaaliya ku tilmaamtay falal halis ah oo sii hurinaya colaadda, kana horjeeda mabaadi’da caalamiga ah, islamarkaana khatar weyn gelinaya xasilloonida guud ee gobolka.

“Dowladda Soomaaliya waxay si cad u diidday weerar kasta oo lagu beegsado kaabayaasha dhaqaale iyo hay’adaha rayidka ah, waxayna hoosta ka xarriiqaysaa muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo nolosha dadka reer Suudaan, adeegyada aasaasiga ah iyo hay’adahooda muhiimka ah,” ayaa lagu yiri war-saxaaafadeed kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Soomaaliya waxay ugu baaqday beesha caalamka iyo dalalka gobolka in ay laba jibbaaraan dadaallada diblomaasiyadeed si loo joojiyo colaadda, loona gaaro xal nabadeed oo dhameystiran oo ay dhammaan dhinacyadu ku lug leeyihiin.

Si kastaba ha ahaatee, Ciidamada Milatariga Suudaan ayaa duqeymo diyaaradeed ku qaaday goobo ay ka mid yihiin Garoonka Diyaaradaha, Dekedda iyo Hotel ku yaalla caasimadda dalkaas ee dagaalku ka dhacay.

Magaalada Port Sudan oo u ahayd goob ay ku noolaayeen dadka ka soo qaxay dagaalada muddada labada sano ah ka socday Sudan ayaa markii labaad todobaadkan la beegsaday.