9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 20, 2024
Howlgalo culus oo Maalintii labaad ka socda gobolka Jubbada Hoose

Jimco, September, 20, 2024 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa maalintii labaad oo xiriir ah howlgalo culus oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka wada tuulooyin hoostaga deegaanka Buulo xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalada ayaa si gaar ah uga socda dhulka howdka ah ee ku yaala aaga lagu magacaabo Lagta Caanoole oo dhinaca Koonfureed kaga beegan deegaanka Buulo xaaji.

Aaga Lagta Caanoole ayaa la sheegay iney gabaad u ahayd xubno ka tirsan Al-shabaab oo isugu jira horjoogayaal Soomaali iyo Ajaaniib ah, kuwaas oo halkaas ka waday abaabulka weeraro ay ku qaadaan fariisimaha ciidanka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ku leeyihiin Jubbada Hoose.

Taliyaha ciidanka Daraawiishta Jubbaland Ismaaciil Saxardiid ayaa warbaanhinta dowlada u sheegay in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ay bur buriyeen fariisimihii Al-Shabaab ay ku lahaayeen aaga lacagta Caanoole oo u aheyd kooxda gabaad muhiim ah.

Dagaalo goos goos ah ayaa lasoo wariyay in labada dhinac ay ku dhexmareen degaankaas 48-kii saacadood ee la soo dhaafay, waxaana la tilmaamay in dagaaladaasi ay ka dhasheen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac oo aan laga helin tirakoob sax ah.

Howlgalkaan saacadaha badan qaatay ee ka socda Jubbaland ayaa kusoo aadaya, iyadoo howlgalo sidaan oo kale ah ay ka socdaan qaar ka mid ah deegaanada maamul goboleedyada dalka.