5/22/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 4 , 2025
Booliiska Puntland oo eedeysanayaal usoo qabtay labo qof oo xalay lagu dilay Garowe
 

Axad, May 4, 2025 (HOL) - Ciidamada Booliiska Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay laba eedeysane oo loo haysto dilka labo qof oo xalay lagu dilay magaalada Garoowe.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska Booliiska Puntland ayaa lagu sheegay, in soo qabashada eedeysanayaasha ay ka dambeysay kaddib hawlgallo baaris ah oo ay iska kaashadeen hay’adda dambi baarista Puntland CID, iyo booliiska gobolka Nugaal.

Booliisku wuxuu sheegay in natiijada baaritaanka hordhaca ah ay sababtay in la qabto laba ruux oo hadda ku jira gacanta hay'adaha amniga, kuwaas oo si rasmi ah loogu tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen falka dilka ee ka dhacay Garoowe.

Sida lagu xusay warka Booliiska, baaritaannada ayaa weli socda, waxaana la filayaa in warbixin dhameystiran laga soo saaro marka uu soo dhammaado baaritaanka rasmiga ah.

Maydadka labada qof ayaan weli la aasin, iyadoo eheladooda ay doonayaan in la helo dadkii ka dambeeyay falkan si caddaaladda loo horkeeno.

Maamulka Hotel uu ilaalo ka ahaa mid kamid ah ragga la dilay ayaa sheegay in rasaas badan lala dhacay labada marxuum, taasoo ay sheegeen in ay muujinayso in raggaan loo dilay si ku talagal ah.