Jimco, January 3, 2025 (HOL) - Wafdi heer sare ah oo ka socda dowladda Itoobiya oo ay hoggaaminaysay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Itoobiya Egn. Caa’isha Maxamed, ayaa soo gebagebeeyay booqasho shaqo oo rasmi ah oo ay ku tageen magaalada Muqdisho, taasoo ka dhigan tallaabo lagu xoojinayo xiriirka labada dal.
Wafdiga ayaa intii ay ku guda jireen booqashada waxa ay wada hadallo la yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo u geeyay dhambaal ay ka sideen Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Wada-hadallada ayaa salka ku haya xoojinta iskaashiga qotoda dheer si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Labada waddanba waxay dib u xaqiijiyeen go'aankooda ku aaddan nabadda gobolka waxayna ku heshiiyeen tallaabooyin iskaashi oo lagu taageerayo howlgalka AUSSOM.
Waxaa sidoo kale la dejiyay qorshe lagu fududeynayo booqashooyin heer sare ah oo u dhaxeeya Addis Ababa iyo Muqdisho, taasoo xoojinaysa sida ay sheeegeen xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan difaaca.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa ka mahadceliyey sida lagu sheegay Warsaxaafadeeda kasoo baxay Wasaarada Arrimaha dibibada Itoobiya, doorka Ciidamada Difaaca Itoobiya ay ku leeyihiin xasiloonida Soomaaliya.
Booqashadan ayaa daba socota safar uu dhawaan Itoobiya ku tagay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, H.E. Cali Maxamed Cumar, isagoo halkaas wadahadallo kul la yeeshay madaxda Itoobiya lagu xoojiyay wada shaqaynta socota.