Soomaaliya oo yeelanaysa Xarunta Daarul Iftaa ee Fatwada Diinta
Isniin, January 6, 2025 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhigax-dhigay xarunta Golaha Culimada Soomaaliyeed ee Daarul Iftaa.
"Mashaariicda dadka Soomaaliyeed sida weyn ugu baahnaayeen ayey ka mid
tahay xaruntan Daarul Iftaa, waxaanna rajeynayaa in uu mashruucani uu
noqdo mid guuleysta, kana shaqeeya midnimada Ummadda Soomaaliyeed" ayuu
yiri Ra'iisul Wasaaruhu.
Ujeedka xaruntaan loo aas aasay iyo shaqada ay qabanayso ayaa ah in xaruntan ay saldhig u noqon doonto masaa'isha diiniga ah ee loo baahan yahay in loo iftiimiyo dadka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in bulshada Soomaaliyeed ay yihiin kuwa jecel diintooda, isla markaana ay culimadu waligoodba horseed ugu ahaayeen, iyada oo taas laga duulayana la hirgeliyey xaruntan oo baahi weyn loo qabay xilligan.
"Culimada waxaa laga rabaa in bulshada ay ku jiheeyaan hal dariiqo oo
aan lasoo saarin Fatwooyin is diidan" ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Xamsa
Cabdi Barre.
Maadama la dhaxlay nidaam Yurubiyaan ah waxa uu xusay Ra'iisul wasaaraha in laisku qalday Dowladnimadii iyo diinta, waxaana tusaale usoo qaatay xiligii Dowladii kacaanka ee la daldalay Culimadii ka fikir duwanaatay Dowladdi dhexe.
Hindisaha iyo hirgalinta xaruntaan waxaa iskaleh Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, waxaana Ra'iisul wasaaraha tilmaamay in lagu dhisayo iskutashi oo aysan jirin wax kaalmo dibedeed ah oo lagu maalgelinayo.