
Jimco, December 5, 2025 (HOL) - Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Mareykanka ayaa khamiistii sheegay in tiro ka mid ah dadka lagu qabqabtay howlgal lagu bartilmaameedsaday muhaajiriinta magaalada Minneapolis ay yihiin xubno ka tirsan bulshada Soomaaliyeed.
Tallaabadan ayaa dhacday laba maalin kaddib markii madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu jeediyay hadallo aflagaaddo ah oo ka dhan ah muhaajiriinta Soomaalida, isaga oo sheegay inuu doonayo in dalka laga saarayo Soomaalida.
Wasaaradda Amniga Gudaha ee Mareykanka ayaa war-saxaafadeedkeedii ugu horreeyay ee ku saabsan howlgalka ku sheegtay in qabqabashadu ay bilaabatay Isniintii, balse aanay faahfaahin tirada guud ee dadka la xiray.
Si kastaba, wasaaraddu waxay shaacisay xog ku saabsan 12 qof oo la aqoonsaday, oo shan ka mid ah ay asal ahaan ka soo jeedaan Soomaaliya, halka kuwa kale ay yihiin muhaajiriin u dhashay Mexico iyo El Salvador.
Tricia McLaughlin, oo ah kaaliyaha wasiirka amniga gudaha, ayaa ku tilmaamtay dhammaan dadka la xiray inay yihiin "dambiilayaal khatar ah" oo lagu helay dambiyo kala duwan, oo ay ku jiraan khiyaano, xiriir la’aan baabuur la dhacay, dembiyo galmo iyo wadis gaari isagoo qofka Khamri cabsan.
Dhanka kale, duqa magaalada Minneapolis, Jacob Frey oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa si adag u dhaliilay hadalladii Trump ee ka dhanka ahaa Soomaalida magaalada, isaga oo ugu baaqay shacabka Mareykanka inay ixtiraamaan oo garab istaagaan bulshada Soomaaliyeed ee gobolka, oo ah tii ugu weynayd ee ku nool Waqooyiga Ameerika.
Inkasta oo hadallada Trump ay keeneen caro iyo cambaareyn ballaaran, haddana qaar ka mid ah taageerayaashiisa ayaa si diirran u soo dhaweeyay.