9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 20, 2024
Maamulka gobolka Hiiraan oo digniin adag u diray dowladda Itoobiya
 

Jimco, September, 20, 2024 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay maamulka gobolka Hiiraan ayaa digniin adag loogu diray dowladda Itoobiya oo la sheegay in abaabul ka dhan ah madaxbanaanida dowlada Fedaraalka Soomaaliya ay ka wado xadka gobolka Hiiraan uu la wadaago dowladda Itoobiya.

Maamulka gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle ayaa lagu faray ciidamada qalabka sida iney adkeeyaan amaanka deegaanada dhaca xadka Hiiraan uu la wadaago dalka Itoobiya, si looga hortago khatar kasta oo ka imaan karta Itoobiya.

"Iyadoo laga duulayo ilaalinta danaha qaranka, Lana adkeeynayo difaaca xuduudaha Cir, Dhul iyo Badeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Waxaan doowladda Itoobiya uga digeeynaa in aay abaabul kasta oo kasoo horjeedo Madaxbanaanida qaranka ka sameeyaan xuduud Beenaadka dhuleed ee  gobolka Hiiraan" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay maamulka gobolka Hiiraan.

Warka kasoo baxay maamulka gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale lagu faray shacabka Soomaaliyeed ee degan xaduudaha iney ka feejignaadaan dhagarta dowladda Itoobiya ay la damacsan tahay dadka degan gobolka Hiiraan oo ay u adeegsan rabto kooxo calooshood u shaqeystayaal ah.

Ugu dambeyntii Warsaxafadeedka kasoo baxay maamulka gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle ayaa kusoo aadaya, iyadoo masuuliyiin ka tirsan maamulka la baxay Hiiraan State ay ku sugan yihiin maalintii labaad magaalada Godey ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, halkaas oo ay kulamo kula leeyihiin saraakiil sar sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-