Jimco, January 3, 2025 (HOL) - Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska ayaa dowladiisa ugu baaqay in ay aqoonsato Somaliland.
Williamson, oo lagu bartay taageerada qadiyada Somaliland isla markaana dhowr jeer Aqalka Baarlamaanka Ingiriiska horkeenay doodda aqoonsiga Somaliland, ayaa sheegay in la joogo wakhtigii ay UK aqoonsi buuxa siin lahayd Somaliland.
"Kadib doorasho xor oo xalaal ah iyo xukun isku wareejin nabad ah, si ka duwan waddamada jaarkeeda, waa wakhtigii ay UK u aqoonsan lahayd Somaliland waddan madaxbannaan," ayuu yidhi Williamson.
Waxa uu intaa ku daray in muddo badan la sugayay aqoonsiga Somaliland, laakiin la joogo wakhtigii ay dowladiisa iyo dowladaha kale ee la saaxiibka ah, sida Maraykanka, ay qaadi lahaayeen tallaabo ay ku aqoonsanayaan Somaliland.
Muddooyinkii u dambeeyay waxa kordhay xildhibaanada ka tirsan golayaasha wakiilada ee Maraykanka iyo Ingiriiska ee taageersan qadiyada Somaliland, kadib doorashooyinkii is xigxigay ee ka dhacay Somaliland iyo xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland.
Xildhibaanno ka badan 20 oo ka tirsan Golaha Wakiilada Ingiriiska ayaa kal hore caddeeyay taageeradooda aqoonsiga Somaliland, sidookale, xildhibaano ka tirsan Koongaraska Maraykanka ayaa wada dadaalo lagu raadinayo aqoonsiga Somaliland.
Dowlada Soomaaliya ayaa dhankeeda isku dayaysa in ay hor istaagto aqoonsiga Somaliland, iyada oo sannadkii ku bixinaysa lacag dhan 600,000 oo dollar hay'addo iyo shakhsiyaad dowlada Maraykanka ku qancin kara in ay ka baaqsato aqoonsiga Somaliland.