4/13/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 10, 2024
Howlgalka ATMIS oo shaaciyay inay Soomaaliya ka saareen 5,000 askari
 

Sabti, February, 10, 2024 (HOL) - Howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS, ayaa shaaciyay inay Soomaaliya ka saareen 5,000 oo Askari, iyo 13 Saldhig oo Ciidan oo ay ku wareejiyeen ciidanka hay'adda Nabad Sugida Soomaaliya, intii lagu guda jiray wajigii koowaad iyo labaad ee dhimista ATMIS.

Taliyeyaasha ugu sareeya ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS oo khamiistii todobaadkii hore soo gabagabeeyay shir socday muddo afar maalmood ah, ayaa hoosta ka xarriiqay sidii loo dejin lahaa istaraatiijiyada ugu dambeysa ee howlgallada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab iyo qorshaha wejiga xiga ee dhimista 4000 oo askari oo dheeri ah illaa iyo bisha June.

Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa ATMIS, Danjire Souef ayaa sheegay in wejiga saddexaad ee dhimista ciidanka ATMIS uu  si guul ah ku soo dhammaan doono, isagoo ku booriyay Taliyeyaasha Ciidamada ATMIS inay si dhow ula shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka Soomaaliya (SSF), si loo sugo ammaanka inta lagu jiro xilliga kala guurka.

Shirweynaha taliyeyaasha ATMIS ayaa la qabtaa saddexdii biloodba mar si loo qorsheeyo muhiimadaha amniga ee howlgalka si loo fuliyo Fikradda Howlgallada (CONOPS).












Click here
2/10/2024 4:12 PM EST
Sabti, February, 10, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isbitaalka Digfeer ku booqday dhaawacyada Saraakiisha Imaaraatka ee ku dhawaacmay toogashadii ka dhacday Xerada Janaraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

2/10/2024 3:14 PM EST
Sabti, February, 10, 2024 (HOL) - Toogasho ayaa ka dhacday Xerada Ciidanka General Gordan ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen ugu yaraan 5 kamid ah saarakiil kasoo jeeda Imaaraatka Carabta.

2/10/2024 10:27 AM EST
Sabti, February, 10, 2024 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed Raysal wasaarahii hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal ay si wadajir ah u soo saareen si weyn ugu dhaliilay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

2/10/2024 10:01 AM EST
Sabti, February, 10, 2024 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay 27 xubnood oo ka mid ah kooxda Al-shabaab ka sameeyay deegaanka Yaaqdabeyl ee gobolka Jubbada Hoose.

2/10/2024 8:35 AM EST
Sabti, February, 10, 2024 (HOL) - Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.

2/10/2024 7:10 AM EST
Sabti, February, 10, 2024 (HOL) - Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka u qaabilsan Afrika Molly Phee ayaa lagu wadaa inay hawl-gal diblomaasiyadeed ku tagto Addis Abeba, Ethiopia, laga bilaabo 12 ilaa 17ka Febraayo, 2024.

2/10/2024 7:04 AM EST
Sabti, February, 10, 2024 (HOL) - Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah ansixiyay xubinimada Soomaaliya ee ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

2/10/2024 2:49 AM EST
Sabti, February, 10, 2024 (HOL) - Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheysan kusoo qabtay horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab.

2/10/2024 2:43 AM EST
Sabti, February, 10, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xalay kulan gaar ah kula qaatay xarunta Madaxtooyada Qaranka Soomaaliya qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed.

2/10/2024 1:54 AM EST
Sabti, February, 10, 2024 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ee fadhigeedu yahay magaalada Boosaaso ayaa midkiiba 10 sano oo xabsi ah ku xukuntay afar nin oo lagusoo eedeeyay inay katirsan yihiin Alshabaab.