4/13/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 10, 2024
Sheekh Shariif, Xasan Cali Kheyre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo madaxweyne Xasan Sheekh ku dhaliilay gaabis shaqo
 

Sabti, February, 10, 2024 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed Raysal wasaarahii hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal ay si wadajir ah u soo saareen si weyn ugu dhaliilay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraalka ay soo saareen masuuliyiintaan ayaa waxay kaga hadleen arrimo badan oo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin in laga gaabiyay dagaalka ka dhanka ahaa Al-shabaab iyo in xadgudubka damaca Itoobiya siyaasada lagu wajahay aysan aheyn midii mudneyd.

Warsaxafadeedka ayaa sido kale lagu sheegay in madaxweynaha uu kaligiis isku soo koobay howlahii dalka, sida dhaqaalaha, siyaasadda, diblumaasiyada iyo dhinaca Bulshada, islamarkaana dalka uusan wali laheyn Wasaraddahii muhiimka ahee ee arrimaha dibada iyo Amniga.

Qodobada masuuliyiintaan ay walaaca ka mujjiyeen ayaa waxaa ka mid ah wax ka badalka Dastuurka oo ay sheegeen iney horseedayso midnimada oo kala dhantaalanta, daganaansho la’aan siyaasadeed oo maanta laga baaqsan karro.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-













Click here
2/10/2024 4:12 PM EST
Sabti, February, 10, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isbitaalka Digfeer ku booqday dhaawacyada Saraakiisha Imaaraatka ee ku dhawaacmay toogashadii ka dhacday Xerada Janaraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

2/10/2024 3:14 PM EST
Sabti, February, 10, 2024 (HOL) - Toogasho ayaa ka dhacday Xerada Ciidanka General Gordan ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen ugu yaraan 5 kamid ah saarakiil kasoo jeeda Imaaraatka Carabta.

2/10/2024 10:01 AM EST
Sabti, February, 10, 2024 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay 27 xubnood oo ka mid ah kooxda Al-shabaab ka sameeyay deegaanka Yaaqdabeyl ee gobolka Jubbada Hoose.

2/10/2024 8:35 AM EST
Sabti, February, 10, 2024 (HOL) - Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.

2/10/2024 7:10 AM EST
Sabti, February, 10, 2024 (HOL) - Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka u qaabilsan Afrika Molly Phee ayaa lagu wadaa inay hawl-gal diblomaasiyadeed ku tagto Addis Abeba, Ethiopia, laga bilaabo 12 ilaa 17ka Febraayo, 2024.

2/10/2024 7:04 AM EST
Sabti, February, 10, 2024 (HOL) - Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah ansixiyay xubinimada Soomaaliya ee ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

2/10/2024 4:10 AM EST
Sabti, February, 10, 2024 (HOL) - Howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS, ayaa shaaciyay inay Soomaaliya ka saareen 5,000 oo Askari, iyo 13 Saldhig oo Ciidan oo ay ku wareejiyeen ciidanka hay'adda Nabad Sugida Soomaaliya, intii lagu guda jiray wajigii koowaad iyo labaad ee dhimista ATMIS.

2/10/2024 2:49 AM EST
Sabti, February, 10, 2024 (HOL) - Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheysan kusoo qabtay horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab.

2/10/2024 2:43 AM EST
Sabti, February, 10, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xalay kulan gaar ah kula qaatay xarunta Madaxtooyada Qaranka Soomaaliya qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed.

2/10/2024 1:54 AM EST
Sabti, February, 10, 2024 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ee fadhigeedu yahay magaalada Boosaaso ayaa midkiiba 10 sano oo xabsi ah ku xukuntay afar nin oo lagusoo eedeeyay inay katirsan yihiin Alshabaab.