
Isniin, December 1, 2025 (HOL) - Maamulka Galmudug ayaa si adag uga horyimid shaqsiyaad degmooyinka maamulkaasi uu u magacaabay Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.
Xisbiga Cadaalada iyo Wadajirka ayaa Shalay u magacaabay Cabdimanaan Maxamed Cismaan inuu noqdo Wakiilka Xisbiga ee magaalada Gaalkacyo, halka Mahad Cali Axmed uu Xisbiga u magacaabay inuu noqdo Wakiilka Ururka ee Degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.
Wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Galmudug ayaa magacaabistan ku tilmaamtay mid waxba kama jiraan ah, iyadoo sheegtay in arrintan ay tahay mid baalmarsan sharciga iyo habraacyada Ururada siyaasadda.
“Wasaaradu waxay waxba kama jiraan kasoo qaadeysa talaabada dad sheeganaya Magaca Xisbiga Cadaalada iyo Wadajirka ay ku faafiyeen baraha bulshada shaqsiyaad lagu sheegay wakiilo urur qaar ka mid ah degmooyinka Galmudug, Arrintaas oo ah mid baalmarsan sharciga iyo habraacyada Ururada Siyaasadda" ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug.
Waxa sidoo kale Warsaxafadeedka Wasaaradda lagu sheegay inay baaritaan ku heyso Wasaaradda cidii ka dambeysay talaabada magacaabista oo ay ku sheegtay mid masuuliyad daro ah.
Warsaxafadeedkan kasoo baxay Galmudug ayaa u muuqanaya khilaaf cusub oo mar kale ka dhex qarxay xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xili dhawaan ay dowladda federaalka Soomaaliya ay qorsheynayso iney qabato doorasho qof iyo cod.
Hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka kasoo baxay Galmudug oo dhameystiran:-
