1/8/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 6 , 2025
Somaliland oo Kor u Qaadaysa Ilaalinta Xuquuqda Xoriyada Hadalka

Isniin, January 6, 2025 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ay kor u qaadayso ilaalinta xuquuqda xoriyada hadalka, oo aan dadka iyo wariyayaasha aan loo xidi doonin haday ka hadlaan fikiro anay xukuumadu jeclaysan.

Isaga oo daba socda balanqaad uu dhawaan Madaxweyne, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, u sameeyay warbaahinta iyo ururada bulshada rayidka ah, Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, ayaa hoosta ka xariiqay in ay ilaalin doonaan xoriyatul-qawlka.

"Waxa aanu ku dalaalaynaa in aan qofna loo xidhin ra'yigiisa, inta aanu sharciga ka talaabin, ama war ayuu tabiyay xaqiiqo ah oo aan la jeclayn aan lagu xidhin, marka waxaynu noqon umad sharcina hago xoriyadeedana haysata" ayuu yidhi wasiirku.

Sida marar badan lagu xusay warbixinaha sannadlaha ah ee American Freedom House, Somaliland waxay ka mid tahay meelaha ugu sareeya ilaalinta xuquuqda madaniga ah iyo siyaasada, iyada oo marar badan xataa ka kor martay Kenya, isla markaana kaalinta kowaad ka gashay Bariga Afrika.

Laakiin Somaliland waxa xagaldaaciya horumarkeeda xoriyada siyaasadeed iyo ta madaniga ahba, xadhig badan oo loo gaysto warbaahinta iyo shakhsiyaadka soo bandhiga fikiro anay xukuumada wakhtiga joogta jeclaysan.

Madaxweyne Cirro iyo xisbigiisa Waddani, ayaa xiligii ollolaha doorashada bilanqaaday in ay xoojin doonaan ilaalinta xuquuqahan aasaasiga ah.