Xildhibaan Maxamed Abiib oo digniin kama dambays ah siiyay Madaxweynaha Somaliland

Jimco, December 5, 2025 (HOL) - Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf, oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay si badheedh ah u toogteen dad shacab ah oo aan hubaysnayn gudaha magaalada Boorama, isaga oo madaxweynaha ugu baaqay inuu si degdeg ah ciidanka uga saaro magaalada.

Xildhibaanka oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa cambaareeyay isku dhacyada u dhexeeya ciidamada iyo shacabka, isaga oo ku dooday in xukuumaddu ay maalmihii u dambeeyay ku daabulaysay ciidamo gobolka si ay u cabudhiso shacabka.

Wuxuu sheegay in xukuumadda laga rabay inay wadahadalsiiso labada beelood ee isku maandhaafsan bandhigga buugga Xeer Ciise, isla markaana ay nabad dhexdhigto, balse taa beddelkeeda ay sababtay in beelaha la isku diro, markii ay arrintu sidaas ku dhammaan weydayna ay bilowday in dadka shacabka ah la laayo.

Xildhibaanka ayaa dadka ugu baaqay in ay isdajiyaaan, isaga oo salaadiinta ugu baaqay in ay dadka la hadlaan, waxa kale oo uu sheegay in talo deg deg ah ay ka gaadhi doonaan waxa ka socda magaalada Borama.

Xaaladda magaalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa maanta aad u kacsan, waxaana ku nafwaayay dhallinyaro ay booliisku u adeegsadeen rasaas, halka dhaawacyo kalena lagu dabiibayo isbitaallada magaalada. Maydadka dadka dhintay ayaa la geeyay isbitaalka Boorama, halka dhaawacyada badankooda lagu daaweynayo goobaha caafimaadka ee magaalada.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo markii uu mucaaradka ahaa si xooggan uga soo horjeeday in xoog loo adeegsado shacabka, ayaa hadda lagu dhaliilayaa in aanu fulin ballanqaadkii uu hore u sameeyay.