5/28/2025
Today from Hiiraan Online: President Mohamud appoints Hassan Muungaab as Mogadishu Mayo...
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 16, 2025
Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo isaga baxay deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan
 

Arbaco, April 16, 2025 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka iney maanta dib uga baxeen deegaanka Abooreey ee gobolka Hiiraan oo maalmahii lasoo dhaafay ay kula dagaalamayeen kooxda Al-shabaab.

Deegaankaan ay soo baneeyeen ciidamada ayaa labadii todobaad ee lasoo dhaafay waxaa ka socday dagaalo culus oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray  ciidamada iskaashanaya iyo kuwa Al-shabaab oo ku wada dagaalamayay gudaha deegaanka.

Aboorey ayaa ah deegaan muhiim ah oo hoostaga degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan, waxaana saraakiil ka tirsan kuwa difaaca deegaanka oo la hadlay warbaahinta ay sheegeen in Abooreey ay uga baxeen xeelad dagaal, islamarkaana ay dib ugu laaban doonaan deegaanka.

Dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Aboorey waxaa ku dhintay saraakiil ciidan iyo askar kale, waxaana saraakiisha ku geeriyootay ka mid ahaa Taliyihii ururka 163-aad ew guutada 16-aad ee Kumaadooska Danab Asad Cismaan Afrax.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Taliska ciidanka xoogga dalka oo ku aadan sababaha keenay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka iney soo baneeyaan fariisimahii ay ka dagaalameeyeen ee deegaanka Aboorey.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay ciidamada huwanta ah dib uga soo baxaan deegaan ay ka qabsadaan kooxda Al-shabaab, waxaana horay sidaan oo kale ay marar kala duwan uga soo baxeen deegaano ay kooxdu awood kaga saaraan.

Lasoco wixii kusoo kordha warkaan.