Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay rasaas lagu riday madaxweynihii hore Muuse Biixi Cabdi

Isniin, December 1, 2025 (HOL) - Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in isku dhac aan loogu talogalin uu dhex maray dad shacab ah oo sii sagootinayay madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo Imaaraatka u dhoofayay iyo ilaalada Madaarka Cigaal ee Hargeysa, taas oo ay sababtay in safarka Biixi aan hore loogu sii wargelin maamulka madaarka.

Wasiirka Duulista iyo Horumarinta Madaarrada Somaliland, Fu’aad Axmed Nuux, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in madaxweynihii hore uu watay baabuur aad u badan oo aanay baratakoalku u oggolayn. Wuxuu intaas ku daray in, kadib dhacdada, ay isaga iyo Biixi yeesheen kulan gaar ah oo ay kaga wada hadleen in laga bilaabo hadda la hagaajiyo nidaamka safarradiisa.

“Waxaanu u sheegnay wasaarad ahaan in aanu oggolnahay in la karaameeyo oo la soo dhaweeyo, isla markaana safarradiisa dambe iyo soo noqoshadiisaba in madaarka iyo wasaaradda hore loo soo wargelin doono. Anaguna waxaanu ka shaqayn doonaa in madaxweynuhu hab-maamuuskii uu xaqa u lahaa ku ambabaxo,” ayuu yidhi wasiirku.

Afhayeenka Ciidanka Booliska, Gaashaanle Sare Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil, ayaa sheegay in dad shacab ah oo la socday Madaxweyne-hore Biixi iyo ilaalada madaarku ay isku dhaceen kadib markii dad shacab ahi isku dayeen inay garoonka xoog ku galaan. Wuxuu sheegay in booliisku amray in lasoo xidhay askartii rasaasta riday.

“Madaxweynihii hore ee qaranka, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu naga mudan yahay qaddarin, sharaf iyo karaamo. Maanta waxa madaarka ka dhacay inuu ilaalada madaarka iyo dad shacab ah oo la socday Madaxweyne Biixi ay isku dhaceen... Taliyaha ciidanka booliisku waxa uu amar ku bixiyay in labadii askari ee rasaasta riday la soo xidho,” ayuu yidhi afhayeenku.

Wuxuu intaa ku daray in Taliyaha Booliisku uu dhacdadan u saaray guddi sare oo ka tirsan ciidamada booliiska, kuwaas oo baadhis qoto dheer ku samayn doona sida ay wax u dhaceen.

Ma aha markii ugu horreysay ee ilaalada Madaxweyne-hore Biixi iyo ilaalada madaarku isku dhacaan. Bilo ka hor, mar uu u dhoofayay Imaaraatka, ayaa sidoo kale la soo wariyay isqabqabsi dhex maray labada dhinac.